Wax ma tare
caruuri
meel ay joogto iyo wax ay cunaano iyo meel lagu cuno toona war iyo wacaal uma hayo, isaga
iyo daankiisa ayuunba saxiiba oo cankaa takhsiinsan iyo qiiqaa uu budhbudhinayo
ayuunbuu aduun ka yaqaan. Haddii uu waayana xaaladu waa bariga dhexe iyo
bakoorad wixii la arkoba daba loo qabto,. Nacallaba, Hoo baaruud.
Caruurta
hooyadood ayaa quudkooda iyo arad baxoodaba laga sugaa ilaa iyo intii uu
dhashay ka yar ee ay labana ka weyn yihiin laba kalena hoos uga yar yihiin oo
ku beegnayd goortii ay gabi ahaanba fahmi wayday dabeecadihiisa iyo waxa uu soo
wadwato oo ay u kala saari wayday waali iyo miyir qab.
Imika
waxa u dheer inay kordhiso wakhtiyadii ay cadceeda la meeri jirtey caanaha
dhayda ah oo ay ku darto ciir ay subixii la wareegto iyo baco ay ka baayac
mushtarayso, taas oo ay ku kadeeday kolkii ay damacday inay ubadka inta wax
barasho gaadhay qayrkood raaciso inta ay nooshahay ee ay sii tamarinayso.
Salaada
hore iyo xili aan umadduba soo jeedin ayay dabka u hurisaa si ay calool gashi
ugu sameyso ubadkeeda iyo bahalkan guriga usoo yuuruura een wax yeelo mooyee
wax tar usoo wadin. Dabadeedna yaa arsaaq yaa fataax inta ay tidhaahdo ku
jarmaadaa suuqa. Iyadoo daal bastii ahna ugu soo guryo noqotaa oo haddana kala
wad iyo kala hagaaji gaashaa.
Waxey
noloshu iska luudaba isagiina wuu sii kibray oo wax cun oo cab mooyee hami iyo
qamigii kaleba ka tagey oo lagu soo fah siiyey islaantiisii iyo ubadkiisii. Waa
goor casar dheere ah guriga ayuu soo daf yidhi isaga oo xameysan oo ay balaayo
duulinayso budh madax kuusana laalaadinaya “ Nasii baanu ku nidhi busaarad
baanu bas nahaye” buu si iimaanla ugu yidhi iyadii oo imika uun soo gashay “
maanta wakaa joogii oo buuxaa oo cidiba maxaad haysaa ima odhan” bay si daal,
tacab iyo niyad jab laysku walaaqay ka muuqato ugu celisay. Bug , Bug iyo
bashkax baa xigtay iyo dhiiga qulqulaya. Hayaaaaaaaay….Hayaaaaaaaaaaaaaaaaay.
Hibo
Ciise Maxamed
hibafaakhir@gmail.com
Comments
Post a Comment