Posts

Showing posts from January, 2017

U Hiili Naftaada

Image
M arkaad tahay qof uu Alle (SW) ku abuuray kawnkiisan, isla jeerkaasna ku manaystay caqli waa in aad yeelataa Hami & Hiigsi. adiga oo aan cidna u daba fadhiisan inaad rumayso ahdaaftaada ha noqdaan kuwo aduun iyo dabcan kuwo aakhiro. Waxa jira dad badan oo u noqda nolosha dhibanayaal. taasi waxaan ula jeeda in ay noloshooda ka dhigaan tu ku xidhan qorshe qof kale dajistay ama jid ruux kale jeexday si uu u maro dabadeedna siday jidkaa u socdaan uu kaga dhamaado meel aanay doonayn amaba aan la mahadin. Waxa kaloo jira in badan oo aan noloshooda masuuliyad ba iska saarin. Tusaale waxaad in badan aragtaa qof waalidkiisa la nool isagoo da,diisu 20 jir kor u dhaaftay kana raba mariin & masruufba haddii uu ka waayana iska cadhoonaya! Waxa jira iyaguna hablo badan oo dhalinyaro ah oo wax bartay in badana soo baranayay oo marka ay dugsi sare ama jaamacadda heerka koowaad shahaado ka qaataan sugaya uun in la guursado oo aan indho & dhago kaleba lahayn. Guurku waa m