U Hiili Naftaada
Markaad tahay qof uu Alle (SW) ku abuuray kawnkiisan, isla jeerkaasna ku manaystay caqli waa in aad yeelataa Hami & Hiigsi. adiga oo aan cidna u daba fadhiisan inaad rumayso ahdaaftaada ha noqdaan kuwo aduun iyo dabcan kuwo aakhiro.
Waxa jira dad badan oo u noqda nolosha dhibanayaal. taasi
waxaan ula jeeda in ay noloshooda ka dhigaan tu ku xidhan qorshe qof kale
dajistay ama jid ruux kale jeexday si uu u maro dabadeedna siday jidkaa u
socdaan uu kaga dhamaado meel aanay doonayn amaba aan la mahadin.
Waxa kaloo jira in badan oo aan noloshooda masuuliyad ba
iska saarin. Tusaale waxaad in badan aragtaa qof waalidkiisa la nool isagoo
da,diisu 20 jir kor u dhaaftay kana raba mariin & masruufba haddii uu ka
waayana iska cadhoonaya!
Waxa jira iyaguna hablo badan oo dhalinyaro ah oo wax bartay
in badana soo baranayay oo marka ay dugsi sare ama jaamacadda heerka koowaad
shahaado ka qaataan sugaya uun in la guursado oo aan indho & dhago kaleba
lahayn. Guurku waa muhiim lakiin se waa in aad si waafi ah uga fakartaa halkaad
talaabada u qaadeyso iyo waxa kaaga horeeya.
Iyana waxaan meesha ka madhayn Rag inta ay reero dhistaan
haddana iska hurda oo doonaya inay jiifka wax kasta ku helaan taasi oo ugu
danbeyntii keenta burbur qoys amaba dayac ku yimaada ubadkooda.
Haddaba waa inaad cindiga ku haysaa in aaney xisaab la,aan waxba shaqeynin, hadday dhacdana aaney kusii waarin,
wax wal oo mas,uul lagaaga dhigay waxay kusoo idlaadaan uun xisaab gaw lagu
siiyo, haddii aanay jirin taasina waa jaantaa rogan oo makhluuq oo dhan
xisaabaa u danbeysa. Haddii aanad naftaada xisaabin oo aanad u dhigin
qorshayaal aad hadhaw ka shidaal qaadato ogow waxaad tahay dhibane ka mid ah
dhibanayaasha nolosha iyo aakhiraba.
Haddaba akhriste u hiili naftaada adoo uga hiilinaya
- cibaadada & Alle ka cabsiga oo aad caadeysato.
- noloshaada iyo qorshayaashada oo aad qof kale ku xidho iyo
- wakhtiga malaayacniga kaaga dhacaya.
Turunturooyinka noloshu way badan yihiin lakiinse ogow inay
yihiin casharo laguugu talo galey si aad wax badan u ogaato, kaligaana maahee
qofkasta oo aduunkan ku dul uumanba wax buu la daala dhacayaa haba lakala
badsadee.
U HIILI NAFTAADA…U
HIILI NAFTAADA…. U HIILI NAFTAADA
Hibo Ciise
Maxamed
Comments
Post a Comment