WARAABE HILIB LAGU RARTEY (DAWLADDA HOOSE EE HARGEYSA)
Waxa
sii siyaadeysa bilic xumada magaalada caasimada ah ee Hargeysa iyada oo ay
barbar socoto in dakhligii dawlada hoose kordhay mudadii ay xilka la wareegeen
gollaha deegaanka ee uu Mayor Soltelco gadhwadeenka ka yahey. waxa ku cad
maqaalka DAKHLIGA DAWLADA HOOSE & DAYACA CAASIMADA oo uu
qoray Liibaan Ismaaciil Buraale “in
wadarta guud ee dakhliga dawladda hoose ee magaalada Hargeysa yahey $13,371,511,884”
taasi oo u dhiganta 133,715,118,840,000 sl shilling. Tiradaasi sida ay
ku timi iyo iyadoo faahfaahsanba waxaad ka akhrisan kartaa lingaxan https://www.facebook.com/liban.i.abdilahi/posts/10205202040706598.
Dakhligan
oo sida ku aad ka arki karto qormada waliba celcelis ahaan halka ugu hooseysa
laga soo qaatey ayaa waxa barbar socda Mashaariic kale oo ay
dakhliyo dheeraad ah ka helaan sida Mashruuca UNJPLG & kuwa uu Baanka Aduunku la wado Dawladaha
Hoose. haddana magaalada Hargeysi way ka qatan tahey oo ka qaawan tahey waxaasi
oo dakhli ah. laami laguma dhiso,
waxbarasho ha sheegin, caafimaad looguma hawl galin. Wax kale oo ay dawladda
hoose mas,uul ka ahaydna wax lagagama
qaban.
Marka
lasoo hadal qaado waxqabadka dawladda hoose ee Hargeysa dhawr qodob uun baa soo
noqnoqda oo ay ka mid yihiin Dabdamiska & dhawr waddo oo qosol ku jab ah.
Xili wax la qabtay iyo goob uu wax qabad ka hir galey soo marin maysid madaxda
Dawladda Hoose ee Hargeysa. In ay xafiisyada dawladda dhexe ee ku shuqulka leh
iyo bulshdaba u soo gudbiyaan warbixin waxqabad oo sanad le ah ayey ahayd
sida ku cad xeerka ismaamulka gobolada
& degmooyinka JSl xeer Nam #23.
Dadkii
Hargeysa daganaa waxay noqdeen wax daad
qaaday, wax dayac & darxumo u dhintay iyo qaar la kacaa-kufaya sidii ay u dabooli
lahaayeen noloshoodii oo la, baahiyihii Aasaasiga ahaa, iyada oo baahiyihii
aas-aasiga ahaa ay noqdeen kuwo aaney bulshadii oo dhani goyn kareyn sida
Waxbarashadii, Caafimaadkii, Nalkii, Gaadiidkii dadweynaha IWM. cidii goddalooladaa
buuxin lahayd waa Dawlada Hoose lakiin waxay u eegtahey in aynu WARAABE HILIB
KU RARANEY.
Xoghayihii
u danbeeyay ee Dawladda Hoose laga badelay bishii Labaad ee sanadkan 2018
Mudane Cali Xassan Cawaale waxa uu soo bandhigay cadeymo sheegaya maamul
xumada ka jirta Dawladda Hoose ee Hargeysa & waliba lunsiga hantida umada ee
ay caadeysteen, Taa badelkeedii waxa uu ku mutaystay in ay dawladda dhexe ka xayuubiso xilkii ay u igmatey. Aqoon gaar ah uma lihi balse waxa uu soo
qaatey arrimo ay tahey in laga garaabo oo aan layska indho tirin.
Wasaaradda
Arrimaha Gudaha ayaa soo magacawda xilkan isla Wasaaradaas ayaanu u diraa wixii
xog ah xoghayaha Dawlada Hoose. Iyada ayaa inoo qaabilsan arrimaha Dawladaha
Hoose oo dhan walaw aanay ahayn hawsha ugu weyn ee ay hayso oo ay xooga saaraan
Nabadgalyada wadanka Gudihiisa. Way jiri
karaan xurgufo shaqsiyeed iyo isa-seeg siyaasiyan ku qotoma meelo kale, siday
doontaba ha ahaatee haddii aanu nahay shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa
waxa aanu xaq u leenahay in uu Mayor Soltelco naga jaahil saaro eedaymaha uu
usoo jeediyay Xoghayuhu isaga oo na tusaya oo na taabsiinaya wax uu ku
beeninayo dhamaan qodobada u soo qaatey.
Waxa
uu sheegay in ay jiraan shaqsiyaad aan sharcigu ogolayn oo saxeexa kharashaadka
dawladda hoose, sidoo kale waxa uu tibaaxay inuu jiro maamul xumo weyn oo ku
jirta hantida dawlada Hoose ee Hargeysa oo ka mid yahay mishiinka Jayga ridqa
ee Abaarso (Crusher) kaasi oo ay dawlada hoose gacanta ku hayso balse marka uu
ka shaqeeyo hawlo ka baxsan kuwa dawladda hoose ee uu dakhli soo xareeyo in aan
dakhligaasi soo galin qasnada Dawladda Hoose ee Hargeysa iyada oo kharashka uu
baahan yahay qalabkaasi hadday noqoto Mushahar shaqaale, shidaal & wax ala
wixii kale ee uu baahdo laga saaro qasnada dawladda hoose.
Sidoo
kale waxa ay Dawladda Hoose ee Hargeysi leedahay Hanti Maguurto ah oo ay ka mid
yihiin Sariibado & Bacadlayaal laga kireeyo shacabka, lacagaha kirada ahna
ay tahey in qasnada dawladda hoose ay kusoo dhacdo balse ay gacmo gaara ku
jiraan iyada oo ay maamulka qaar ka mid ahi si hoos ahaana dad kale ugu
wareejisteen.
Sida
oo kale waxa uu tibaaxay Xoghayihii hore dhulka danta Guud oo si sharci darro
ah loogu takrifalo. Waynu ogsoonahay dhul kasta marka la qorshaynayo waxa laga
jaraa dhul Dan Guud ah oo loogu talo galey in dadka meesha ku dhaqan/dhaqmi
doona looga sameeyo Iskuulo, Masaajido, Madarasado, Xarumo caafimaad IWM. Balse
wali aynaan hayn dhul Danguud loo jaray oo la hadal hayo. Waxaan iyana aan
meesha ka maqnayn Gaadiid badan oo ku magacaaban Dawladda Hoose balse ay dad
gaar ahi dano gaar ah uga faa,iideystaan.
Iyada
oo waxaasoo dhami jiraan maalintii xil wareejinta Xog-Hayuhu qodobada wuu kaga
Hadley balse nasiib darrada ina haysata badiba mudanayaashii kasoo qeyb galey xafladaasi
waxay eeda saareen Mudanahaa wax u soo bandhigay. Halka ay qaar kood ku
sheegeen inuu fududyahay oo aan waxba lagu aaminin kareyn taasi oo Mayirku
waliba u raaciyey in uu iska sahayday in xil danbe oo dawladeed in loo
magacaabo. tolow ma isaga ayaa xilalka dawladda qaybiya mise waxa uu ina
leeyahay Dawladda oo dhan baa musuqmaasuqa cid wax sheegsheegtana looma baahna?
Bal adba.
Maayir
bal waxa aad noo cadeysaa dhamaan arrimahaas iyada oo indhahaygu macalin noo
yihiin oo maanta dayaca Caasimada ka muuqda iyo diifta haysata dadka danyarta
ah aanu arkeyno. Waxa ayaan darro ah in Wasiirkii loo igmaday inuu mas,uul ka
noqdo arrimahan aanu waxba ka qaban ee uu badelayba.
Sida
aan kusoo qaatey maqaalka Dawladaha Hoose ee Soomaalilaan aan kaga hadlayey http://gaarabidhaan.blogspot.com/2018/05/dawladdaha-hoose-ee-soomaalilaan.html qodobka 29 aad ee Xeerka
ismaamulka Gobolada & Degmooyinka oo sheegaya siyaabaha loo kala diri karo
Mudanayaasha Gollaha deegaanka waxa ku
xusan oo kamid ah qodobada lagu kala diri karo Marka ay (3) kalfadhi oo is xiga sabab
la’aan, Degmooyinka Darajada “A” & “B” fadhiyadoodu u qabsoomi waayaan.
Degmooyinka Darajooyinka C, & D hadii 4 Kalfadhi oo isku xiga sabab la’aan
u qabsoomi waayaan. Gollaha Deegaanka ee Hargeysi way baal mareen qodobkaa
walina way soo taagan yihiin.
Xukuumadda
waxaanu ka codsanaynaa in la sameeyo Wasaarad u gaar ah arrimaha Dawladaha
Hoose taasi oo u hagar baxda kana shaqeysa kor u qaadida aqoontooda la
xidhiidha maamulka deegaanka & xirfadaha kale ee kor u qaadaya shaqaalaha
Dawladaha hoose & Xildhibaanadaba. Ugu yaraan waa in ay meesha yimaadaan
amaba isasoo sharaxaan dad aqoon u leh dawladaha hoose iyo hawlaha ay
qabanayaan.
Sababta
oo ah wax qabadka xukuumadaha waxa laga soo dhisaa Dawladaha Hoose, iyaga ayaa
ah tusaha u weyn ee xukuumadi waxqabadkeeda kusoo bandhigi karto.
https://www.youtube.com/watch?v=RUWM2WLGvIY linkagaxani waa muuqaal koobaan oo la inagu tusayo madaxweyne
Erdogan sidii ay dawladiisu u badashay wadanka Turkiga iyo sidii u ahaan jirey
wadanku hortii.
Dhaamamka Daami & Xero digaaga oo uu inala wadaagey Mayorku. waa Ayaan darro & Damiir xumo heerkii ugu sareysay.
Meelo ka mida Hargeysa oo qashinku tuulmay
WQ:
Hibo Ciise Maxamed
Comments
Post a Comment