Qalad fahanay Qalin-Jabintii!
“Qalin la jabiyaa ma jiree waa lasii Qortaa.”
Waxa iska soo daba dhacaya qalin jabinaha heerarka
kala duwan ee Jaamacadaha dalka Somaliland guud ahaan., iyadoo ay tirada ardeydu
sanadba sanadka kasii danbeysa sii
kordheyso. Waa arrin Alle loogu mahad naqo madaama ay bulshadii u xadhko
xidhatay waxbarasho ilaa heer jaamacadeed gaadhsiisan. Iyadoo aqoontu ay tahey
furaha horumarka.
Haddaba, waxa la yaab leh in ay xafladihii qalin
jabinuhu u ekaadeen aroos wadareedyadii
loo dhigayey kooxda lamaanaha ah, oo laga badbadiyey marka loo eego
xaflad qalinjabineed, iyadoo la sameynayo waxyaabo aan loo baahanayn amaba aan
muhiim ahayn sida: gawaadhi la sharaxo, in murayaadaha gawaadhida lagu wada
dhajiyo qofkii qalin jabinayey, in sawiro meelo aan munsaab ahayn lagu galo,
keegag lacag badani ku baxayso oo khasab laga dhigay in loo sameeyo qofka qalin
jabiyey & in layskugu faano heerka labiska sidoo kale in la sameysto xaflado,
iyada oo la kireysanayo hoolalka xafladaha aroosyada, lana soo kireysanayo
fanaaniin kharash badani ku baxayo.
Maxuma qofkii hayntiisu gaadhsiisay inuu sidaa yeelo,
balse waxa jira boqolaal waalidiintood kallifaya iyaga oo waxbarashadoodii iyo
hawlohoodii kale lalasoo dhib mutay. Sida aynu ka warqabno waxa aynu ka mid
nahay wadamada ka hooseeya khadka faqiirnimada lagu qiyaasay (Under the Poverty
Line), taasi macnaheeduna ay tahey 90% bulshadu maaha kuwo awood u leh hawlaha
caynkaasa marka la eego duruufaha kale ee ku xeeran, oo ay kow ka tahey
waxbarashadii & maceeshadii oo guud ahaanba laban laabantay shantii sanadood
ee u danbeysay.
Waxa kale oo Iyana jirta in heerka waxbarasho ee
jaamacadaheenu aanu gaadhsiisnayn heer caalami (Standard level) taasi oo aan ka
wado in aynaan helin deegaankii, agabkii, iyo dadaalkii aynu kula talaabsan
laheyn caalamka. Tusaale, buugaagta cilmiyada kala duwan laga barto sanad walba
waxbaa laga badelaa si loola jaanqaado wakhtiga hadba la joogo. Inagu waxa aynu
weli jaamacadaha ku haysanaa buugaagtii la daabacay 1998 kii, haddaanay kaba
horeyn. Mar labaadka ardeygu 80% cilmiga waa in uu kasbadaa oo uu sameeyaa
baadhitaan & akhris badan, taasina mahayno oo bulsho wax akhrida ma nihin.
Habka doorashada waxa aynu baranayno iyo hadafka aynu kaleenahay laftiisa Ayaan
inoo cadeyn. Taasina waa ta sababtay in ay ardeyda jaamacadaha kasoo baxayaa
badankoodu noqdaan qaar aan waxba ka hayn wixii ay mudada kusoo tabcayeen amaba
sita dhibco magac u yaal ah.
Waxa intaa sii dheer in aanay waxbarashadu lahayn
bar dhamaad ee ay tahey mid joogto ah, Hadaad sidato shahaadada ugu sareysa ee la
diyaariyo (PHD) haddana kama maarmaysid in aad daaqad kale eegto oo aad cilmi
cusub wax ka bawsato. CILMIGU WAA BAD, SE IRBAD AYAAD KA QAADANAYSAA MARKAAD U
BADISID.
Dhamaan qodobada aynu kor kusoo sheegnay marka aynu
isku wada darno haddii aad isku aragtay ama aad dareensantahey in ay jiraan. MA
AHA IN AAD XAFLAD QALIN JABIN AH OO CAYNKAA AYNU ARAGNAY AH ISKUGU KALIFTID!
Haa, waxa aad gaadhay meel aad ku riyoon jirtay, lakiin miyaanad dareemayn in
ay wax kaa dhiman yihiin. Waa in aad baadi goobtaa waxa kaa maqan haddaba.
Marka ay ardeydu badanka diyaariyaan shahaadada
heerka koowaad waxa ay ku rajo weyn yihiin in ay shaqo helaan oo weliba xafiis
fadhiistaan, iyaga oo filaya in wixii ay soo barteen lagu shaqeynayo. Shaqada shahaado
qayaxan oo qolfoof ah laguma helo waa in aad baadigoobtaa hilibkii & hugii
aad shahaadadaada ku iib geyn lahayd. Waxa jira xirfado lagama maarmaan ah in aad
yeelato si aad u shaqeyso, dabcan badankoodana laguma barto jaamacadaheena inta
ogaalkayga ah.
Gabagabo
Waxa ina hor yaala hayaan dheer, dalka & dadkaba
mustaqbalkiisu waa innaga markaa waxa la inaga sugayaa wax ka fog oo ka badan
in ayaamo loo damaashaado oo wakhti lagu lumiyo waan qalin jabiyey. Waxa aynu
ku noolnahay dal aduunka ka go,doon ah, waxa aynu ka tirsanahay qaarad lagu magacaabo
dunida saddexaad. Aduunyooyinkana waxa kala horeysiiyey waa dad. Wadamada
noloshooda la hiigsado ee ay ka mid yihiin Maraykan, Ingiriis,
Iskaandanifiiyanka iyo kuwo la mid ah waxa heerkaa soo gaadhsiiyey waa
dadkoodii oo dadaal & karti galiyey. Maxaa inagana inaga haysta in aynu
tubtaa marno?!
Kharashka yar ee ina soo gala wakhtigan ee aynu
sidaa ugu ciyaarayno waxa qurux badan inaga oo mustaqbal ku dhisana oo
shaqooyin abuurana.
Hibo
Ciise Maxamed
Comments
Post a Comment