WAXA LOOGA SII DARAY NINKII MAQASHA DAAYACAY MARKII GEELA LOO DIREY!



Maamulka Dawladda Hoose ee Caasimada Hargeysa 2012-2019
    meel kamid ah wadada Idaacadda hareeraheeda
Hordhac
Dawlada hoose ee Hargeysa oo ay usoo kala danbeeyeen maamulo kala duwan tan iyo intii dagaalada ka danbeysay, iyada oo ay maayirada caasimadu soo mareen nidaamo kala duwan oo ay ku yimaadaan ilaa laga soo gaadhay in doorashooyin gollayaal deegaan la qabto, halkaasna ay bulshadu ku doorato xildhibaanada golaha deegaanka.

Dawladaha hoose waa halka ugu hooseysa hab maamul dawladeed ahaan, waa halka loogu talo galey in ay bulshada si toos ah isugu xidhnaadaan isla markaana ka jawaab celiyaan hadba baahiyaha ay bulshadu tabanayso. Iyada oo aanay ahayn meel loogu talo galey in loo soo macaash doonto, balse u jeedada u weyn ee meesha taala ay tahey sidii bulshada loogu adeegi lahaa.
Magaalada Hargeysi waxa ay ka mid tahey magaalooyinka sida aadka ah u koraya, isla jeerkaasna bulshada u badani ku dhaqan tahey guud ahaanba Somaliland. walow aanay jirin tirakoob sax ah oo wali ka hir galay wadanka. Waxa lagu qiyaasay shan sano ka hor in ay dagan yihiin 1.2 million (UNFPA, 2014). Korodhka bulshada waxa barbar socda dhaqdhaqaaqyada dhaqan dhaqaale ee ay bulshadaa kordhaysaa wadato taasi oo ka dhigaysa magaalooyinka Somaliland kuwooda ugu dakhliga badan.

Haddaba, waxa doorashdii u danbeysay ee gollaha deegaanka gabi ahaanba Somaliland qabsoomeen dabayaaqadii sanadkii 2012, halkaas oo lagu doortay golle deegaan oo cusub. Dabcan Hargeysa oo caasimadii ah ayaa ugu tiro badnayd, oo tirada xildhibaanadeedu ahaayeen 29 sida uu dhigayo xeerka ismaamulka gobolada & degmooyinka Somaliland xeer Lr 23/2002.

Maxaa is badelay mudadaa 2012-2019
Mudadaa ay xilka hayeen gollaha deegaanka ee hadda khaatumadii ku jira ee uu gadhwadeenka ka yahey Mayor Cabdiraxmaan waxa dhacay isbadeladan.
1.      Waxa aad u adkaadey XIDHIIDHKII KA DHAXEEYAY BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADA HARGEYSA & DAWLADDA HOOSE EE HARGEYSA.
Shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa oo mudadaa maalinba maalinta kasii danbaysay ay sii kala fogaanayeen xidhiidhkii ay la lahaayeen gollahooda deegaanka & xafiisyada dawladda hooseba, aynu ka eegno dhawr dhinac
·         Helista adeegyada ay bulshadu u baahantahay: kuyuuga ay bulshadu ugu jirto xafiiska dawladda hoose ee Hargeysa & jahawareerka haysta waa mid ka muuqda albaabada laga galo xarunta dawladda hoose ee Hargeysa. Iyada oo ay adagtahey in la helo shaqaale & maamul sidii loogu talo galay u gudanaya waajibaadkooda shaqo, saacadihii shaqadana shaqeynaya. Sidoo kale waxa ay dayaceen adeegyadii koobnaa ee ay u hayeen bulshada oo ay ka  mid tahey Qashinka & Maamulkiisa. Qashinku waxa uu ka mid yahey caqabadaha u waaweyn ee ay la tacaalayso bulshada ku dhaqan magaalada Hargeysi, iyada oo gabi ahaanba lagu wareejiyey shirkado gaar ah, kuwaasi oo aan dabagal & lasocodkii loo baahnaa lagu sameynin. Taasi waxa ay keentay in qashinkii si siman looga qaadin bulshadii ku dhaqnayd magaalada Hargeysa oo la ilaabo danyartii aan tahli karayn in ay bixiyaan lacagaha qashinka, xaaladaasina ay keentay in qashin badan la soo raaciyo daadadka, dabadeedna laamidii uu ku hadho qashinku. 

·      
Shariciyeynta Dhulka & jeexista dhismayaasha: hawshan oo ay dawlada hoose gacanta ku hayso ayaa shacabka ku abuurtay baqdin ay ka qabaan xafiisyadii dawladda hoose ee ay la xidhiidhi lahaayeen. Iyada oo qofka ugu hagaaga in hawsha kaga xidhan xafiisyada uu u baahan yahey wakhti badan & lacag badani kaga baxayso ku noqnoqoshada dawladda hoose, taasina ay kalliftay in bulshadii in badan oo kamid ahi ku dhici weydo in ku hagaagto dawladii hoose dabadeed ay ku khasbanaadeen in ay dirtaan cid ka mid ah shaqaalaha dawladda hoose oo ay lacag ku siiyaan si ay ugu soo sharciyeeyaan dhulkaa.

2.      WADOOYINKII MAGAALADA OO BOHOLO & DOOXYO ISKU BADELAY.
Wadooyin cusub oo soo kordha hadalkooda daa, kuwii hore ayaa wada godad noqday. Mararka qaar dayactir qosol ku jab ah ayaa lagu sameeyaa oo godadka lagu yara rakco kuwaas oo bil kadib halkoodii kusoo noqda. Marka hal wado la hagaajiyo sida looga soo yaacayo kuwa godadka leh ayey taasina cidhiidhi & kuyuu noqotaa. Marka uu roobku ku da,o magaalada Hargeysa wadooyinku waxay noqdaan dooxyo xashiishka & qudhunku dhex yaacayaan, markaasaad is weydiinaysaa meeshu ma waday ahaan jirtay beri.  


Badhtanka Maagalada Hargeysa (Road No1)
 Wadada Dahabshiil gargaar koonfur uga baxda
Dhibta ka taagan Suuqyada Hargeysa
Dadka suuqyada Hargeysa ku ganacsada ee danyarta ah waxay qabaan duruufo adag oo aanay cidi uga garaabin. Waa la burburiyaa iyaga oo ku guda jira hawl maalmeedkoodii ay ku raadsanayeen quutal daruuriga qoysaskooda. Qorshe looma sameeyo, bacadkooda & banaankoodana looma daayo. Meesha laga rarona iyada oo aan wax qorshe ah loo hayn baa cagaf lagu qaadaa. Ganasatadaa oo u badan hooyooyin kaaryoonayaal & maqaaxiyo ku haysta wadooyinka hareerahooda.
 Ganacsiyo yar yar oo cagaf la galiyey Suuqa Hoose ee Hargeysa

Suuqayada waaweyn ee Hargeysi malaha meelo loogu talo galay in baabuurta la dhigto. Xiliyada saxmada ee dadku suuqyada usoo baxaan waxaa wakhtiga kaa qaadaya cidhiidhiga wadada ka jira iyo raadinta meel aad gaadhiga dhigato (Parking).
Suuqa Hoose ee Hargeysa
Sidoo kale waxa aan gabi ahaanba suuqa Hargeysa ka jirin musqulo ay dadweynuhu isticmaalaan, taasi oo ay markasta cabasho ka muujiyaan haweenka ku ganacada suuqyada magaalada Hargeysa
Dakhlig Degmooyinka qaar & Dayaca ka muuqda
Wadooyinka ugu saxmada badan magaalada uguna dayaca & burburka badan waxa ay ku yaalaan degmooyinka Ibraahim Koodbuur  26 ka June & Gacan Libaax. Oo ay ku yaalaan suuqyo ay ka mid yihiin suuqa weyn ee waaheen, sariibada Mawel, suuqa Jaamac Gunti, Gobanimo, Jaamacadaha & dugsiyada  waxbarasho ee u badan sidoo kale ganacsiyada yaryar badankoodu. Waxa lagu qiyaasay celcelis ahaan dakhliga kasoo xarooda maalintii degmooyinkaa qaar ka mid ah 20,000,000 ilaa 40,000,000 sl shilling ah. Aynu soo qaadano in maalintii uu yahey 30,000,000*30maalmood ee bisha, 900,000,000 sl sh bishii iyada oo sanadkiina noqonaysa 10,800,000,000 sl sh oo marka USD loo rogo ka badanaysa 1.8 milyan USD. Waa dakhliga kasoo xarooda hal dagmo oo kamid ah degmooyinkaas aynu kor ku xusnay sanadkii. Iyada oo ay jiraan dakhliyo wakhti le ah sida cashuuraha ardiyadda, jeexista iyo qaar kale oo la halmaala. Kabka dawladda dhexe & mashaariicda Hay’addaha UN tuna uu dheer yahey.
                   Jigjiga yar
Wadada 150 ka
Wadada 150 ka
Wadada Maxkamada G/Marodi-Jeex
Wadada ku laabata masjidu Daarul-Imaan
Bilicda Guud ee Magaalada Hargeysa
Hargeysa, Somaliland
Hargeysi iyada oo aan lahayn wadooyin waaweyn iyo qorshe ay ku dhisan tahey (Master Plan & Town Plan) & sidoo kale shuruucdii dhiska (Zoning Regulations) oo awal horeba nidaam la,aan la baaba,sanayd oo qashinku wadooyinka waaweyn buuxo ayey haddana lama dagaan isku sii badelaysaa oo dhanka dhiraynta ay ka tahey eber. Qalaylka & bacadka magaalada badhtankeeda ka dhacaya haddii aad xilliyada duhurkii lugayso waxa aad moodaysaa in aad tahriibtay oo aad saxare ku dhex luntay. Daalka waxa kuu dheeraanaya indho xanuun marka ay gidaarada & bacadku isku kaa dhiibdhiibaan. Sawirka kor ka muuqdaa waa muuqaalka guud ee magaalada Hargeysa, bal aynu barbar dhigno muuqaalka guud ee Magaalada Kigali oo ah magaalo aynu isku da,a nahay hadaynaan kaba weynayn magaalo ahaan dib u dhiskeedii.
Kigali, Rwanda
Gabagabo
Magaalada Hargeysi waa magaalo agoon ah oo rajo ah, shacabkeedi uma hiilin, golaheedii deegaankuna wakaa usoo boobka tagey. Dhulalka la qorsheeyo waxa laga jara dhul dan guud ah oo loogu talo galay in laga dhiso iskuulada, Madarasadaha, Masaajida, xanaanooyinka, suuqyada & xabaalaha. Waxna dadka sadaqo kula baxa waxna ganacsi bay ku jiraanba.  Dhamaan dhulalkaasi loo jaro danta guud meel ay maraan ma aragno.
Cashuuraha ka bulsho ahaan nalaga uruuriyo ma aragno wax lagu qabto. Magaaladu gudo & dibad ba waa ka dayacan tahey.

XEERKA ISMAAMULKA GOBOLADA & DEGMOOYINKA JSL XEER Lr 23/2003, xeerkani waa xeerka u baaladhan ee loogu talo galay in lagu hago dawladaha hoose ee JSL, xeerkani waa tilmaamaha koobaad ee bixiya hab maamulka & hawl gudashada gollaha deegaanada JSL & waliba xafiisyada dawladda hoose. Muwaadin madaama aad dooratay gollahaaga deegaanka sidoo kale waad kala diri kartaa..
QODOBKA 29’aad
KALA DIRIDDA GOLAHA.
1.        Marka   ay   (3)   kalfadhi   oo  is  xiga  sabab  laaan, Degmooyinka Darajada “A” & “B” fadhiyadoodu u qabsoomi waayaan. Degmooyinka Darajooyinka C, & D hadii  4 Kalfadhi  oo isku xiga  sabab laaan  u qabsoomi waayaan.
2.       Marka ay (1/3) xubnaha Goluhu soo jeediyaan (2/3) Na ansixiyaan.
3.       Marka Guddi qaran oo gaara ah oo madax banana oo madaxweynuhu u magacaabay xilka kala diridda ay soo baadhaan gefafka dhacay ee lidka ku ah xilgudashadooda warbixin iyo talooyin cadna ka keenaan.

1.        Marka dadweynihii soo doortay ee Degmooyinka Darajada “A” (5,000) Shan Kun oo Qof Maxkamadda Gobolka iska diiwan galiyaan kuna hor saxeexaan, soona jeediyaan in la kala diro Golaha sidoo kale Degmooyinka Darajooyinka “B” “C” & “D” na waa 2000 oo Qof.
2.       Dadweynaha soo jeedinaaya Codsiga kala dirida wax u shardi ah inay deggan yihiin Degmada kana diiwaan gashan yihiin, isla markaana buuxiyaan shuruudaha Codeynta Ee sharciga doorashooyinku jideeyeen.
3.       Marka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guduhu uu ku qanco, hubiyana xaqiijinta inay jebiyeen ama ay ku sifoobeen Arrimaha ku xusan Qodobkan Ee sababta kala dirida Golaha, wuxuu Wasiirku Awood u leeyahay, in uu soo jeediyo kala dirida Golaha, una gudbiyo Madaxweynaha oo leh Awoodda kama dambaysta ah ee kala diridooda, iyada oo loo marayo maxakammadda awooda u leh kala diridooda ee Heer gobol

References

UNFPA. (2014). Population estimation Survey.



Comments

Popular posts from this blog

Shalay daalinkaan riday Dal baabu xukumayee, Qaar daaqi xoolaha, Dekeddiyo madaarkii Iyo dawladnimadii Sarriftaa ka daba yimi;

Wedding planner

Baroortu Orgiga Ka Weyn (Buuga Sooyaal)