Af lagaado & Cay midna eedu kuma sama!
Hadal xumadu
waa wax la liidey oo la diidey ayna fogeysay diinta islaamku, carrabka waxa lagu tilmaamay seef meesha ay seeftaasi
goysana aanu dhakhtarku xitaa dhayi
Karin, dadkuna way ku kala dhintaan hadal xumada iyo erayada gefka iyo gurracu
ka muuqdo.
Baribaa waxa layidhi gabadh baa nin ay jaar
ahaayeen ceebaysay oo cid walba ku tiri hebel waa tuug, markii danbe ayey
boolisku xidheen markii uu muddo jeelkii ku jirey ayay cadaatey inaan wax danbi
ah oo arintaa la xidhiidha lagu hayn deedna layskasoo daayey.
Dabadeed
gabadhii ayaa maxkamadii looga yeedhay si danbigaa been abuurka ah loogu qaado,
waxa ay ku andacootey inaaney waxba u gaysan ninka, kaliya ay wax ka sheegtay.
Ninkii qaadiga
ahaa oo runtii caqli u saaxiib ahaa ayaa ku yidhi orod oo gurigaagii tag
dabadeed warqado soo qaad wax kasta oo aad ninkaa ka sheegtayna ku qor dabadeed
jar jar oo kidif waxaadnad ku tuurtaa laamiyada, sidii ayey yeeshay xilligii
balantu ahaydna way soo noqtay si ay ugu sheegto inay fulisay wixii uu faray,
qaadigii wuxu ku yidhi hadaba berri waraaqihii soo ururi oo ii keen, gabadhiii
intay yaabtay ayey ku tiri Qaadigii oo sideen u keeni karaa dabayshaa midba
meel gaysee xataa lagama yaabo inaan xabad kaliya soo helo.
Waxa uu ugu
jawaabey haddaba hadalkaagiina waa sidaasi oo kale meel walba wuu ka dhacey cidkastana way
maqashay, ninkaana sumcadiisii iyo sharaftiisi waadigaa meel kaga dhacey oo soo
noqosho maleh, halkii ayaa gabadhii lagaga qaadey talaabo sharciga waafaqsan.
U jeedadu waxey
tahay waayadan danbe waxaynu aragnaa ama maqalnaa dhalinyar badan oo siyaasadii
amaba waxa loo yaqaano (Politics) qalad u fahantahay oo moodaya in qofka aad
taageersantahay ka ay tartamayaan la af lagaadeeyo, ceebihiisana iyo gafafka ka
dhaca la baadi goobo laguna raad joogo. Qofkasta waxa uu xaq u leeyahay inuu
codka doorashada wadanka uu ka dhashay amaba uu sharciga ka haysto dhiibto,
cidda uu taageerayo iyo sida uu u taageerayana xor ayuu u yahay waxaase aan wanaagsanayn dhaleecaynta,
canbaareynta & kutidhi ku teenka aan
sal & raad toona lahayn ee laysla daba socdo. haddaynu nahay umad haysata
diinta Suuban ee Islaamkana waynu kasii xag jirnaa dadyawga diimaha kale haysta.
oo quraan & axaadiisba waynu ku haynaa in aan qofka sharaftiisa iyo
karaamadiisa meel lagaga dhicin, ceebaha iyo goldaloolada dadka la ilaaliyo oo aan
umadda loo bandhigin.
Waxaynu dadka
kale sii dheer nahay laablakaca aan arag-fogaanta lahayn ee ina haysta iyo
habka badankeenu ku taageeraan dadka ay doonayaan in ay maamulka u dhiibtaan
sida madax-weyne, ku xigeen IWM, taasi oo ah hab qabyaaladeed amaba midkale oo
qalooc & qudhun sal ku leh lakiinse aan ahayn mab,da xisbiga iyo
barnaamijyada ay isku iib-geynayaan musharaxiintu, taasi oo keenta cawaaqib xumada aynu imikaba la daalaa dhaceyno.
Wax xal ah oo
lagu gaadho haba yaraatee ma jirto in qof la caayo ama la aflagaadeeyo oo aan
ka ahayn in intaa badelkeedu adna cid kale kaaga timaado, wakhtina kaaga lumo
aakhirona aad ku cadaab mudan karto.
Waxan kusoo
gabo gabeynayaa in laga fiirsado wararka aan la hubin ee lagu baahinayo baraha
bulshada, madaxda iyo shakhsiyaadka la ceebaynayo iyo khaladaadka dadka oo la
buunbuuninayona laga dheeraado. Ogow berri baad halkaas oo kale iman doontaa
sidii aad dadka ka yeelaysay uunbaa lagaa yeeli, qof aan khaldamina ma jiro
aduunka Illaahey baa (SW) xumaan ka
nasahane Aadame waa gafaa kaad jeceshahay iyo kaad necebtahayba taas waa inaad
garwaaqsataa.
Dhalinyarta
dalkeyga waxaan leeyahay wakhtiga ka faa,iideysta oo isku daya inaad saxdaan
wixii ay Aabayaashiin iyo Awowyaashiin sixi kari waayeen dunidii way socotee
yaan laynaga tagin intaynu waa la yidhi baa la yidhi bay yidhaahdeen ku
foogan nahay.
Waad
Mahadsantihiin
WQ: Hibo Ciise Maxamed
Comments
Post a Comment