Sharciga & Cadaaladda maxaa innaga haysta!
Sharcigu waa hab wax lagu maamulo oo ay
sameeyaan ururo bulsheed amaba dawladi, waa wax laysla garto in laysku afgarto oo dad
iyo duunyaba lagu kala hago. Sharcigu
waa hab ilaaliya amaba u jeedadiisu tahey in ay bulsho meel kuwada dhaqan is
ixtiraamto kuna noolaadaan sinaansho iyo kala danbeyn uu sharcigu dhigayo.
Halka ay cadaaladu ka tahay in ay dadku u
sinaadaan sharciga sida in haddii ay laba baabuur is jiidhaan in loo eego
sharciga dabadeedna si aan eexasho, dhinac saaris iyo qof jeclaysi midna lahayn
loogu qaado wixii qabanaya.
Sharciga oo la dhawro wax badan baa ku badbaada
, dadka ayaa ku kala socda waana marjic loo laabto markasta oo wax laysku af
garan waayo, amaba loo baahdo in si kaleba loo adeegsado. sharciga waxa soo hoos
galaya shareecada islaamka (Qur,aanka & Sunaha …) oo haddaynu dad muslim ah
nahey noqonaysa ta uu Illahey (SW) inoo jideeyay, dastuurka iyo dabcan xeerarka
kala duwan ee lagu hago amuuraha kala gadisan.
Intaa haddaynu isla fahanay, waxa iigu xigta in
umadeenii lagu ibtileeyay sharcigii isla markaana dhulka la jiiday oo la ruquusay dhankaynu doonana ula kacnay. Aalaaba waxaad arkeysaa
ama maqlaysaa mid ku doodaya in xaq uu lahaa laga duudsiyey oo ay cadaalad daro
la kulantay, berrina isagii markuu helo fursad uu sharicigaba indhaha ku qaban karo
aan uga tudhayn.
Waxey noqoteyba in markii la waayo doc iyo
daaqad sharciga lagu garab marona lagu andacoodo waxbaa layga musuqay iyo
waxbaa layga leexiyey hadda gara,oo waa markuu waayey/dey meel alla meel ay wax
ka walaaqaan.
“A
nation that will not enforce its laws has no claim to the respect and
allegiance of its people.”
Ambrose Bierce.
Sida uu ninkani
sheegayo haddii uu qaran dhaqan galin waayo sharuucda iyo xeerarka ay dhigtaan
ixitiraam iyo daacadnimo yaanay shacabka ka sugin. Dabcan dawladda iyo shacabku
way is yihiin. Kolba cid shacabka ka mida ayaa dawladda noqonaysa, taasi oo
jirta waxaynu nahey dal wali curdin ah dawladduna wali cago xoogan kumay
istaagin sidaa darteed waxa loo baahan yahay in ay inaga go,naato dhawrida
sharciga iyo ixtiraamkiisu iyada oo aanay cidina inagu qasbin.
Sharciga in la
ilaaliyo waxa u xil saaran laamo ka mid ah dawladda, xeer ciqaabeed iyo
talaabooyin lagula tacaalo , tubtii iyo tamarteediiba iyaga ayey umaddu ku
aamintay balse haddii ay dawladii noqoto meesha ugu horeysa ee lagu rifo
sharciga maxaad maleyn?
“If the
government becomes a law-breaker, it breeds contempt for the law. It invites
every man to become unto himself.
It invites anarchy.” Louis Dembitz Brandeis
Ninkani wuxu leeyahay haddii ay dawladi noqoto sharci jabiye, waxay
dadka ku beerta sharci naceyb, waxaanay ku casuuntaa qof walba inuu sharciga ka
dhigto mid isaga u dan ah. Taasi oo ah mid aynu hadda ifafaalaheedii arkeyno
haddii aan sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabanina noqon doonta mid cidhib
xumadeedu dad iyo duunyaba ina saameyso.
Waxaan maqlay sheeko aan marnaba maskaxdeyda ka
bixin cid aan ka maqlayse hadda ma xasuusto waxey u taaley sida tan.
Qofka ka sheekaynayey oo hadlaya ayaa yidhi “
aniga oo jooga wadanka Japan oo ay I waheliyaan laba qof oo dalkaa kasoo jeeda
ayaanu goor saq dhexe ah oo sharcigii seexday isagoo ula jeeda ciidankii nabed galyada wadooyinka (Traffic) iyo calaamadihii kala hagayey baabuurta, ayaanu
wado weyn kusoo dhacney deedna waxa baxayey iftiinkii casaanka ahaa oo ah
markii ay baabuurta haadkooda maraysaa istaagi lahayd ee ay dadka iyo baabuurta
haadka kale socon lahaayeen balse wax baabuur ah iyo dad meesha maraysaa wakhtiga ma ay jirin, waxaan
damcay idhi ina socodsiiya cidi ma joogtee. labadii nin ayaa igu soo boodey iyagoo ii sheegaya inaan ixtiraamo sharciga oo
aan taagnaado ilaa inta ay iska badelayso oo ay noqonayso markii ay talaabi
lahaayeen iyaga oo igu leh haddii uu sharcigu seexday inaga ayaa soo jeedna” .
Waxa dhici karta inaan sheekada wax ka khalday
balse dulucda oo aan marnaba maskaxdayda ka bixin inaan soo gudbiyo ayaan ku
dadaaley wixii gafa halaga raali ahaado.
Bal Illaah baan kugu dhaarshee is barbar dhig
sheekadaa iyo inaga wadcigeena, in aynu sharci seexday ilaalino daaye isagii oo
soo jeeda ayeynu indhaha qabanaynaa.
Haddii ay umaddu sharciga ixtiraami waydo oo ay
kolba doc ka rifaan waa caaqiibo xumo iyaga u taalaa. ka gacanta ku haya ee
ogolaanaya in lagu gafo iyo ka gafka kula dhacaya midkoodna ma fayooba.
Diinteena suubani waxay mar walba dhiirigalisaa in qofku wixii uu naftiisa la
jecel yahay uu walaalkiina la jeclaado. Taasi oo macnaheedu noqonayo hadaanad
jeclayn in lagugu gafo in aanad ruux kalena la jeclaan in adiga awgaa loogu
gafo. Dadku markay deegaan kuwada nool yihiin waxyaabo badan bay wadaagaan in
ay si isku mida u ilaashadaan oo laxejeclo ka gasho waa lagama maarmaan.
Waxaan kusoo gunaanadi lahaa qoraalkan kooban
in aynu dib iskugu noqono oo aynu sharciga dhawrno si aynu ugu noolaano nolo
tayo leh oo aynu kuwada qanacno taasi oo aanu jirin Madaxweyne, Wasiir,
Gaashaanle sare iyo Madax kale toona oo
kuyuuyada looga cararyo iyadoo dadkii shacabka ahaana suga iyo dib uga joogsada
hebel baa meesha marayee lagu daaliyey, ee ay hawluhu noqdaan “ALXAQU LIMAN
SABAQ”. calaashaan shaadhku yaanu shaqeyne sharcigu ha shaqeeyo.
#Sharcigu ha sareeyo
ALLAA-MAHAD-LEH
Hibo Ciise Maxamed
Comments
Post a Comment