Buurta Gacan-Libaax



Dhulka Somaliland guud ahaan waa dhul leh qurux dabiici ah. baddaha saafiga ah ee aan wali wasakhoobin, xeebaha dalxiiska ku wacan, buuraha, dooxooyinka, durdurada & waliba dhirta & xayawaanka duurjoogta ah ee aan marnaba quruxdooda laga jeesanayn. Waa dhul Illahey ku manaystay khayraad dabiici ah oo dhan walba leh.

Cimilada wadanku waa mid aan aad looga cabanayn oo ma laha kuleyl diirka kaa siibaya amaba xad dhaafa sidoo kalena malaha qabaw laga dayriyo oo baraf gaadha. waxaa intaa dheer in aanay jirin masiibooyin dabiiciya oo waaweyn sida duufaano & dabaylo khasaare ba,an keena, daadad waaweyn, Folkaanooyin & dhul gariir. Inkastoo ay jiraan mararka qaar xaalado yar oo ka reeban sida daadadka oo xili roobaadka dad & duunyoba qaada & duufaano mar mar xeebaha ka dhaca oo ay u danbaysay duufaanadii Sagar oo khasaare u gaystay dadkii deegaanka ku ahaa xeebaha wadanka. Sidoo kalena waxa jira Abaaro iyaguna soo hoos galaya masiibooyinka dabiiciga ah. Wax se saa u badan maaha oo waxa aan aminsanahay in ay yihiin arrimo farsamo ahaan u khaldan balse aanay ahayn qaar waaweyn oo masiibooyin lagu tilmaamo.

Haddaba meelaha aadka loo majeerto muuqaalkooda waxa ka mid ah Buurta Gacan-Libaax, Buurta Gaca-Libaax waxa ay ku taalaa Gobolka Saaxil. waa buur weyn joogeeduna sareeyo. Marka aad figteeda u baxdo waxa aad la kulmaysaa dhul cagaaran Gu, & Jiilaal ba sida ay noo sheegeen dadka deegaanka ku ah Buurta Gacan-Libaax. Sababta magaca loogu bixiyay iyo warbixin aad u fog kama aan soo helin wakhtiga aan joogay oo aad u gaabnaa awgeed, balse wixii ay indhahaygu soo arkeen in aan idinla wadaago ayaan ku dadaalayaa.

Buurta waxa ka baxa dhir aad u badan oo kala jaad ah, faa,iidooyin kala duwana leh, qaarkoodna daawooyin loo adeegsado halka qaar kalena siyaabo kale looga faa,iideysto. Buurta figteeda marka la joogo waxa  si habsami leh u muuqda dooxyada, laamiyada & muuqaalka guud ee dhulka aagaa u dhaw.


Waxa ka dhaceysa neecaw aad u macaan oo aad ku ilaabi karto hawlaha adag & waayaha nolosha. Waxa ku yaala dhismayaal duug ah oo badankoodu burbursan balse aad kasii arkayso raadadka ah in ay ahaayeen meelo ay nolol fiicani taalay. Waxa aad wali arkaysaa qasabadaha guryaha ku xidhiidhsanaa & qaababkii ay u yaaleen qolalka guryahaasi.



Markii aanu wareysanay dadka deegaanka waxay noo sheegeen in guryahaasi ay lahaayeen dad Ingiriis ah oo ka mid ahaa dadkii wadanka yimi xilligii guumeystuhu wadanka haystay. Kuwaasi oo u soo raaxo iman jiray xiliyada ay fasaxa ka yihiin shaqooyinka ay hayaan. Ka dib markii uu guumeystuhu ka baxay dalkana way iska dhisnaayeen ilaa lagasoo gaadhay wakhtiyadii dagaalka oo la fadhataystay amaba la gurtay wixii guryhaa yaaley. Burburkii waagaa ku yimina ilaa hada laga arkayo.


Muuqaalka Buurta Gacan-Libaax haddii aanad arkin waxa aad ku sawiran kartaa heestan

Dhulka meel barwaaqaa
Oon lahayn bad & wabi
Dhirtu ay ku badantahay
Baryo laydhsi loo tago
Buurta Gacan-Libaaxee
Ku yaal baydka raaxada
Maku sii baraayoo
Berriba maysku raacnaa….

Heestan waxa si talataaliya u wada qaaday
AHUN Kinsi X. Adan & Cabdillahi Xarago

W/Q: Hibo Ciise Maxamed

hibafaakhir@gmail.com  



Comments

Popular posts from this blog

Shalay daalinkaan riday Dal baabu xukumayee, Qaar daaqi xoolaha, Dekeddiyo madaarkii Iyo dawladnimadii Sarriftaa ka daba yimi;

Wedding planner

Baroortu Orgiga Ka Weyn (Buuga Sooyaal)