Majare-habaabinta & Muranka Xeerka Kufsiga Somaliland
Hordhac
Kufsigu
waa xadgudub bini aadanimo oo foolxun isla jeerkaasna ay ka dhashaan cawaaqib
xumooyin tira badan oo bulshada naafeeya haddii aan la xakameyn amaba cida ku
kacdaa aanay marin ciqaab adag, noqda mid la iska caadeysto oo galaafta nolosha
dad badan oo dhibanayaal ah.
Kufsiga
iyo Bulshada ku dhaqan Somaliland
Xeerka
Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga XEER LR.78/2018 oo ay dhawaan ansixiyeen
Gollayaasha Wakiilada & Guurtida JSL, saxeexayna Madaxweynaha
Jamahuuriyadda Somaliland oo uu muran ba,ani ka taagnaa todobaadadii u
danbeeyay.
Xeerkan
oo aan akhriyey dhamaan Qeybihiisa kala duwan, qodobadiisa & faqradaha ay
ka kooban yihiin marka hore waan bogaadinayaa waanan soo dhaweynayaa madaama ay
falalka kufsiga iyo xadgudubka jinsigu isasoo tarayaan sanadba sanadka ka
danbeeya laguna xaliyo habab aan munaasab ahayn oo keenaya in lagu dhiirado in
falalka caynkaasi sii kordhaan marka talaabo laga qaadi waayo dhib gaystayaasha
kiisaska xadgudubyada Jinsiga.
Waxa
xuduudaha Somaliland dhexdooda ka dhacday hablo yaryar oo shan (5) jir ilaa
sagaal (9) jir u dhaxeeya oo la kufsaday xaaladooda caafimaadna halis gashay
amaba u geeriyooday sababo ay falalkaasi keeneen. Sidoo kale waxa dhacdey
kiisyo soo gaadhay maxkamadaha dalka oo isugu jira Kufsi & jidh dil ba,an
oo loogaysatay haween badan. Maaha uun haween kaliya waxa jira xataa wiilaal
yar yar oo la kufsadey! Haa way dhacdey oo Xuduudaha Somaliland gudahooda ayey
ka dhacdey.
Taariikhda inta la ogyahey bulshadu way ka dhiidhiyi
jirtay falalka la halmaala kuwan aynu hadal hayno, meel adagna waa laga taagnaa
taasi waa ta keentay in ay waagii hore yaraayeen balse imika waa danbiyo ka
mida kuwa iska caadiga ah ee dhaca.
Mee
Geesigaygii, gaarida cisayn jiray?
Gef
hadduu ku dhaco dumar, ama inan la gaasiro
Raggu
sawkii guban jiray, Hubka sawkii guran jiray
Gabadh
ooyda sawkii, Geerida ka xigi jiray
Dhaqankaygii
muu go,ay, Hiddihii ma gabax yidhi
Ma
goblamay hanaankii, Ma gabawday sharaftii
Haddii
dumar guhaad iyo, Guulguule lagu faro
Raggu
sawkii gawsaha, Bishimaha ku goyn jiray
Gaban
oyda sawtii , Laysugu gar dhigan jiray
Boqol
geela iyo qori
Iyo
geenyo shaaximan, Golle laysku siin jiray
Dadka
galabta noloow, Meeday gudashadeenii? (Ganey)
Dhibanayaasha
Xadgudubyada Jinsi
Dhibanayaasha
u badan ee la kulma xadgudubyada Jinsi waa haween waliba da,yar u badan.
Kuwaasi oo kaliya aan la kulmin xadgudub jinsi balse ay u raacdo faquuq
bulsheed iyo niyad jab balaadhan oo ku
keena in nolosha ka dhacaan amaba ay is-dilaan marka ay waayaan cid ku garab
istaagta dhibaatada loo gaystay, hab & hanaan sax ah oo ay maraan iyo waliba cid u garawda oo hiil & hooba
la garab gasha.
Kaliya
maaha haween cida xadgudubyada u badan ee jinsi lagula kaco waxaa iyagu soo
raaca caruur lab & dhedig labadaba leh.
Caqabadaha
Haysta Dhibanayaasha lagula kacey xadgudubyada jinsi
1.
Iyaga oo aan sheegin falka lagula kacay cabsi ay ka
qabaan waxa ay la kulmi doonaan.
2.
Cida ay u gudbinayaan dacwadooda oo aan xil iska saarin
sirta dhibanaha ama aan marin anshixii ku haboonaa ee loo darsi lahaa kiisaska
noocan oo kale ah.
3.
Iyaga oo aan helin cadaalad u hiilinaysa oo
Eedaysanaha/eedaysanayaashana layska sii daayo kadib marka odayaashu ka
fadhiistaan arrinka, xaalna la kala qaato.
4.
Hanjabaad & hadadaad kaga timaada
Dhibgaystaha/gaystayaasha & IWM
Falanqeyn
kooban Xeer 78/2018
Xeerkani
waxa uu maray jaranjarooyinkii xeer mari lahaa oo labada golle way ansixiyeen
madaxweynuhuna wuu saxeexay sidaasi ayuu dhaqan gal ku yahey balse waxa u furan
wadada ah in waxkabadel & kaabisba lagu sameeyo sida xeerarka kaleba. oo
kollayba afkaar dad & wax ay isku keenkeeneen khalad lagama waayo taasina
waa sababta keentay in xeerarka la badbadelo kolba marka ladaaraaseeyo ee la
helo goddalooladiisa.
Haddaba
aragtidayda waxa jira xeerar ay wax ka khaldanyihiin oo aan laga hadal amaba
aan lasii wadwadin sababta u weyn ee xeerkan loo hadal hayaa waa in la doonayo
uun in tacadiyada galaaftay nolosha kumaanaan hablood ay iska sii socdaan oo
aan talaabo laga qaadin.
Inta
u badan waxa xeerkan ka hadlay iimihiisa waa Rag. Raggu maaha cida dhibta u
badani kasoo gaadhayso dhacdooyinka la xidhiidha kufsiga, wax walba siyaasad
& dano gaar ahaaneed baa laga dayayaa iyadoo ay jiraan duruufo kale oo ay
ahayd in sidooda loo qadariyo.
qodobada
muranka dhaliyey
Eray
bixinta
“Qof
aan awoodin in uu ogolaansho bixiyo” waxa loola jeedaa
B.
Qof dhallaan ah oo ka yar 15 jir
Sidoo
kale waxa iyana ku jirta “Caruur” waxaa loola jeedaa qof da,diisu ka yartahay
18 jir (Xeerka Kufsiga, 2018)
Labadaniba
eray bixinta ayey ku jiraan waana laba iskhilaafsan waxa qurux badan in la
cadeeyo da,da caruurta lagu xisaabinayo iyada oo waliba aan lasoo waaridin uun
tii reer galbeedka ee aynu dul istaagno ta aynu u naqaano qofku inuu
qaangaadhay oo ah ka yar 15 jir. Sababta oo ah falalka kufsi wadareedyada u
badan wadankeena waxa gala dhalinyar u dhaxaysa 14 jir ilaa 17 jir.
Qodobka
4aad oo udhigan sidan
Kufsi
1
Qofkasta oo
B.
Isticmaalaya xoog, qasab ama hanjabaad kula kaca galmo
aan sharci ahayn qof kale oo aan ogalayn
raalina ka ahayn
t.
Kula kaca galmo aan sharcigu banayn qof kale oo aan
awoodin bixinta raali ka ahaanshiyo waxa uu galay fal danbi kufsi, waxaana uu
mutayasanayaa ciqaab xabsi ah oo u dhaxaysa shan & toban ilaa labaatan
sanadood. (Xeerka Kufsiga, 2018)
Qodobkani waxa uu ka mid yahey
qodobada aadka carabka loogu soo celcelinayo iyada oo la leeyahay lamaanihii
isqabey ayuu saameyn toosa ku leeyahay balse waxa meesha ku jirta kalmada “SHARCI
AHAYN”, dabcan dadka is qabaa sharci bay isku qabaan markaa saameyn kuma laha
sida aan qabo.
Qodobka 8aad
Ku xadgudub Jinsi
1. Qofkasta oo ay ujeedadiisu tahay
kicinta ama qancinta dareenkiisa Jinsi ama dareenka jinsi ee qof kale, si ula
kac ah u farareeya jidhka qofkaasi kale oon ogolayn falkaasi, ama qofkaas oo ah
cida aan awoodin bixinta ogolaansho; ama ugu qasba qofkaa kale in uu
isaga/iyada fara fareeyo; ama ugu qasba cidaa kale in ay is fara fareeyo waxa
uu galay fal danbi ah ku xad gudub jinsi, waxaana uu mutaysanayaa xadhig ciqaab
u dhaxeeya hal ilaa saddex sannadood. (Xeerka Kufsiga, 2018)
Qodobkan waxa sii bayaaminaysa in
lagu daro wax cad oo kala reebaya dadka sida sharciga ah isu qaba & dadka
kale ee ku dhacaya xadgudubyada jinsi.
Qodobka 9aad
Guur Qasab ah
1. Qof kasta oo ku
xadgudba shurruudaha sharci ee ogolaanshaha ama raali ka ahaanshaha aasaasiga u
ah guurka ee ay dhigayaan Shareecada Islaamka iyo Xeerarka dalku ee si xoog ama
qasab ah ugu guursada qof haween ah ama fududeeya, qaban qaabiya ama meel
mariya guur isagoo aan xaqiijin ogolaanshaha mid ka mid ah ama dhamaan
dhinacyada guurku khuseeyo sida ay dhigayaan shareecada islaamka iyo xeerarka
dalka, waxa uu galay fal dambi Guur Qasab ah, waxaana uu mutaysanayaa xadhig
ciqaabeed u dhaxeeya shan ilaa todoba sannadood.
Qodobkani waa gef cad oo diinta
islaamka & dhaqankeenaba ka soo horjeeda, Haa way fiicantahay in labada qof
ee isguursanaya ogolaansho laga helo balse madaama oo hablaha laysa siin jiray tahayna
wax dhaqankeena soo jireen ku ah wax dhibaato ahina aanay ka taagnayn, diintuna
aanay xaaraantimayn waxay ila tahey qodobkaa in gabi ahaanba laga tirtiro
xeerka amaba aad loo cadeeyo nooca guurka ee qasabka noqon kara.
Qodobka 35aad
Xaaladaha Fududeya Ciqaabta
Xaaladaha hoos ku taxani waxay
noqonayaan sababo
fududeeya ciqaabta una ogolaanaya
maxkamadda in ay
yareyso ama hoos u dhigto ciqaab la
saarayo dambiilaha:
b) Eedeysanaha oo ah qof carruur ah
oo da'diisu tahahay 15 ilaa 18 jir;
t) Eedeysanaha oo ah qof
da’ah/gaboobey,
j) Eedeysanaha oo ah qof maskaxda ka
buka, ama
x) Eedeysanaha oo ah mid la
sakhraamiyay ahaana qof sakhraansan markii uu dambiga galayay.
Eedaysanahu haddii uu yahay qof qaan
gaadh ah waa khalad waxa looga khafiifiyo ciqaab uu mutaysta waana gabood fal
cad oo loo gaysanayo dhibanaha. Sidaa aynu hore u soo tibaaxnay waa in ay
cadaato da,da caruurtu aadna looga fiirsado.
Eedaysanaha oo ah qof da, ah! Qofka
da,da ah ee gartey inuu wax kufsado ama cid dhibaateeyo maxaa looga
khafiifinayaa ciqaab u muteystay waa Su,aal da, weyne? Saw hadhaw da’ lagu wada
yaaci maayo.
Eedaysanaha oo ah mid la
sakhraamiyay. Way jiraan kiisas noocan oo kale ah oo dhacey in qof maandooriye
loogu daro cabitaan oo ku kaco falal kuwan oo kale ah balse inta danbe ee sii
raacsan oo ah “ahaana qof sakhraansan
markii uu danbiga galayay” waxa ay jidaynaysaa in la helo marmarsiiyo kale oo
ah inuu sakhraansanaa amaba madmadaw keenaya in khamriga &
maandooriyayaasha la dhiiri galinayo markaa in inta hore lagu daayo ama aad loo
cadeeyo ayaa qurux badan.
Xeerkku guud ahaan waxa uu ka kooban
yahey 46 qodob in yar oo kamida mooyee inta kale waa qodobo xal u noqon kara
dhibaatada hadda ka taagan falalka kufsiga & xadgudubyada jinsiga, inta
lagu mashquulayo khaladka maxaa inoo diiday in aynu inta saxa ah ba bogaadino
iyada oo aan dabcan wixii khalad ah la dhaafayn.
Mid kalena aynu isla garano waa
haddii aynu run kuwada hadalno wadanka Dastuur baa loo sameeyay iyadoo aynu
nidhi dimuqraadiyad baynu qaadanay halkii ay ahayd in aynu Kitaabka Alle (SW)
qaadano oo aynu dastuur ka dhigano. Taasina waa ta keentay in xeerar uun la
wado markaa maanta khaladku muu imane dariiqaynu qaadanay buu ka dhashay.
Dad
baa ku doodaya in diinteenu jidaysay in cida falalkan oo kale gaysata ciqaab
tan xeerku sheegayo tu kadaran in la mariyo. Bal Allaan idinku dhaarshee ma
maqalnay qof gafay oo shareecada Islaamka & kitaabka intoo loo eegay la
mariyey wixii uga yaaley?!... Markaa ma maanta markii la yidhi hala xidho
ayaynu ka qeylinaynaa? Su,aali waxay iga tahey waagii hore diinta Islaamka
miyaynaan haysan maxaa in uun loo arki waayey wadaad ka dhiidhiyaya dhibta
taagan ee hablihii tukaanka daqiiqda looga direy ay nabad galyo ugu soo noqon
la, yihiin guryahoodii.
Kufsi & Sino
Waxa sidoo kale iyana laysla dhex
marayaa in xeerkani Sinadii baneeyay, haddii la Sinaysto in lasoo qabqabto
(taasi oo aan dhicin wakhti xaadirkan) mooyee maxkamad & dacwad toona
layslama yimaado haddii aan ciqaabtii loogu talo galay la marina kollay cidii
falkaa gashay ciqaabtii Alle ayey sugayaan balse Kufsi markii la yidhi waa ka
duwan yahey waana qof boob lagula kacey iyo mid wax boobay taasi ayaanay ka
dhalataa ashkatadu xeerkuna Kufsi ayuu sheegay balse anuu kuma arag meel uu
Sino ku jidaynayo.
…………………………..
Taariikh gu´weyn oo gu´yaal iyo gu´yaal
joogtay
Gashi iyo gardarro joogta iyo gaabsi iyo quudhsi
Gaboodfalka rag noo geystay iyo ciilka nagu gaaxday
Gocashada na haysaa ka badan geedahaa baxaye (http://www.iftiinka-aqoonta.com,
2005)
Gashi iyo gardarro joogta iyo gaabsi iyo quudhsi
Gaboodfalka rag noo geystay iyo ciilka nagu gaaxday
Gocashada na haysaa ka badan geedahaa baxaye
Bibliography
Ganey, C. X. (n.d.). Garasho.
http://www.iftiinka-aqoonta.com. (2005).
Xeerka Kufsiga.
(2018).
WQ: Hibo Ciise Maxamed
Comments
Post a Comment