Magaalada Qadiimiga ah ee Bullo-xaar
·
Bullo-xaar
nabdoonaa
·
Badeeduna
qurxoonaa
·
Bulshadeedu
wacanaa
·
Ninkii
maalin bookhdaa
·
Bilo kama
go,aayee
·
Runtii wuu
u bogayaa.
Maxamed Miyir (AHUN)
Bullo-Xaar waa magaalo xeebeed ku
taala waqooyiga Somaliland. waxa ay ka mid tahey Gobolka Saaxil, iyada oo u
jirta magaalada Berbera oo ah xarunta gobolka Saaxil qiyaas ahaan 76 KM, halka
ay u jirto caasimada Hargeysa 136 KM.
Bullo-Xaar waa magaalo aasaasantay qarniyo ka hor iyadoo raadadkii kala duwanaa
ee muujinayey ilbaxnimooyinkii iskaga danbeeyay ay kasii muuqdaan magaala
xeebeedka Bullo-Xaar.
Taariikhdii hore ee magaalada
Bullo-xaar
Magaca Bullo-xaar oo lagu kala
aragti duwan yahey halka uu ka yimi iyo sida uu ku baxay. Axmed Cali Gaydh oo
kamid ahaa ardeydii wax ka baran jirtay dugsigii Bullo-xaar wuxu yidhi “magacu wuxu ugu baxay ceelkan
biyaha dhanaan ee Bullo, Bullo-xaar waxa loogu bixiyey geelu markuu qalamawdka
daaqo ee uu biyahaa dhanaan cabo ee uu ka soofo waxa uu samaystay wado “xaarka”
layidhaa oo u baxda dhankaa salal. Markaa magacani wuxu ka sameysmay biyahaa
qadhaadh ee Bullo-xaar.” Guddomiyaha Magaalada Bullo-xaar isagu wuxu yidhi
“anuu sidaan ku maqlay waa Bullo oo ah biyaha adag, Xar na waa kalmad carabiya
oo ka dhigan kuleyl markaa waa Bullo-xar”.
Madaama bulsho ahaan qoraalku
inagu yaraa waayadii hore ma jirto cid saxaysa taariikhda dhabta ah ee
Bullo-Xaar aasaasantay. “waa taariikh hore oo ilaa wakhtigii cusmaaniyiinta ah,
waa ilbaxnimo hore waxan ku qiyaasayaa in ay tahey ilaa iyo 1800 oo inbadan bay ka horeysay
qeybsigii Afrika.” (Maxamed,
2017).
“magaaladaasi waxay ka aasaasantay
Berbera horaantii 1850 kii, dagaalo sokeeye oo ka dhacay Berbera dad kasoo
guuray baa aasaasay Bullo-xaar, aadbay u camirantay oo Hindibaa timi, Carabaa
timi sidaasay ku camirantay Bullo-xaar.” (Gaydh, 2017). “waxa ku taal
Aasaar fara badan oo aad arkayso in cid inaga horeysay oo Somalida ka duwanayd oo ka ilbaxsanayd
aasaastay, cidaasina waxay ahayd cidii u horeysay ee Bullo-xaar maamul ka
noqota oo ahayd Turki, waayo waxa ku yaala jeelashii oo dunsan oo haddana
qabcadahoodii yaalaan & meelihii dadka lagu daldali jiray. Dhismayaal
qadiimiya oo wali imika hadaad tagto aad arkayso in ay dhisan yihiin. Asaartaasi
waxay noqon karaan ilaa 1800.” (Ibraahim, 2017).
Taariikhda magaalada Bullo-xaar
sida aynu arkayno ma aha mid laysku raacsan yahey, lakiin waxa ka cad hadalada
dadka la waraysanayo in ay ka horeysay wakhigii qeybsigi Afrika, oo ay iska danbeeyeen maamulo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen: dawladii
Cusmaaniyiinta, Masaari, Turki & Ingiriis. “ganacsatii waaweynayd ee ka
ganacsan jirtay Magaalada Bulaxaar oo aan ka xasuusto X. Axmed Ildab & rag
kale oo imika dhintay ayaa aasaasay magaalada Hargeysa.” (Maxamed, 2017)
“Guryahan waxa lagu dhisi jiray
dhagaxaan, Sonkor & Nuurad. Dhulka xeebta ah milixdaa cunta dhismayaasha
waadiga arkaya wali way taagan yihiin.” (Maxamed, 2017).
Madaama ay magaaladu ahayd magaalo ganacsiyeed waxa ku taalay dakad
yar oo ay doonyuhu kusoo xidhan jireen oo loo jeexay gacan, gacankaaso oo ku
aadanaa dooxa waaheen intiisa u galbeedaysa.
Dakadaas oo laf dhabar u ahayd
isku socodka ganacsi oo wax ka dhoofi jireen waxna ka soo dagi jireen. ”maalin
walba waxa dhinac walba kasoo galayey ilaa 500 oo awr ayuu aabahay yidhi, waxay
keeni jireen waxyaabaha ay ka midka yihiin Fooxa, Malmalka, Muqumada,
Baalgoreyga, Subaga IWM, halka ay doonyuhuna keeni jireen Timirta, Dharka, Sonkorta & agabka dadku istimcaalo oo
laysku badalan jirey. Odeyadu waxay yidhaahdeen waxay magaaladu si degdega ugu
camirantay waxay suuq u ahayd dhulkan galbeedka oo aad dadku aad u camiran
yahey ilaa Etoobiya ayey suuq u ahayd.” (Gaydh, 2017)
Haddaba magaaladani sidii ay u
camirnayd ayaa markaliya laga kala yaacay, maxaa sababay baa,bii magaalada
Bullo-Xaar? Xilim ayey se ahayd goorti laga guuray magaaladani. “Dagaalkii
koobaad 1aad ee aduunka 1914kii, bad xidhankii ayaa baabi,iyey, waxa
u raacday abaar aad uxun xun baa ka dhacdey 1920-1922kii ayaa sababay. Markii
danbana Hargeysa ayaa aasaasantay.” (Gaydh, 2017). “dagaalkii 2aad
ee dunida ayaa bilaabmay xiligaa Bullo-xaar baaba’eedu kama horeyn 1939 ka
bilaw waxa istaagay isu socodkii ganacsiga. Wadooyinkii baa go,ay markaa dadkii
waa ka guureen.” (Ibraahim, 2017)
Magaalada Bullo-xaar waxay
wakhtiyadii dhexe caan ku noqotay wax barashada, iyada oo laga hirgaliyey 1964
kii iskuul ardeydu dagto (Boarding school) kaas oo kamid noqday dugsiyada
noocan ah kuwii hir galay soona saaray ardey badan. Halkaas oo ay ardeydu aad
ugu soo dhismi jirtay. “waan xasuusanahay caruurta waxa la siin jiray maalina
hilib Riyaad maalina kalluun, ilma walbana waxa lasiin jiray koob caano ah.
Cuntadaa dheeliga tiran leh waxay sababtay in maskaxdoodu aad bay u koraysaa,
aasaaska ayey waxbarashadu ka dhisantaa, haddii aasaasku wanaagsanaado inta
kalena way la wanaagsanaanaysaa” (Maxamed, 2017). Waxan ka mid ahaa
ardeydii wax ka baratey Dugsiga (boarding) ka ahaa ee magaalada qadiimiga ah ee
Bullo-xaar, waxa jiray afar fasal uunbuu ahaa iskuulku, waxaana u sareeyay
fasalka afraad. Waxa kasoo baxay ardeyda ugu wanaagsan guud ahaan dalka
dugsigan” (Ibraahim, 2017) .
Sidoo kale Bullo-xaar waxay caan ku ahayd beertii Timirta oo uu
aasaasay Ingiriisku 1948kii, beertaas oo ay tiradeedu gaadhay ilaa 10,000 oo
geed oo markii danbe dalka dibadiisa loo dhoofin jiray. Beertaasi waxay baaba,day
1988-1991kii wakhtigii dagaaladu ka socdeen wadanka. Balse waxa ay maamulka Bullo-xaar
iyagoo la kaashanaya wasaaradda Horumarinta beeruhu dib u bilaabeen beertii
Timirta. Si uu mashruucaasi u hirgalo waxa uu deegaanku u baahanyahey in gacan
laga siiyo si uu noqdo mashruuc balaadhan oo ku filnaada dalka lana dhoofiyo
mustaqbalka.
Masnooyinka
Bullo-xaar
Bullo-xaar waa magaalo xeebeed
leh bad aad u nadiif ah oo kusoo baxaysa dalxiiska iyadoo ay u waheliyaan
raadadka taariikhda faca weyn leh ee ay leedahay, waa magaalo dalxiiseed qurux
badan dhan kastoo loo dhigaba. Sidoo kale badda Bullo-xaar waxa ay hodan ku
tahey noocyada kala duwan ee Kalluunka oo meel dhaw laga soo jillaaban karo.
Bullo-xaar waa meel beero laga
beeri karo oo waxa mara dooxa weyn ee Waaheen, dooxaasi oo ay iskugu yimaadaan
dooxyo badan, dabadeedna halkaa uu kaga darsamo badda.
Halkuu dooxa waaheen
bad waqooyi kaga daro
Waadigu hakula tago
walahaan kugu raran
Axmed Cali Cigaal & Khadra Daahir
dooxaasi oo biyihiisa looga
faa,iideysan karo beero & meesha oo ah carro san ay si fudud waxyaabo badan
uga bixi karaan biyaha badan ee badda iskaga darsamayana ay u baahan yihiin in
la xidho si abaarahan soo noqnoqonaya looga hortago.
Sidoo kale deegaankani wuxu caan ku yahey
dhaqashada xoolaha kala duwan sida Geela & Adhiga oo ay jiraan meelo aan
Adhiga & Geela midna meel fog loo daaqgeyanayn ee ay kambalka reerka baad
& biyaba ka helayaan. Meelahaa waxa ka mida dooxaada Wiriir. aan ina
xasuusiyo muuqaal qurux badan oo ay ina tusaysay hees uu sameeyay Xasan
X.Cabdillahi (ganey) oo uu qaado Xasan Aden Samater.
Dalsankii Wiriiroo
Xili roobku di,I
jirayeey
Dambarsamuhu ku
onkoday
Darantuna ugbaad tahey
Oo ramadku dayr
dhalay…
Waxa kale oo uu deegaankan &
deegaano kale oo u dhaw ay caan ku yihiin geedka loo yaqaan Kullanka oo afka
ingiriisidana lagu yidhaa (Argan), geedkaas oo siyaalo farabadan looga
faa,iideysto. “Geedkan saddex noocbaynu uga faa,iideysanaa intaan ogahay. Mar
waa la Dhuwamaa inta la dubo ayaa la cunaa, marna waa la qalajiyaa oo beerkiisa
ayaa saliid laga sameeyaa, marna waa la kariyaa oo cunto ahaan ayaa loo
isticmaalaa.” (Maxamed, Guddoomiyaha Magaalada Bullo-xaar, 2016)
Geedka Kullanka oo midhihiisa
laga sameeyo saliid aad u qaaliya & shaambooyo, waxa caan ku ah wadanka
Marooko oo aad uga faa,iideysta sheegtana in uu wadankooda oo kaliya ka baxo.
Geedkani wax daryeela kuma haysto deegaanka uu kuyaal cidina ma beerto, waxa uu
u baahanyahey in la tarmiyo oo beero waaweyn laga sameeyo wax soo saar &
warshadayna laga bilaabo.
Sidoo kale waxa deegaanka ka baxa geedka loo yaqaan Xudhuunka oo ah
geed ay geelu daaqaan, geela daaqa geedka xudhuunka caanihiisa afkaa ka qaadi
maysid. Dadka yaqaanaa waxay ku odhanayaan geel Xudhuun daaqay caanihiisa isoo
lis.
Iskusoo wada duuboo way yartahay
in aduunka gabi ahaantiisba meel kaliya laga wada helo Beerihii, Xoolihii,
Kalluunkii, Dooxyadii & waliba Quruxdaa dabiiciga ah ee bad & banaan ba
leh. Waa nimcooyin badan oo is barkan isla jeerkaasna dihin.
Duruufaha yaala magaalada Bullo-xaar
Kollay duruufo fara badan waa ka
jiraan goobtaa sidaan kusoo arkay ee aan ka wareystay dad xog ogaal ah oo
deegaanka degan balse kuwa ugu sii waaweyn ee ay aad uga cabanayaan waxa ka mid
ah
1.
Geedka
Garanwaaga
Magaaladan waxa aad u hadheeyay
geedka “Garanwaaga” aynu u naqaano, afka ingiriisadana lagu yidhaa “Prosopis julifora” oo runtii aad ugu
fiday wadanka gabi ahaanba, geedkan oo lagu sheego geedaha aan deegaanka u
wanaaganayn isla jeerkaasna la dagaalama dhirta kale ee deegaankaa ka baxda.
1960 kii waxa lagu ogaaday geed ku yaalay saxaraha Arizona in xidadiisu ay hoos
dhulka u gaadheen ilaa 53 Mtrs. Taasi oo
ka dhigaysa geedkan geedaha ugu xididka fog, isla markaana uu meel fog oo
dhulka hoostiisa ah ka doonan karo biyaha, taasina ay keenayso in uu geedaha
kale ka adkaysi badnaado (Phillips, 1963).
Sidoo kale geedkani waxa uu
bixiyaa siidh maalaayiin noqonaya taasi oo xooluhu markay daaqaan ay gaynayaan
meelo fogfog amaba dabayshu qaadayso oo uu aad ugu fidayo deegaankii isla
wakhti yar gudihiina uu ku baxayo.
Haddaba geedkan ayaa qariyey in
badan oo kamid ah magaalada Bullo-xaar gaar ahaana dhismayaashi duuga ahaa ee
taariikhda & tixraaca laga sameynayay kuwaas oo haddii aan waxba laga qaban
dhawrka sanno ee soo socda gabi ahaanba uu qarin doono geedkaasi.
2.
Biyo
Qadhaadh ama Adag
Magaaladan nolosheeda waxa
adkeeyay biyaheeda oo ah kuwo adag ama qadhaadh sidii aynu ku haynay magaca
Bullo oo ah biyihii adkaa ama qadhaadhaa. Biyahaasi oo ay adagtahey in ay dadku
u adeegsadaan cabitaan. Waa caqabadaha u waaweyn ee haysta magaaladan.
3.
Adeegyada
aasaasiga ah
Bullo-xaar way leedahay goob
waxbarasho oo hoose/dhexe, xarunta dhalaanka & hooyada, saldhig balse uma
dhamaystirna amaba ma gaadhsiisna heerkii loogu talo galey. Xanaanada
Bullo-xaar waxa ay u shaqeysaa deegaano u jira ilaa 50 Km haddana malaha
Umblance.
Soo Jeedin
Magaaladani waxa ay leedahay
khayraad badan oo wadanka dhaqaalihiisa wax ka badelli kara haddii si cilmiyaysan looga hawlgalo,
qorshe wax ku ool ahna loo dajiyo.
Waxa aan soo jeedin lahaa in
daraasad cilmiyeed laga sameeyo xaalada dhabta ah ee magaaladan isla markaana
la maal galiyo lagana hirgaliyo mashaariic beereed waaweyn, madaama biyo
xaddigoodu badanyahey ay keenaan dooxyada deegaanka mara, sidoo kalena laga
faa,iideysto kalluunka badan ee badda ku yaal. Dalxiiska kor loo qaado oo la
maalgaliyo. Mashaariicdaasi waxa ay saameyn ku yeelan karaan guud ahaanba
dhaqaalaha wadanka, waxa laga yaaba in ay hoos u dhigaan shaqo la,aanta baahsan
ee aynu ka cabano.
Hibo Ciise Maxamed
References
Gaydh, A. C. (2017). Arday wax ka baran jiray
Dugsigii Bullo-xaar. (SLNTV, Interviewer)
Ibraahim, C. (2017). Ardeydii wax ka baratey
Dugsigii Bullo-xaar. (SLNTV, Interviewer)
Maxamed, I. X. (2016, November). Guddoomiyaha
Magaalada Bullo-xaar. (C. Hereri, Interviewer)
Maxamed, I. X. (2017). Guddoomiyaha Magaalada
Bullo-xaar. (SLNTV, Interviewer)
Phillips, W. S. (1963, April 01). Depth of Roots in
Soil.
Comments
Post a Comment