Posts

WARAABE HILIB LAGU RARTEY (DAWLADDA HOOSE EE HARGEYSA)

Image
Waxa sii siyaadeysa bilic xumada magaalada caasimada ah ee Hargeysa iyada oo ay barbar socoto in dakhligii dawlada hoose kordhay mudadii ay xilka la wareegeen gollaha deegaanka ee uu Mayor Soltelco gadhwadeenka ka yahey. waxa ku cad maqaalka DAKHLIGA DAWLADA HOOSE & DAYACA CAASIMADA  oo uu  qoray Liibaan Ismaaciil Buraale  “in wadarta guud ee dakhliga dawladda hoose ee magaalada Hargeysa yahey $13,371,511,884” taasi oo u dhiganta 133,715,118,840,000 sl shilling. Tiradaasi sida ay ku timi iyo iyadoo faahfaahsanba waxaad ka akhrisan kartaa lingaxan https://www.facebook.com/liban.i.abdilahi/posts/10205202040706598 . Dakhligan oo sida ku aad ka arki karto qormada waliba celcelis ahaan halka ugu hooseysa laga soo qaatey   ayaa waxa barbar socda Mashaariic kale oo ay dakhliyo dheeraad ah ka helaan sida Mashruuca UNJPLG  & kuwa uu Baanka Aduunku la wado Dawladaha Hoose. haddana magaalada Hargeysi way ka qatan tahey oo ka qaawan tahey waxaasi o...

Dawladdaha Hoose ee Soomaalilaan

Image
Muwaadin aqoon intee le,eg baad u leedahay dawladda hoose ee degmadaada? Waa maxay xidhiidhka idinka dhexeeyaa? Waa maxey waajibaadka ay tahey iney kasoo baxaan xildhibaanada dawladda hoose ee Degmadaadu? Maxaa adiga kugu waajib ah si ay u shaqeyso dawladda Hoose ee magaaladaadu? Ma taqaanaa shaqada Duqa(Mayor)/ku xigeenkiisa, Xoghayhaha, Guddiga fulinta, Guddiga Joogtada ah & guud ahaanba xildhibaanada Gollaha Deegaanku? Ma taqaanaa adeegyada loo baahan yahay inay qabato dawladda hoose ee Degmadaadu? Haddii aad saluugto wax qabadka xildhibaanadii aad soo dooratey awoodaada maku kala diri kartaa? Wali ina dib ma u eegtay xeerarka la xidhiidha Dawladaha Hoose si cilmiyeysana ma ugu dabaqday waaqaca jira? Horumar intee le,eg bay ku talaabsatey degmadaadu tobankii (10) sanadood ee u danbeeyay? Madaama ay inagu soo socdaan doorashooyin ay ku jirto doorashada golayaasha deegaanadu. Waa muhiim in aad jawaabo u hayso su,aalahaa oo aad markasta xaalada aad ku sugantahay adiga, qoy...

Baroortu Orgiga Ka Weyn (Buuga Sooyaal)

Image
Buug qoris, daabacaad iyo faafin intaba waynu naqaanaa oo inaguma cusba hadday noqdaan kuwo Soomaali ah iyo kuwo afaf kale ahba, amaba u nidaamsan si Heer Caalami ah (International Book Standards) iyo kuwa aan u nidaamsanaynba. In badan ayeynu aragnaa, maqalnaa bandhigyo lagu furayo buugaag kala duduwan waliba 8 sanno ee u danbeeyay aad bay u soo kobcayeen buugaagta lagu qoro Afka Soomaaligu in kasta oo aanu jirin tirakoob sax ah oo lagu sameeyay tirada buugta ee Afka Soomaliga ku soo baxa sanad walba. Buugaagta, Maqaalada , filimada, gabayada iyo aragtiyahaba (Art theories) intaba waa la naqdiyaa, naqdintu  afka ingiriisida waxay ku  noqonaya (Criticizing)  oo ah in la sheego god-daloolooyinka uu buugaa, Maqaalkaa, filinkaa ama aragtidaasi leedahay. Taasi oo dad u hagarbaxay cilmina u leh arrintaasi ay u tafaxaytaan iyaga oo waliba si cilmiyaysan u qeexaya sababaha ay u aanaynayaan inuu dheeli iyo qalad kaga jirto. Aan hoos u daadago. Labadii toddobaad ee u da...

Caasimada Hargeysa

Image
Hargeysi waa caasimada Jamhuuriyada Somaliland , waxay dhacdaa dooxada Galgodon ee deegaanada Oogo . waxayna magaaladu ka sareysaa biyaha bada joog dhan 4,377 Mitir. juquraafi ahaan magaalada Hargeysa waxay saarantahey buuro. dooxyo iyo deegaan caro bataax leh si la mid ah magaalooyinka kale ee ku yaala Somaliland. Hargeysi waxay ku fadhidaa   dhul baaxadiisa lagu qiyaasay 33 km 2   (13 sq mi) waxaana ku nool bulsho lagu qiyaasay ilaa 1,200,000 (1.2 milyan). Magaalada Hargeysa waxa soo gaadhey burbur aad u baahsan ka dib dagaaladii ka qarxey Gobolada Waqooyi ee Dawladdii Soomaaliya taasi oo ay jabhadii SNM (Somali National Movement) kaga soo horjeeday maamulkii Siyaad Barre. Dagaalkaa ka dib waxa Hargeysa dib loogu soo laabtay sanadkii 1991 kii halkaas oo ay muddo yar dabadeed dib uga bilawdeen dagaalo sokeeye oo dib u naafeeyay koritaankii magaalada. Isku daygii u horeeyay ee magaalada Hargeysa loogu sameynayey maamul ( Mayor) waxa uu ahaa 1991 balse la...

Sharciga & Cadaaladda maxaa innaga haysta!

Image
S harcigu waa hab wax lagu maamulo oo ay sameeyaan ururo bulsheed amaba dawladi, waa wax laysla garto in laysku afgarto  oo  dad iyo  duunyaba lagu kala hago. Sharcigu waa hab ilaaliya amaba u jeedadiisu tahey in ay bulsho meel kuwada dhaqan is ixtiraamto kuna noolaadaan sinaansho iyo kala danbeyn uu sharcigu dhigayo. Halka ay cadaaladu ka tahay in ay dadku u sinaadaan sharciga sida in haddii ay laba baabuur is jiidhaan in loo eego sharciga dabadeedna si aan eexasho, dhinac saaris iyo qof jeclaysi midna lahayn loogu qaado wixii qabanaya. Sharciga oo la dhawro wax badan baa ku badbaada , dadka ayaa ku kala socda waana marjic loo laabto markasta oo wax laysku af garan waayo, amaba loo baahdo in si kaleba loo adeegsado. sharciga waxa soo hoos galaya shareecada islaamka (Qur,aanka & Sunaha …) oo haddaynu dad muslim ah nahey noqonaysa ta uu Illahey (SW) inoo jideeyay, dastuurka iyo dabcan xeerarka kala duwan ee lagu hago amuuraha kala gadisan. Intaa haddaynu isl...

Seylac & Jasiirada Sacaadadiin

Image
Seylac Seylac waa  magaalo leh taariikh gabowday oo ilaa qarniyo hore la dagenaa, haatana waa magaalo madaxda gobolka Salal. Waxey dhacdaa Waqooyi Galbeed Soomaliland,  Waa magaalo ay baddu kaga hareeraysantay dhinacyo badan waa meelaha ay aadka iskaga dhaw yihiin Djabuti & Somaliland. Seylac waxa loosii maraa wadooyin adag oo aan dhisnayn taasi ayaa keentay in ay noqoto meel go,doon ah. Haddii Hargeysa laga baxayo waxa jira dhawr waddo oo loosii maro marka loo jihaysan yahey Seylac .  waxa ka mid ah wadada ka baxda waqooyiga magaalada Hargeysa ee sii marta Dawga Cad iyo Dawga Camuud halkaas oo marka xeebta la gaadho dhinaca galbeed loo wareegayo waana wadada ugu sahlan. dhanka kale waxa jirta wado ka baxda Galbeedka Hargeysa taasi oo lasii maro magaalada Boorama halkaasna looga laabto dhanka waqooyi, deedna  lasii maro dariiqyo kala gadisan. Marka aad  ka baxdo galbeedka magaalada Hargeysa  waxa aad sii maraysaa  Abaar...