DHAWAAQ HAWEEN
Haweenku waa 50% ka mid ah
bulshada Somaliland, haddii aanay kaba badnayn. Jeeraa lasoo maray wakhti aanay
waxna qori jirin waxna akhriyi jirin oo talada iyo go’aankaba looga reebi jirey
aqoon yaraan iyo aragti gaabnaan. Alle Mahadii wakhtigan la joogo Alle waa
inagu simay dumarkii oo door muhiim ah ka qaadanaya waxbarashada ilaa heer
jaamacadeed waliba kaga dedaal iyo karti
badan in badan oo ragga ka mid ah.
Tusaale kooban waxad ka
dheehan kartaa ardeyda Jaamacadaha ka soo baxda sannad walba korodhka haweenka
ee xag waxbarasho. Jaamacadda Hargeysa oo kali ah aynu soo qaadano labadii sannadood ee u danbeysay.
2016
guud ahaan ardeyda qalin jabiyey waxay ahaayeen tiro dhan 862 halka ay 395
ka ahaayeen haween taas oo u dhiganta 46%.
Halka 2017 ay tirada guud ee ardeydu ahayd 1126 oo kala ahayd 599
rag ah iyo 527 haween ah taas oo noqonaysa 47%. Intii ka
horeysayna ay kolba soo kordhaysay tiradaasi laga yaaba in ardeydii u horeysay
ee ka baxda jaamacadda ay 5% Haween ahaayeen amaba aanay gabi ahaanba
jirin.
Baarlamaanka Somaliland labadiisa golle (Guurtida & Wakiilada)
waxa ay ka kooban yihiin 82 xubnood halkaas oo ay hal gabadh ahi ku
jirto. Golaha wasiirada/ ku xigeenada iyo Wasiiru dawlayaasha Somaliland waa tiro dhan 68 guud ahaan waxa ku jira 2
haween ah oo kaliya halka ay Agaasimayaasha guud ka yihiin 27 ay ku
jirto 1 gabadh ahi, waxase Illahey mahadii ah in aanay intaasiba
badankoodu jirin dhawr sanno ka hor.
Intaasi oo indhaha loo
furaa waxay xaqiijinaysaa in aanay haba yaraatee haween weynaha Jamhuuriyadda
Somaliland aanay marnaba gacanta kula jirin weelka waddankooda wax loogu
qaybinayo. Go’aanada masiiriga ah ee ay umadi gaadho waa kuwa cawaaqibtooda
lagu badhaadho ama lagu baaba’o haddii
aynu nidhi Haweenku waa kala badh kamida bulshada ku dhaqan dalka side bay
macquul u tahay in laysku dul qeybsado wixii la doonana laga yeelo masiirka
dhulkooda, dadkooda iyo nafahoodaba iyaga oo aan wax talo iyo tashi ah laga
siin.
Waddanku waxa uu madax
banaani haystaa 25 sannadood intaasi oo dhan waanu soo dul qaadanaynay maanta
waxa la jooga xilligii isbadel iman lahaa oo dumarka Saamiga ay waddanka ku
leeyihiin loo hibeyn lahaa.
Haddii ay jiraan dad qaba
fikirka ah in ay haweenku guryaha
fadhiyaan, waa run oo guriga meel nooga kheyr badan ma jirto. Naftayada
ubadkayaga iyo sharaftayaduba waxay ku wacan yihiin guriga oo aanu fadhino
lakiin raali ahaw qof kasta oo haabka soo galiya inay khalad tahay in ay
dumarku arrimaha siyaasadda iyo hogaanka soo faragaliyaan, maxay u arki waayeen waxa hooyooyin rafaadaya ee salaada subax usoo
lugaynaya suuqyada si ay ubadkooda iyo nafahooda ugu raadiyaan quutal daruuriga,
dhulka oo aan iftiimin ayay usoo jarmaadaan suuqyada iyaga oo mararka qaar
lugaynaya halkaas oo ay halis ugu jiraan in uu tuug iyo wax kasii daranba ka
helaan jidkaa dheer ee ay sii lugeynayaan waxa taas ka sii daran dhaxamaha
daran ee ay u soo baxaan ee safanta iyo qalafka ka dhigta jidhkoodii una
badashay wax laga argagaxayo taasi oo ay
u xigto qorrax falaadhaheedu qiiq ka kicinayaan qofkii ay baylah & banaan
ka helaan, waxa u sii dheer werwerka iyo walaaca joogtada ah ee ay ka qabaan waxa ay suuqa kala kulmi doonaan.
Qiyaas ahaan 70% dadka suuqa shaqooyinka tacabka badan sida khudrada,
hilibka, bacaha, Caanaha IWM ka hayaa waa Haween. Baahidu waa ta soo saartay ee
baydkeedi ay ku nasan lahayd ka soo saartay, waa hooyada ay hawshaasi adag u
dheer tahay fikir iyo walbahaar waa ta nagu dhalisay inaanu ka damqano
mustaqbalkayagana aanu ka fakarno oon hooyooyinkaas fadhi wax ugu keeno ama
shaqo taa dhaanta ay hooyooyinka mustaqbalku qabtaan mar hadii baahi soo
saarayso.
Dumarku waa kuwa durbaanka
idiin tumaya ee idiin ololaynaya ee dhexda idiin xidhay hadday cod noqotana waa
kuwa u badan ee codkooda bixiya haddana dadaalkayagu waa hal bacaad lagu lisay.
Haweenoow
Waa maxay sababta inaga oo
arkeyna in laynagu guuro oo saamigeenii iyo sadkeeniiba lala kala duuley
haddana kor & kalba uga dhidideen ee qiirada madhan iyo tolaay yaa reer
hebalaay da aan arxan ka sokeyn laydiinku hiyi kicinaya?
Maxaa inoogu wacan hayal
samaanta iyo ololaha nimaan inoo diir naxeyn? Maxaa haweenkii ka dhigay qaar
imaankoodu ku samaado shilimada shaxaadka iyo u nacamlaynta dar kale? Innaga oo
karayna in aynu himiladeena xaqiijino oo aynu barbarkeena hinjino.
Waxan fariin u dirayaa
Haween waynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxan leeyahay waxa laydinka baahan
yahay Dedaal Han & Hiigsi aad cadkiina ku goosataan, dedaala oo dedaala itaal waa halkiisee .
hadhka adoo fadhiya oo wax la xidho iyo wax la marsado ka fakaraya wax kuu
imanayaa ma jiraan. Riyada ka toosa waagii waa baryee.
Codkiina iyo mashxaradiina
u meel daya oo u meel daya.
Hibo Ciise Maxamed
hibafaakhir@gmail.com
Comments
Post a Comment