Laas-Geel


Laas-Geel waxey ku taala duleedka Magaalada Hargeisa, kaantaroolka barriga marka loosii baxayo dhanka gobolka Saaxil waxa wadada weyn lagaga laabtaa tuulada Dhubato iyadoo looga baxayo dhanka waqooyi.
Laas-Geel waxa la ogaadey wakhti aan sii fogeyn waa buuro dhagaxaan ah balse sida ka muuqata loogu tagey raadad badan oo sheegaya in lagu noola qarniyo badan ka hor taasii oo la ogaadey ka dib markii la darsey sawirada ku xardhan buurta.
buurtani waa buur aad u dheer isla markaan leh godad waaweyn oo kal sar sareeya una eeg in ay dad ku noolaayeen lama cadeyn karo in ay iyagu qorteen buuraha iyo in Alle (SW) saa u abuuray.

Qaar kamid ah Godadku waa kuwan




sida aad ka aragto godadkan waxey u qaabaysan yihiin sidii guri dabaqa oo kale godad kala sareeya waxey u eg yihiin hoy loo hoyan karo, muuqaladan cajiibka ahi waxay cadeyn u yihiin in buuraha Laas-Geel ay u ahaayeen hoy dad wakhtiyo hore noolaa, wakhtigaas oo lagu qiyaasi karo intii ka horeysay soo bixitaankii Nabi Maxamed (SCW), waa wakhti aanay jirin guryo la dhisto sida laga dheehan karo raadadka ka muuqda.

Waxa aan iyana meesha ka madhnayn sawir gacmeedyo ay ka mid yihiin kuwo dad iyo xayawaan, waxay ka turjumayaan in ay dadkani dhaqan jireen xoolo sida sawirada laga arki karo ah Lo, . waxa mucjiso ah sawiradaa oo aan wali suulin wixii lagu qorayna aanay is badelin iyagoo muddo aad u badan ku xardhanaa dhagxaanta buurta.
waa kuwan qaar ka mid ah sawirada tirada badan ee ku yaal gidaarada godadka buurta.






Laas-Geel waa goob taariikh qadiim ah haysa isla markaan looga faa,iideysan karo ilo dhaqaale sida dalxiis, balse waxa muhim ah in la ogaado halka ay taariikhdani ku qotonto iyo faahfaahinteeda taasi oo ah mid lagama maarmaan u ah cid kasta oo u baahan inay ogaato xaqiiqda dhabta ah ee ka danbeysa Laas-Geel.


Hiba Ciise

Comments

Popular posts from this blog

Shalay daalinkaan riday Dal baabu xukumayee, Qaar daaqi xoolaha, Dekeddiyo madaarkii Iyo dawladnimadii Sarriftaa ka daba yimi;

Wedding planner

Baroortu Orgiga Ka Weyn (Buuga Sooyaal)