Maada Mirqaanka


   Waligii qayilaad umuu fadhiisan niyadiisana kuma soo dhicin inuu qaad cuno, mid ay qaraabo ahaayeen uunbaa maalinkasta ka qaada lacag oo ku yidhaahda inder qaadka ii qaad, dabadeed maalintii danbe ayuu ku yidhi waayahee bal maanta aan kula fadhiisto oo bahalkan aad ku waalatey aan kula soo eego, la is raac oo kabadhkii qaadka la dul istaag, xoogay bay kasoo qaateen meel halkeerana wayna fadhiisteen, ninkii qaadka ku cusbaa wuu iska laba liqayaa oo wax kusoo fool leh war iyo wacaal toona kama hayo, kii kale se intaanu mirqaankii la jiidan ayuu wixiisii laalaabtey oo ka huleelay meesha, saxiibkiina waxba uma sheegin.
Waxa uu wadoba saqdhexe ayay noqotey intii uu soo qaatey ee qaad ahaydna ka dhamaatey, deedna wuxu is yidhi bal reerkaagi aad u hoyatid,  jaba waaka danbeeye gurigiibuu soo gaadhey, haba soo gaadhee waxa uu guriga hortiisii ku arkey dhagax weyn oo weyn oo guriga kadinkiisii awdey. Garo oo waxa guriga albaabkiisa meel u dhaw yaala gaadhi Mark || ah, afaafkuna waa u banaan yahey. Ninkii wuxu damcay inuu keeno xeelad uu ku galo guriga, ugu danbeyna wuxu go,aan ku gaadhey inuu ka boodo dhagaxii u muuqday, oo ma gaadhi buu ka boodi?! Intuu boodey ayuu meelo badan jiidhay markaasa meeshii laga qaadey isagoo ay lafo badani burbureen…

Mid kalena la yidhi isagoo qurbaha ka yimi dhawr & toban sano ku dhawaadna aan qayilaad u fadhiisan ayaa isla maalintuu yimi oo casuumadna guriga loogu sameeyay qadadii ka dib jaad dhaadheer loo keenay mirqaana tal noqday, haddaba ninkii baa u soo baxey si uu musqusha u tago, haba tagee wuxu kaga yimi macawistii oo garan kaliya ayuu kusoo baxey, waxa kaaga daran dumarkii casuumada qadada sameeyay oo qol halkeera ku sheekaysanaya albaabkuna u badh ceshan yahey ayuu iska soo hormaray, xashaashaq iyo xan bilaabe yaab iyo amakaagna u dhamaa.
Markii uu ragii kale kusoo noqday ayey u sheegeen inuu qaawan yahey “oo ma dumarkiibaad sidan kusoo hor martey”. Wuu noqday oo haddana intuu iyagii ku noqday oo albaabkiina balaqay kulaha “Excuse me, mar dhaweyd anoo qaawan baan idin soo hor marey” hadda wali wuu qaawan yahey oo isma oga.

Nin kale ayaa isna la sheegay inuu gurigiisa ku barjeynayey/ Qayilayey deedna jaadkii ku badh go,ay isagoo uu mirqaanku meel aad u fiican u marayo deedna wuxu damcay inuu doonto qaad, intii aanu bixin ayuu musqusha galey si uu u soo maydho/qubeysto dabadeed wuxu soo baxey isagoo aan dharkii soo xidhan, mirqaankaa madax maraye wuxuu soo kaxaystay baaskiil.
Ileen waa nin isagoo qaawan soo baxaye dadkii waddada marayey ayaa soo eeg eegay, isagoo naftiisa la hadlaya ayuu yidhi dadku waxey la dhacsan yihiin sida cajaa,ibka leh ee aad u wado baaskiilka. Markaasu ku daray waliba haddii aad ku badhi kaclaysid ka waran haba sii yaabaane. (badhi kaclayntu waa in la kacaa fadhiisto) bal suuree.

Waxa kale oo jirta wiil yar oo wali reerkoodu gacanta ku hayaan in uu maalin soo qayiley deedna uu aad usoo mirqaamey, waxay kaga dhagtey uun in uu afka iska masaxo oo dadka qofkii u arkoba ku yidhaa MIYAA LAYGA GARANAYAA.
Siduu qof walba u weydiinayey ayuu gurigii soo garaacey dabadeed hooyadii ayaa ka furtay albaabkii isagoo waali dhar xidhan ah ayuu kula xanshaashaqay MIYAA LAGYA GARANAYAA. Lagaama garanayee soo soco bay tidhi deedna wixii ka dhacaa ka dhacey.

Nin isna ka xaamaali jirey dakedda Berbera ayaa habeen mirqaamey deedna goor saq dhexe ah ayey kaadi qabatey oo uu baxey, baroosin uu markab lahaa ayuu kaadi la ag istaagey, halkii ayuu taagnaa ilaa waaberigii soo dhawaadey, nin kale oo ay isku maqaaxi fadhiyeen ayaa ugu yimi meeshii. Kuye
“ waar Hebel Maxaa meesha ku dhigey” ku lahaa kaadidii baa dhamaan weyday ileen baroosinka markabka ayuu boodayey kaadidiisii oo socota.


Qoraalkani waxa uu ina dareensiinayaa dhibaatada uu Qaadku ku hayo bulshadeena waliba dubaabkii iyo riyooyinka rafaadka badan ee ay la kulmaan baa dhiman.


Waxa inagu soo fool leh ololihii doorashada Madaxtinimada Somaliland, sida aynu lawada socono xiligaa qaadka aad baa loo isticmaalaa iyadoo habeenkii seexan waa, ka dhaco qolalka ay xisbiyadu kireystaan in kastoo uu qaadkii hakad ku jiro oo aanu sidii hore waddanka ku ahayn.

Yaan laysku ilaabin haddii kale waxad ka mid noqon doontaa dadyawga taariikhda mirqaanka iyo meeluhuu la jiidhay laga qoro.





Waxan u mahad celinayaa asxaabtii ila wadaagtay sheekooyinkan



Qalinkii Hibo Ciise Maxamed

Comments

Popular posts from this blog

Shalay daalinkaan riday Dal baabu xukumayee, Qaar daaqi xoolaha, Dekeddiyo madaarkii Iyo dawladnimadii Sarriftaa ka daba yimi;

Wedding planner

Baroortu Orgiga Ka Weyn (Buuga Sooyaal)