Posts

Qalad fahanay Qalin-Jabintii!

Image
“Qalin la jabiyaa ma jiree waa lasii Qortaa . ” Waxa iska soo daba dhacaya qalin jabinaha heerarka kala duwan ee Jaamacadaha dalka Somaliland guud ahaan., iyadoo ay tirada ardeydu sanadba sanadka kasii danbeysa   sii kordheyso. Waa arrin Alle loogu mahad naqo madaama ay bulshadii u xadhko xidhatay waxbarasho ilaa heer jaamacadeed gaadhsiisan. Iyadoo aqoontu ay tahey furaha horumarka. Haddaba, waxa la yaab leh in ay xafladihii qalin jabinuhu u ekaadeen aroos wadareedyadii   loo dhigayey kooxda lamaanaha ah, oo laga badbadiyey marka loo eego xaflad qalinjabineed, iyadoo la sameynayo waxyaabo aan loo baahanayn amaba aan muhiim ahayn sida: gawaadhi la sharaxo, in murayaadaha gawaadhida lagu wada dhajiyo qofkii qalin jabinayey, in sawiro meelo aan munsaab ahayn lagu galo, keegag lacag badani ku baxayso oo khasab laga dhigay in loo sameeyo qofka qalin jabiyey & in layskugu faano heerka labiska sidoo kale in la sameysto xaflado, iyada oo la kireysanayo hoolalka...

Majare-habaabinta & Muranka Xeerka Kufsiga Somaliland

Image
Hordhac Kufsigu waa xadgudub bini aadanimo oo foolxun isla jeerkaasna ay ka dhashaan cawaaqib xumooyin tira badan oo bulshada naafeeya haddii aan la xakameyn amaba cida ku kacdaa aanay marin ciqaab adag, noqda mid la iska caadeysto oo galaafta nolosha dad badan oo dhibanayaal ah. Kufsiga iyo Bulshada ku dhaqan Somaliland Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga XEER LR.78/2018 oo ay dhawaan ansixiyeen Gollayaasha Wakiilada & Guurtida JSL, saxeexayna Madaxweynaha Jamahuuriyadda Somaliland oo uu muran ba,ani ka taagnaa todobaadadii u danbeeyay. Xeerkan oo aan akhriyey dhamaan Qeybihiisa kala duwan, qodobadiisa & faqradaha ay ka kooban yihiin marka hore waan bogaadinayaa waanan soo dhaweynayaa madaama ay falalka kufsiga iyo xadgudubka jinsigu isasoo tarayaan sanadba sanadka ka danbeeya laguna xaliyo habab aan munaasab ahayn oo keenaya in lagu dhiirado in falalka caynkaasi sii kordhaan marka talaabo laga qaadi waayo dhib gaystayaasha kiisaska xadgudubyada Jinsi...

Shalay daalinkaan riday Dal baabu xukumayee, Qaar daaqi xoolaha, Dekeddiyo madaarkii Iyo dawladnimadii Sarriftaa ka daba yimi;

Image
Markaad hebel duqaysaa, Reer hebel damqanayaan... ”   Gaariye AHUN Hanaan dawladnimo oo dhisan oo leh kala danbayn iyo nadaamkii dawladi lahayd waa u lafdhabar umad kasta oo wadan ku bahawday. Dawladnimadu waa ta dadka u tudha ee danahooda, kala danbayntooda iyo nololwanaagoodu ku xidhan tahay. Haddii aynu nahey bulshada ku dhaqan Somaliland marka aynu kursiga keenayno siyaasiga indhaha ayeynu laanahay, uma eegno aqoon, uma eegno karti, uma eegno khibrad. Waxa ay inaga tahey uun qof reer hebel matala keena, qabiil & qiiro dhaw ayeynu ku saleynaa mustaqbalkeena.   Siyaasiyiinta wadanka jooga maaha kuwo mab,da, karti & aqoon ku yimi badankoodu. waxa ay dabada ku hayaan odey dhaqameedyo badankoodu usoo guntaday sidii ay umadda u jabin lahaayeen oo hiigsigooda u fogi yahey sidii ay u bislaysan lahaayeen caleenta (qaadka) ay maalintaa cunayaan. Markii ay khalad ka galaan qaranka ee ay boob & dhac aan tudhaale lahayn gaystaan, in talaabo laga qaado daaye ...

Buurta Gacan-Libaax

Image
Dhulka Somaliland guud ahaan waa dhul leh qurux dabiici ah. baddaha saafiga ah ee aan wali wasakhoobin, xeebaha dalxiiska ku wacan, buuraha, dooxooyinka, durdurada & waliba dhirta & xayawaanka duurjoogta ah ee aan marnaba quruxdooda laga jeesanayn. Waa dhul Illahey ku manaystay khayraad dabiici ah oo dhan walba leh. Cimilada wadanku waa mid aan aad looga cabanayn oo ma laha kuleyl diirka kaa siibaya amaba xad dhaafa sidoo kalena malaha qabaw laga dayriyo oo baraf gaadha. waxaa intaa dheer in aanay jirin masiibooyin dabiiciya oo waaweyn sida duufaano & dabaylo khasaare ba,an keena, daadad waaweyn, Folkaanooyin & dhul gariir. Inkastoo ay jiraan mararka qaar xaalado yar oo ka reeban sida daadadka oo xili roobaadka dad & duunyoba qaada & duufaano mar mar xeebaha ka dhaca oo ay u danbaysay duufaanadii Sagar oo khasaare u gaystay dadkii deegaanka ku ahaa xeebaha wadanka. Sidoo kalena waxa jira Abaaro iyaguna soo hoos galaya masiibooyinka dabiiciga ah. Wax se ...