Posts

WAXA LOOGA SII DARAY NINKII MAQASHA DAAYACAY MARKII GEELA LOO DIREY!

Image
Maamulka Dawladda Hoose ee Caasimada Hargeysa 2012-2019      meel kamid ah wadada Idaacadda hareeraheeda Hordhac Dawlada hoose ee Hargeysa oo ay usoo kala danbeeyeen maamulo kala duwan tan iyo intii dagaalada ka danbeysay, iyada oo ay maayirada caasimadu soo mareen nidaamo kala duwan oo ay ku yimaadaan ilaa laga soo gaadhay in doorashooyin gollayaal deegaan la qabto, halkaasna ay bulshadu ku doorato xildhibaanada golaha deegaanka. Dawladaha hoose waa halka ugu hooseysa hab maamul dawladeed ahaan, waa halka loogu talo galey in ay bulshada si toos ah isugu xidhnaadaan isla markaana ka jawaab celiyaan hadba baahiyaha ay bulshadu tabanayso. Iyada oo aanay ahayn meel loogu talo galey in loo soo macaash doonto, balse u jeedada u weyn ee meesha taala ay tahey sidii bulshada loogu adeegi lahaa. Magaalada Hargeysi waxa ay ka mid tahey magaalooyinka sida aadka ah u koraya, isla jeerkaasna bulshada u badani ku dhaqan tahey gu