Posts

Showing posts from September, 2016
Wax ma tare caruuri meel ay joogto iyo wax ay cunaano iyo meel  lagu cuno toona war iyo wacaal uma hayo, isaga iyo daankiisa ayuunba saxiiba oo cankaa takhsiinsan iyo qiiqaa uu budhbudhinayo ayuunbuu aduun ka yaqaan. Haddii uu waayana xaaladu waa bariga dhexe iyo bakoorad wixii la arkoba daba loo qabto,. Nacallaba, Hoo baaruud. Caruurta hooyadood ayaa quudkooda iyo arad baxoodaba laga sugaa ilaa iyo intii uu dhashay ka yar ee ay labana ka weyn yihiin laba kalena hoos uga yar yihiin oo ku beegnayd goortii ay gabi ahaanba fahmi wayday dabeecadihiisa iyo waxa uu soo wadwato oo ay u kala saari wayday waali iyo miyir qab. Imika waxa u dheer inay kordhiso wakhtiyadii ay cadceeda la meeri jirtey caanaha dhayda ah oo ay ku darto ciir ay subixii la wareegto iyo baco ay ka baayac mushtarayso, taas oo ay ku kadeeday kolkii ay damacday inay ubadka inta wax barasho gaadhay qayrkood raaciso inta ay nooshahay ee ay sii tamarinayso. Salaada hore iyo xili aan umadduba soo jeedin ayay dabka u h