Posts

Showing posts from October, 2018

Qalad fahanay Qalin-Jabintii!

Image
“Qalin la jabiyaa ma jiree waa lasii Qortaa . ” Waxa iska soo daba dhacaya qalin jabinaha heerarka kala duwan ee Jaamacadaha dalka Somaliland guud ahaan., iyadoo ay tirada ardeydu sanadba sanadka kasii danbeysa   sii kordheyso. Waa arrin Alle loogu mahad naqo madaama ay bulshadii u xadhko xidhatay waxbarasho ilaa heer jaamacadeed gaadhsiisan. Iyadoo aqoontu ay tahey furaha horumarka. Haddaba, waxa la yaab leh in ay xafladihii qalin jabinuhu u ekaadeen aroos wadareedyadii   loo dhigayey kooxda lamaanaha ah, oo laga badbadiyey marka loo eego xaflad qalinjabineed, iyadoo la sameynayo waxyaabo aan loo baahanayn amaba aan muhiim ahayn sida: gawaadhi la sharaxo, in murayaadaha gawaadhida lagu wada dhajiyo qofkii qalin jabinayey, in sawiro meelo aan munsaab ahayn lagu galo, keegag lacag badani ku baxayso oo khasab laga dhigay in loo sameeyo qofka qalin jabiyey & in layskugu faano heerka labiska sidoo kale in la sameysto xaflado, iyada oo la kireysanayo hoolalka xafladah