Posts

Showing posts from March, 2017

Shillinkii Mee?

Image
W axa cirka isku sii shareeraya sarifka $ marka lagu badalayo S/land shilling halka uu wadankiina kasii guurayo gabi ahaanba lacagtiisii oo afkii US Dollar uu ku hadhay uun,. Waxa isa soo taraya cabashooyinka kasoo yeedhaya dadka ku dhaqan Jamhuuriyadda S/land kaas oo salka ku haya abaaro baahsan iyo Sicir barar aan loo adkaysan karin wallow ay dawladu isku dayday inay xaaladaa wax ka qabato haddana way ku fashilantay sababta oo ahayd iyada oo aan la darsin sababaha dhabta ee keenay iyo sida u macquulsan ee loola tacaali lahaa. Haddaba qoraalkan kooban waxaynu ku lafa guri doonaa qoddobo dhawr ah oo kala ah 1.       Waa maxey sicir bararku? 2.       Maxaa keena? 3.       Daabacaada lacag cusubi lug intee leeg bay ku yeelan kartaa sicir bararka? Waa maxey Sicir –bararku? Waa marka uu korodh ku yimaado qiimihii alaabada & adeegyada. Waxa  jira halbeegyo lagu cabirto sicir –bararka waxaana ugu caansan inta la ogyahay (CPI) Customer Price Index & (RPI)  Reta