Posts

Showing posts from May, 2018

Dawladdaha Hoose ee Soomaalilaan

Image
Muwaadin aqoon intee le,eg baad u leedahay dawladda hoose ee degmadaada? Waa maxay xidhiidhka idinka dhexeeyaa? Waa maxey waajibaadka ay tahey iney kasoo baxaan xildhibaanada dawladda hoose ee Degmadaadu? Maxaa adiga kugu waajib ah si ay u shaqeyso dawladda Hoose ee magaaladaadu? Ma taqaanaa shaqada Duqa(Mayor)/ku xigeenkiisa, Xoghayhaha, Guddiga fulinta, Guddiga Joogtada ah & guud ahaanba xildhibaanada Gollaha Deegaanku? Ma taqaanaa adeegyada loo baahan yahay inay qabato dawladda hoose ee Degmadaadu? Haddii aad saluugto wax qabadka xildhibaanadii aad soo dooratey awoodaada maku kala diri kartaa? Wali ina dib ma u eegtay xeerarka la xidhiidha Dawladaha Hoose si cilmiyeysana ma ugu dabaqday waaqaca jira? Horumar intee le,eg bay ku talaabsatey degmadaadu tobankii (10) sanadood ee u danbeeyay? Madaama ay inagu soo socdaan doorashooyin ay ku jirto doorashada golayaasha deegaanadu. Waa muhiim in aad jawaabo u hayso su,aalahaa oo aad markasta xaalada aad ku sugantahay adiga, qoy