Posts

Showing posts from 2016

Wedding planner

Image
Wedding planner  is a professional who assists with the design, planning and management of a client's wedding . Weddings are significant events in people's lives and as such, couples are often willing to spend considerable amount of money to ensure that their weddings are well-organized. The services of a wedding planner can include : ·          Interviewing the couple and the parents to identify their needs. ·          Budget preparation ·          Event design and styling ·          Venues scouting ·          Planning detailed checklist   ·          Attendee list preparation ·          Identification of event venues (hotels, wedding manor etc.) ·       Identifying and hiring of wedding professionals and service providers (caterers, photographers, videographers, florists, bakers etc.), and preparation and execution of contracts. ·          Procurement of customized decorations such as a journey map ·          Coordination of deliveries/services on the wedding

Isma Qabato Caynkani

Image
W aayadan danbe waxa aad u soo kordhayay hawl wadeenada ka hawl gala xafiisyada dawladda kuwaas oo iskugu jira Rag, Dumar, dhalinyaro iyo waayeel intaba. Dadkani waxay leeyihiin duruufo kala gadisan iyo baahiyo aan koobid lahayn. Tusaale: qaar kamid ah waxa daba fadhiya Qoysas iyo ubad masruuf iyo mariinba uga baahan, in kamid ahina waxay la tacaalaysaa noloshooda halka qaarkalena laga yaabo iney dad bukaan ah la tabaalaysan yihiin iyo hawlo aduun oo badan. Waxaynu wada ogsoonahay iney jiraan darajooyin lagu qaato mushaharka oo kala ah A,B,C & D, haddii aynu hoos ugu dhaadhacno darajo kastaa qiima lacageed bay ku fadhidaa kaas oo aan waxba ugu filnayn qof ay boqol & toban god afka usoo kala hayaan. Habase ahaatee waxa intiiba sii baabi,yey inay ku qaataan SL Shilling, halka suuqii  oo idilna wax lagu kala gadanayo  Doolarka maraykanka ( waxbarashadii, Nalkii, cusbitaalkii, Tukaamadii ….).  taa waxa ka sii daran in Dollarku cirkaa isku sii shareerayo halka Shillinkeeniina uu

Jaceyloow Xaal Qaado

Image
Jaceylkii sawta la bah dilay ee la baabi,iyey ee beerka laga laadey, balanbal iyo bayhoofna la badey. Dadkii. Dadku iskuma jiraane u kaadi, dadkeenii saw kuwan dhib kasta oo dhacda iyo masiibo kasta oo wax sameeyay la garan waayoba lagu sheegay. Waxbuu iloobey “Jaceylbaa haya”.. wuu xanuusadey “Ma jaceyl baa ku helay”. Wuu yara busaaradsadey “ ma jaceylbaaku haya”. Haddaba miskiinku ma hargab aan calaamad laheyn baa. Waxan maqlay hees tidhaahda “Doqonow Jaceyloow” mid kalena “Waa nacab Jaceyl” wad oo haka qaban. Ilmaadeerayaaloow Jaceylku caynkaad moodeen maahaa waa bad. Maya maya, waa geed weyn oo hadhac ah oo dhan walba laamihiisa iyo caleemihiisu u fideen. Jaceylka lamaanuhu waa jaceyl, Nacam Billaahi, lakiin waa laan ka mida geedka waliba caleen kasii mid ah. Jaceylkiiba inta la buquujiyey oo koonbo yar lagu ridey uunbaa laga soo qaadey inuu yaheyba jaceylka ka dhaxeyn kara laba ruux oo lab & dhadig ah. Hooyadu ubadkeeda way jeceshahay, Aabuhuna sidoo kale, Macalinku
Wax ma tare caruuri meel ay joogto iyo wax ay cunaano iyo meel  lagu cuno toona war iyo wacaal uma hayo, isaga iyo daankiisa ayuunba saxiiba oo cankaa takhsiinsan iyo qiiqaa uu budhbudhinayo ayuunbuu aduun ka yaqaan. Haddii uu waayana xaaladu waa bariga dhexe iyo bakoorad wixii la arkoba daba loo qabto,. Nacallaba, Hoo baaruud. Caruurta hooyadood ayaa quudkooda iyo arad baxoodaba laga sugaa ilaa iyo intii uu dhashay ka yar ee ay labana ka weyn yihiin laba kalena hoos uga yar yihiin oo ku beegnayd goortii ay gabi ahaanba fahmi wayday dabeecadihiisa iyo waxa uu soo wadwato oo ay u kala saari wayday waali iyo miyir qab. Imika waxa u dheer inay kordhiso wakhtiyadii ay cadceeda la meeri jirtey caanaha dhayda ah oo ay ku darto ciir ay subixii la wareegto iyo baco ay ka baayac mushtarayso, taas oo ay ku kadeeday kolkii ay damacday inay ubadka inta wax barasho gaadhay qayrkood raaciso inta ay nooshahay ee ay sii tamarinayso. Salaada hore iyo xili aan umadduba soo jeedin ayay dabka u h