Posts

Showing posts from February, 2018

Caasimada Hargeysa

Image
Hargeysi waa caasimada Jamhuuriyada Somaliland , waxay dhacdaa dooxada Galgodon ee deegaanada Oogo . waxayna magaaladu ka sareysaa biyaha bada joog dhan 4,377 Mitir. juquraafi ahaan magaalada Hargeysa waxay saarantahey buuro. dooxyo iyo deegaan caro bataax leh si la mid ah magaalooyinka kale ee ku yaala Somaliland. Hargeysi waxay ku fadhidaa   dhul baaxadiisa lagu qiyaasay 33 km 2   (13 sq mi) waxaana ku nool bulsho lagu qiyaasay ilaa 1,200,000 (1.2 milyan). Magaalada Hargeysa waxa soo gaadhey burbur aad u baahsan ka dib dagaaladii ka qarxey Gobolada Waqooyi ee Dawladdii Soomaaliya taasi oo ay jabhadii SNM (Somali National Movement) kaga soo horjeeday maamulkii Siyaad Barre. Dagaalkaa ka dib waxa Hargeysa dib loogu soo laabtay sanadkii 1991 kii halkaas oo ay muddo yar dabadeed dib uga bilawdeen dagaalo sokeeye oo dib u naafeeyay koritaankii magaalada. Isku daygii u horeeyay ee magaalada Hargeysa loogu sameynayey maamul ( Mayor) waxa uu ahaa 1991 balse laguma guuleysan inuu maam