Posts

Showing posts from October, 2017

DHAWAAQ HAWEEN

Image
Haweenku waa 50% ka mid ah bulshada Somaliland, haddii aanay kaba badnayn. Jeeraa lasoo maray wakhti aanay waxna qori jirin waxna akhriyi jirin oo talada iyo go’aankaba looga reebi jirey aqoon yaraan iyo aragti gaabnaan. Alle Mahadii wakhtigan la joogo Alle waa inagu simay dumarkii oo door muhiim ah ka qaadanaya waxbarashada ilaa heer jaamacadeed  waliba kaga dedaal iyo karti badan in badan oo ragga ka mid ah. Tusaale kooban waxad ka dheehan kartaa ardeyda Jaamacadaha ka soo baxda sannad walba korodhka haweenka ee xag waxbarasho. Jaamacadda Hargeysa oo kali ah aynu soo qaadano labadii  sannadood ee u danbeysay. 2016 guud ahaan ardeyda qalin jabiyey waxay ahaayeen tiro dhan 862 halka ay 395 ka ahaayeen haween taas  oo u dhiganta 46%. Halka 2017 ay tirada guud ee ardeydu ahayd 1126 oo kala ahayd 599 rag ah iyo 527 haween ah taas oo noqonaysa 47%. Intii ka horeysayna ay kolba soo kordhaysay tiradaasi laga yaaba in ardeydii u horeysay ee ka baxda jaamacadda ay 5% Haween

Maada Mirqaanka

Image
    W aligii qayilaad umuu fadhiisan niyadiisana kuma soo dhicin inuu qaad cuno, mid ay qaraabo ahaayeen uunbaa maalinkasta ka qaada lacag oo ku yidhaahda inder qaadka ii qaad, dabadeed maalintii danbe ayuu ku yidhi waayahee bal maanta aan kula fadhiisto oo bahalkan aad ku waalatey aan kula soo eego, la is raac oo kabadhkii qaadka la dul istaag, xoogay bay kasoo qaateen meel halkeerana wayna fadhiisteen, ninkii qaadka ku cusbaa wuu iska laba liqayaa oo wax kusoo fool leh war iyo wacaal toona kama hayo, kii kale se intaanu mirqaankii la jiidan ayuu wixiisii laalaabtey oo ka huleelay meesha, saxiibkiina waxba uma sheegin. Waxa uu wadoba saqdhexe ayay noqotey intii uu soo qaatey ee qaad ahaydna ka dhamaatey, deedna wuxu is yidhi bal reerkaagi aad u hoyatid,  jaba waaka danbeeye gurigiibuu soo gaadhey, haba soo gaadhee waxa uu guriga hortiisii ku arkey dhagax weyn oo weyn oo guriga kadinkiisii awdey. Garo oo waxa guriga albaabkiisa meel u dhaw yaala gaadhi Mark || ah, afaafkuna waa u

Laas-Geel

Image
Laas-Geel waxey ku taala duleedka Magaalada Hargeisa, kaantaroolka barriga marka loosii baxayo dhanka gobolka Saaxil waxa wadada weyn lagaga laabtaa tuulada Dhubato iyadoo looga baxayo dhanka waqooyi. Laas-Geel waxa la ogaadey wakhti aan sii fogeyn waa buuro dhagaxaan ah balse sida ka muuqata loogu tagey raadad badan oo sheegaya in lagu noola qarniyo badan ka hor taasii oo la ogaadey ka dib markii la darsey sawirada ku xardhan buurta. buurtani waa buur aad u dheer isla markaan leh godad waaweyn oo kal sar sareeya una eeg in ay dad ku noolaayeen lama cadeyn karo in ay iyagu qorteen buuraha iyo in Alle (SW) saa u abuuray. Qaar kamid ah Godadku waa kuwan sida aad ka aragto godadkan waxey u qaabaysan yihiin sidii guri dabaqa oo kale godad kala sareeya waxey u eg yihiin hoy loo hoyan karo, muuqaladan cajiibka ahi waxay cadeyn u yihiin in buuraha Laas-Geel ay u ahaayeen hoy dad wakhtiyo hore noolaa, wakhtigaas oo lagu qiyaasi karo intii ka horeysay soo bixitaankii Nabi