Posts

Showing posts from August, 2018

Shalay daalinkaan riday Dal baabu xukumayee, Qaar daaqi xoolaha, Dekeddiyo madaarkii Iyo dawladnimadii Sarriftaa ka daba yimi;

Image
Markaad hebel duqaysaa, Reer hebel damqanayaan... ”   Gaariye AHUN Hanaan dawladnimo oo dhisan oo leh kala danbayn iyo nadaamkii dawladi lahayd waa u lafdhabar umad kasta oo wadan ku bahawday. Dawladnimadu waa ta dadka u tudha ee danahooda, kala danbayntooda iyo nololwanaagoodu ku xidhan tahay. Haddii aynu nahey bulshada ku dhaqan Somaliland marka aynu kursiga keenayno siyaasiga indhaha ayeynu laanahay, uma eegno aqoon, uma eegno karti, uma eegno khibrad. Waxa ay inaga tahey uun qof reer hebel matala keena, qabiil & qiiro dhaw ayeynu ku saleynaa mustaqbalkeena.   Siyaasiyiinta wadanka jooga maaha kuwo mab,da, karti & aqoon ku yimi badankoodu. waxa ay dabada ku hayaan odey dhaqameedyo badankoodu usoo guntaday sidii ay umadda u jabin lahaayeen oo hiigsigooda u fogi yahey sidii ay u bislaysan lahaayeen caleenta (qaadka) ay maalintaa cunayaan. Markii ay khalad ka galaan qaranka ee ay boob & dhac aan tudhaale lahayn gaystaan, in talaabo laga qaado daaye haddii ma

Buurta Gacan-Libaax

Image
Dhulka Somaliland guud ahaan waa dhul leh qurux dabiici ah. baddaha saafiga ah ee aan wali wasakhoobin, xeebaha dalxiiska ku wacan, buuraha, dooxooyinka, durdurada & waliba dhirta & xayawaanka duurjoogta ah ee aan marnaba quruxdooda laga jeesanayn. Waa dhul Illahey ku manaystay khayraad dabiici ah oo dhan walba leh. Cimilada wadanku waa mid aan aad looga cabanayn oo ma laha kuleyl diirka kaa siibaya amaba xad dhaafa sidoo kalena malaha qabaw laga dayriyo oo baraf gaadha. waxaa intaa dheer in aanay jirin masiibooyin dabiiciya oo waaweyn sida duufaano & dabaylo khasaare ba,an keena, daadad waaweyn, Folkaanooyin & dhul gariir. Inkastoo ay jiraan mararka qaar xaalado yar oo ka reeban sida daadadka oo xili roobaadka dad & duunyoba qaada & duufaano mar mar xeebaha ka dhaca oo ay u danbaysay duufaanadii Sagar oo khasaare u gaystay dadkii deegaanka ku ahaa xeebaha wadanka. Sidoo kalena waxa jira Abaaro iyaguna soo hoos galaya masiibooyinka dabiiciga ah. Wax se

Doorka Haweenka & duruufaha ku xeeran

Image
Qormadan  waxa aan kaga hadli doonaa haddii Eebe Idmo haweenka & kaalinta  ay ku leeyihiin horumarka bulshada ee dhaqan dhaqaale, siyaasadeed iyo tariikh kooban oo si guud uga warameysa haweenka & ka qayb qaadashada dhisida bulsho. sidoo kale waxa aynu hoos u sii eegi doonaa Haweenka & sidii ay uga qayb qaateen fidinta diinta Islaamka & arrimo kale oo muhiim ahaa wakhtigii Rasuulka (NNKH) madaama aynu nahey umad 99% Muslim ah oo ay mar walba tahey in aynu qaadno dariiqii suubanaheena & asxaabtiisii. Intaa ka dib waxa aynu u jeedsan doonaa haweenka Soomaaliyeed doorka ay ku leeyihiin bulshada guud ahaan  iyo kaalinta ay bulshada ugu jiraan uguna jireen wakhtiyadii inasoo maray. Aadame markii la leeyahay ama dad waa laba qolo uun waa Rag iyo Dumar. Diinta, diirka iyo deegaanka haku kala gadisnaadaan balse labadaa wax aan ahayn oo dad ka kooban yahey soo heli maysid. Haddii aynu dib u raacno sidii ay ku yimaadeen Alle (SW) ayaa labadaba abuuray; iyada oo ay ka