WAXA LOOGA SII DARAY NINKII MAQASHA DAAYACAY MARKII GEELA LOO DIREY!
Maamulka
Dawladda Hoose ee Caasimada Hargeysa 2012-2019
meel kamid ah wadada Idaacadda hareeraheeda
Hordhac
Dawlada hoose ee Hargeysa oo ay usoo kala danbeeyeen maamulo
kala duwan tan iyo intii dagaalada ka danbeysay, iyada oo ay maayirada
caasimadu soo mareen nidaamo kala duwan oo ay ku yimaadaan ilaa laga soo
gaadhay in doorashooyin gollayaal deegaan la qabto, halkaasna ay bulshadu ku
doorato xildhibaanada golaha deegaanka.
Dawladaha hoose waa halka ugu hooseysa hab maamul dawladeed
ahaan, waa halka loogu talo galey in ay bulshada si toos ah isugu xidhnaadaan
isla markaana ka jawaab celiyaan hadba baahiyaha ay bulshadu tabanayso. Iyada
oo aanay ahayn meel loogu talo galey in loo soo macaash doonto, balse u jeedada
u weyn ee meesha taala ay tahey sidii bulshada loogu adeegi lahaa.
Magaalada Hargeysi waxa ay ka mid tahey magaalooyinka sida
aadka ah u koraya, isla jeerkaasna bulshada u badani ku dhaqan tahey guud
ahaanba Somaliland. walow aanay jirin tirakoob sax ah oo wali ka hir galay
wadanka. Waxa lagu qiyaasay shan sano ka hor in ay dagan yihiin 1.2 million (UNFPA, 2014). Korodhka bulshada
waxa barbar socda dhaqdhaqaaqyada dhaqan dhaqaale ee ay bulshadaa kordhaysaa
wadato taasi oo ka dhigaysa magaalooyinka Somaliland kuwooda ugu dakhliga
badan.
Haddaba, waxa doorashdii u danbeysay ee gollaha deegaanka
gabi ahaanba Somaliland qabsoomeen dabayaaqadii sanadkii 2012, halkaas oo lagu
doortay golle deegaan oo cusub. Dabcan Hargeysa oo caasimadii ah ayaa ugu tiro
badnayd, oo tirada xildhibaanadeedu ahaayeen 29 sida uu dhigayo xeerka
ismaamulka gobolada & degmooyinka Somaliland xeer Lr 23/2002.
Maxaa
is badelay mudadaa 2012-2019
Mudadaa ay xilka hayeen gollaha deegaanka ee hadda
khaatumadii ku jira ee uu gadhwadeenka ka yahey Mayor Cabdiraxmaan waxa dhacay
isbadeladan.
1.
Waxa aad u adkaadey XIDHIIDHKII KA DHAXEEYAY BULSHADA KU
DHAQAN MAGAALADA HARGEYSA & DAWLADDA HOOSE EE HARGEYSA.
Shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa oo mudadaa maalinba
maalinta kasii danbaysay ay sii kala fogaanayeen xidhiidhkii ay la lahaayeen
gollahooda deegaanka & xafiisyada dawladda hooseba, aynu ka eegno dhawr
dhinac
·
Helista adeegyada ay bulshadu u baahantahay: kuyuuga ay bulshadu ugu jirto xafiiska dawladda hoose ee
Hargeysa & jahawareerka haysta waa mid ka muuqda albaabada laga galo
xarunta dawladda hoose ee Hargeysa. Iyada oo ay adagtahey in la helo shaqaale
& maamul sidii loogu talo galay u gudanaya waajibaadkooda shaqo, saacadihii
shaqadana shaqeynaya. Sidoo kale waxa ay dayaceen adeegyadii koobnaa ee ay u
hayeen bulshada oo ay ka mid tahey Qashinka & Maamulkiisa. Qashinku
waxa uu ka mid yahey caqabadaha u waaweyn ee ay la tacaalayso bulshada ku
dhaqan magaalada Hargeysi, iyada oo gabi ahaanba lagu wareejiyey shirkado gaar
ah, kuwaasi oo aan dabagal & lasocodkii loo baahnaa lagu sameynin. Taasi
waxa ay keentay in qashinkii si siman looga qaadin bulshadii ku dhaqnayd
magaalada Hargeysa oo la ilaabo danyartii aan tahli karayn in ay bixiyaan
lacagaha qashinka, xaaladaasina ay keentay in qashin badan la soo raaciyo
daadadka, dabadeedna laamidii uu ku hadho qashinku.
·
Shariciyeynta Dhulka & jeexista dhismayaasha: hawshan oo ay dawlada hoose gacanta ku hayso ayaa shacabka
ku abuurtay baqdin ay ka qabaan xafiisyadii dawladda hoose ee ay la xidhiidhi
lahaayeen. Iyada oo qofka ugu hagaaga in hawsha kaga xidhan xafiisyada uu u
baahan yahey wakhti badan & lacag badani kaga baxayso ku noqnoqoshada
dawladda hoose, taasina ay kalliftay in bulshadii in badan oo kamid ahi ku
dhici weydo in ku hagaagto dawladii hoose dabadeed ay ku khasbanaadeen in ay
dirtaan cid ka mid ah shaqaalaha dawladda hoose oo ay lacag ku siiyaan si ay
ugu soo sharciyeeyaan dhulkaa.
2.
WADOOYINKII MAGAALADA OO BOHOLO & DOOXYO ISKU BADELAY.
Wadooyin cusub oo soo kordha hadalkooda daa, kuwii hore ayaa
wada godad noqday. Mararka qaar dayactir qosol ku jab ah ayaa lagu sameeyaa oo
godadka lagu yara rakco kuwaas oo bil kadib halkoodii kusoo noqda. Marka hal
wado la hagaajiyo sida looga soo yaacayo kuwa godadka leh ayey taasina
cidhiidhi & kuyuu noqotaa. Marka uu roobku ku da,o magaalada Hargeysa
wadooyinku waxay noqdaan dooxyo xashiishka & qudhunku dhex yaacayaan, markaasaad
is weydiinaysaa meeshu ma waday ahaan jirtay beri.
Wadada Dahabshiil gargaar koonfur uga baxda
Dhibta ka taagan
Suuqyada Hargeysa
Dadka suuqyada Hargeysa ku ganacsada ee danyarta ah waxay
qabaan duruufo adag oo aanay cidi uga garaabin. Waa la burburiyaa iyaga oo ku
guda jira hawl maalmeedkoodii ay ku raadsanayeen quutal daruuriga qoysaskooda.
Qorshe looma sameeyo, bacadkooda & banaankoodana looma daayo. Meesha laga
rarona iyada oo aan wax qorshe ah loo hayn baa cagaf lagu qaadaa. Ganasatadaa
oo u badan hooyooyin kaaryoonayaal & maqaaxiyo ku haysta wadooyinka
hareerahooda.
Ganacsiyo yar yar oo cagaf la galiyey Suuqa Hoose ee Hargeysa
Suuqayada waaweyn ee Hargeysi malaha meelo loogu talo galay
in baabuurta la dhigto. Xiliyada saxmada ee dadku suuqyada usoo baxaan waxaa
wakhtiga kaa qaadaya cidhiidhiga wadada ka jira iyo raadinta meel aad gaadhiga
dhigato (Parking).
Suuqa Hoose ee Hargeysa
Sidoo kale waxa aan gabi ahaanba suuqa Hargeysa ka jirin
musqulo ay dadweynuhu isticmaalaan, taasi oo ay markasta cabasho ka muujiyaan
haweenka ku ganacada suuqyada magaalada Hargeysa
Dakhlig Degmooyinka
qaar & Dayaca ka muuqda
Wadooyinka ugu saxmada badan magaalada uguna dayaca &
burburka badan waxa ay ku yaalaan degmooyinka Ibraahim Koodbuur 26 ka June & Gacan Libaax. Oo ay ku yaalaan
suuqyo ay ka mid yihiin suuqa weyn ee waaheen, sariibada Mawel, suuqa Jaamac
Gunti, Gobanimo, Jaamacadaha & dugsiyada
waxbarasho ee u badan sidoo kale ganacsiyada yaryar badankoodu. Waxa
lagu qiyaasay celcelis ahaan dakhliga kasoo xarooda maalintii degmooyinkaa qaar
ka mid ah 20,000,000 ilaa 40,000,000 sl shilling ah. Aynu soo
qaadano in maalintii uu yahey 30,000,000*30maalmood
ee bisha, 900,000,000 sl sh bishii iyada oo sanadkiina
noqonaysa 10,800,000,000 sl sh oo
marka USD loo rogo ka badanaysa 1.8 milyan
USD. Waa dakhliga kasoo xarooda hal dagmo oo kamid ah degmooyinkaas aynu
kor ku xusnay sanadkii. Iyada oo ay jiraan dakhliyo wakhti le ah sida
cashuuraha ardiyadda, jeexista iyo qaar kale oo la halmaala. Kabka dawladda
dhexe & mashaariicda Hay’addaha UN tuna uu dheer yahey.
Jigjiga yar
Wadada 150 ka
Wadada ku laabata masjidu Daarul-Imaan
Bilicda
Guud ee Magaalada Hargeysa
Hargeysa,
Somaliland
Hargeysi
iyada oo aan lahayn wadooyin waaweyn iyo qorshe ay ku dhisan tahey (Master Plan
& Town Plan) & sidoo kale shuruucdii dhiska (Zoning Regulations) oo
awal horeba nidaam la,aan la baaba,sanayd oo qashinku wadooyinka waaweyn buuxo
ayey haddana lama dagaan isku sii badelaysaa oo dhanka dhiraynta ay ka tahey
eber. Qalaylka & bacadka magaalada badhtankeeda ka dhacaya haddii aad
xilliyada duhurkii lugayso waxa aad moodaysaa in aad tahriibtay oo aad saxare
ku dhex luntay. Daalka waxa kuu dheeraanaya indho xanuun marka ay gidaarada
& bacadku isku kaa dhiibdhiibaan. Sawirka kor ka muuqdaa waa muuqaalka guud
ee magaalada Hargeysa, bal aynu barbar dhigno muuqaalka guud ee Magaalada
Kigali oo ah magaalo aynu isku da,a nahay hadaynaan kaba weynayn magaalo ahaan
dib u dhiskeedii.
Gabagabo
Magaalada
Hargeysi waa magaalo agoon ah oo rajo ah, shacabkeedi uma hiilin, golaheedii
deegaankuna wakaa usoo boobka tagey. Dhulalka la qorsheeyo waxa laga jara dhul
dan guud ah oo loogu talo galay in laga dhiso iskuulada, Madarasadaha,
Masaajida, xanaanooyinka, suuqyada & xabaalaha. Waxna dadka sadaqo kula
baxa waxna ganacsi bay ku jiraanba.
Dhamaan dhulalkaasi loo jaro danta guud meel ay maraan ma aragno.
Cashuuraha
ka bulsho ahaan nalaga uruuriyo ma aragno wax lagu qabto. Magaaladu gudo &
dibad ba waa ka dayacan tahey.
XEERKA
ISMAAMULKA GOBOLADA & DEGMOOYINKA JSL XEER Lr 23/2003, xeerkani waa xeerka
u baaladhan ee loogu talo galay in lagu hago dawladaha hoose ee JSL, xeerkani
waa tilmaamaha koobaad ee bixiya hab maamulka & hawl gudashada gollaha
deegaanada JSL & waliba xafiisyada dawladda hoose. Muwaadin madaama aad
dooratay gollahaaga deegaanka sidoo kale waad kala diri kartaa..
QODOBKA
29’aad
KALA DIRIDDA
GOLAHA.
1.
Marka ay (3) kalfadhi oo is xiga sabab la‟aan, Degmooyinka
Darajada “A” & “B” fadhiyadoodu u qabsoomi waayaan.
Degmooyinka Darajooyinka C, & D
hadii 4 Kalfadhi oo isku xiga sabab la‟aan u qabsoomi waayaan.
2.
Marka
ay (1/3) xubnaha Goluhu soo jeediyaan (2/3) Na ansixiyaan.
3.
Marka
Guddi qaran oo gaara ah oo madax banana oo madaxweynuhu u magacaabay xilka kala diridda ay soo baadhaan gefafka dhacay ee lidka ku ah
xilgudashadooda warbixin iyo talooyin cadna ka
keenaan.
1.
Marka
dadweynihii soo doortay ee Degmooyinka Darajada “A” (5,000) Shan Kun oo
Qof Maxkamadda Gobolka
iska diiwan galiyaan
kuna hor saxeexaan, soona
jeediyaan in la kala
diro Golaha sidoo kale Degmooyinka Darajooyinka “B” “C” & “D”
na waa 2000 oo Qof.
2.
Dadweynaha soo jeedinaaya
Codsiga kala dirida
wax u shardi ah inay deggan yihiin
Degmada kana diiwaan gashan yihiin, isla
markaana buuxiyaan shuruudaha
Codeynta Ee sharciga doorashooyinku jideeyeen.
3.
Marka Wasiirka
Wasaaradda Arrimaha Guduhu
uu ku qanco, hubiyana xaqiijinta inay
jebiyeen ama ay ku sifoobeen Arrimaha ku xusan Qodobkan
Ee sababta kala dirida Golaha, wuxuu
Wasiirku Awood u leeyahay, in uu soo jeediyo
kala dirida Golaha, una gudbiyo Madaxweynaha
oo leh
Awoodda kama dambaysta ah ee kala diridooda, iyada oo loo marayo maxakammadda awooda u leh kala diridooda ee Heer gobol
References
UNFPA. (2014). Population estimation Survey.
Comments
Post a Comment