Posts

Showing posts from November, 2017

Seylac & Jasiirada Sacaadadiin

Image
Seylac Seylac waa  magaalo leh taariikh gabowday oo ilaa qarniyo hore la dagenaa, haatana waa magaalo madaxda gobolka Salal. Waxey dhacdaa Waqooyi Galbeed Soomaliland,  Waa magaalo ay baddu kaga hareeraysantay dhinacyo badan waa meelaha ay aadka iskaga dhaw yihiin Djabuti & Somaliland. Seylac waxa loosii maraa wadooyin adag oo aan dhisnayn taasi ayaa keentay in ay noqoto meel go,doon ah. Haddii Hargeysa laga baxayo waxa jira dhawr waddo oo loosii maro marka loo jihaysan yahey Seylac .  waxa ka mid ah wadada ka baxda waqooyiga magaalada Hargeysa ee sii marta Dawga Cad iyo Dawga Camuud halkaas oo marka xeebta la gaadho dhinaca galbeed loo wareegayo waana wadada ugu sahlan. dhanka kale waxa jirta wado ka baxda Galbeedka Hargeysa taasi oo lasii maro magaalada Boorama halkaasna looga laabto dhanka waqooyi, deedna  lasii maro dariiqyo kala gadisan. Marka aad  ka baxdo galbeedka magaalada Hargeysa  waxa aad sii maraysaa  Abaarso, Arabsiyo, Gabiley, Kala beydh, Dilla, Tulli, Shirw