Posts

Showing posts from October, 2016

Jaceyloow Xaal Qaado

Image
Jaceylkii sawta la bah dilay ee la baabi,iyey ee beerka laga laadey, balanbal iyo bayhoofna la badey. Dadkii. Dadku iskuma jiraane u kaadi, dadkeenii saw kuwan dhib kasta oo dhacda iyo masiibo kasta oo wax sameeyay la garan waayoba lagu sheegay. Waxbuu iloobey “Jaceylbaa haya”.. wuu xanuusadey “Ma jaceyl baa ku helay”. Wuu yara busaaradsadey “ ma jaceylbaaku haya”. Haddaba miskiinku ma hargab aan calaamad laheyn baa. Waxan maqlay hees tidhaahda “Doqonow Jaceyloow” mid kalena “Waa nacab Jaceyl” wad oo haka qaban. Ilmaadeerayaaloow Jaceylku caynkaad moodeen maahaa waa bad. Maya maya, waa geed weyn oo hadhac ah oo dhan walba laamihiisa iyo caleemihiisu u fideen. Jaceylka lamaanuhu waa jaceyl, Nacam Billaahi, lakiin waa laan ka mida geedka waliba caleen kasii mid ah. Jaceylkiiba inta la buquujiyey oo koonbo yar lagu ridey uunbaa laga soo qaadey inuu yaheyba jaceylka ka dhaxeyn kara laba ruux oo lab & dhadig ah. Hooyadu ubadkeeda way jeceshahay, Aabuhuna sidoo kale, Macalinku