Posts

Showing posts from April, 2017

Galabsi

Image
Omoska, diihaalka iyo boodhka ka kacaya meeliba meelbay kasii liidataa, adoo tii hore ka yaabanaa ayaad haatana amaakaagtay, amakaag lama yidhaa tanoo kale waa anfariir iyo naxdin markaliya ku saaqey. Duunyo waxay noqotaba idlaatay inta kasii joogtaana naf lama sii joogto, dadkiibaa se imika qarqarka u saaran inay oon iyo xanuuno ka dilaacay abaaraha u dhintaan. Haddaba bushadii aynu u kala saarno in Miyi ku nool iyo in Magaalo joog ah. Kii Miyiga markuu Illahey nimcadiisa u shubo halkii uu ka mahadnaqi lahaa buu kibray oo xoolo layska dhaco iyo reer hebel baa nasoo eegay anana hubkaanu guranaynaa laga bixi waayey markaasaa cirkaa la maray, xoolihii yaraa ee ay haysteen markii ay barwaaqada iyo nimcada deegaanka heleen wakaa u batey ee ay daawashadiisi ku ashqaraareen sidii ooy waligood caynkaa ahaanayaan. Kasii darane Sakadii iyo sadaqadiina ay la bakhayleen . intooda yar ee bixisaana neef uduuf ah oo uu laga samraybay sii jeed ku bixinayaan. Masaajidadii iyo salaadihii Illah