Posts

Showing posts from June, 2017

Shuban Biyood (Cholera)

Image
Shuban biyoodku waa xanuun la kala qaado kaasi oo keena shuban badan & matag halkaas oo uu qofku  ku fuuqbaxo mudo yar gudaheed lagana yaabo inay geeri dagdag ahi ku timaado haddii aan  la daaweyn. Waxa laga qaadaa biyaha ama cuntada wasakhaysan ee ay ku jirto Bakteeriyada loo yaqaano  Vibrio cholera. Xanuunkan waxa uu ka dilaacaa meelaha nadaafadoodu hoosayso, meelaha dadku ku badan yihiin, dagaalada, abaaraha iyo macaluusha . Maxaa keena shuban biyoodka Bakteeriyada aynu kor ku soo xusnay ee keenta shuban biyoodka waxa ay soo raacdaa cunada & biyaha wasakhaysan  kuwaas oo  ka yimi saxarada ama mataga qofka xanuunka qaba. Meelaha ugu badan ee laga qaadi karo waxa kamida. ·         Meelaha bulshadu biyaha ka isticmaalaan sida (Barkadaha, Ceelasha, Balliyada IWM) ·         Biyaha fadhiista wadooyinka wakhtiyada Roobabka ·         Cunooyinka dariiqyada lagu iibiyo amaba cunno kasta oo aan si fiican loo dayac tirin. ·         Khudradaha ka baxa meelaha wa