Posts

Showing posts from September, 2018

Majare-habaabinta & Muranka Xeerka Kufsiga Somaliland

Image
Hordhac Kufsigu waa xadgudub bini aadanimo oo foolxun isla jeerkaasna ay ka dhashaan cawaaqib xumooyin tira badan oo bulshada naafeeya haddii aan la xakameyn amaba cida ku kacdaa aanay marin ciqaab adag, noqda mid la iska caadeysto oo galaafta nolosha dad badan oo dhibanayaal ah. Kufsiga iyo Bulshada ku dhaqan Somaliland Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga XEER LR.78/2018 oo ay dhawaan ansixiyeen Gollayaasha Wakiilada & Guurtida JSL, saxeexayna Madaxweynaha Jamahuuriyadda Somaliland oo uu muran ba,ani ka taagnaa todobaadadii u danbeeyay. Xeerkan oo aan akhriyey dhamaan Qeybihiisa kala duwan, qodobadiisa & faqradaha ay ka kooban yihiin marka hore waan bogaadinayaa waanan soo dhaweynayaa madaama ay falalka kufsiga iyo xadgudubka jinsigu isasoo tarayaan sanadba sanadka ka danbeeya laguna xaliyo habab aan munaasab ahayn oo keenaya in lagu dhiirado in falalka caynkaasi sii kordhaan marka talaabo laga qaadi waayo dhib gaystayaasha kiisaska xadgudubyada Jinsi