Posts

Showing posts from March, 2018

Baroortu Orgiga Ka Weyn (Buuga Sooyaal)

Image
Buug qoris, daabacaad iyo faafin intaba waynu naqaanaa oo inaguma cusba hadday noqdaan kuwo Soomaali ah iyo kuwo afaf kale ahba, amaba u nidaamsan si Heer Caalami ah (International Book Standards) iyo kuwa aan u nidaamsanaynba. In badan ayeynu aragnaa, maqalnaa bandhigyo lagu furayo buugaag kala duduwan waliba 8 sanno ee u danbeeyay aad bay u soo kobcayeen buugaagta lagu qoro Afka Soomaaligu in kasta oo aanu jirin tirakoob sax ah oo lagu sameeyay tirada buugta ee Afka Soomaliga ku soo baxa sanad walba. Buugaagta, Maqaalada , filimada, gabayada iyo aragtiyahaba (Art theories) intaba waa la naqdiyaa, naqdintu  afka ingiriisida waxay ku  noqonaya (Criticizing)  oo ah in la sheego god-daloolooyinka uu buugaa, Maqaalkaa, filinkaa ama aragtidaasi leedahay. Taasi oo dad u hagarbaxay cilmina u leh arrintaasi ay u tafaxaytaan iyaga oo waliba si cilmiyaysan u qeexaya sababaha ay u aanaynayaan inuu dheeli iyo qalad kaga jirto. Aan hoos u daadago. Labadii toddobaad ee u danbeeyay waxa i