Posts

Showing posts from December, 2017

Sharciga & Cadaaladda maxaa innaga haysta!

Image
S harcigu waa hab wax lagu maamulo oo ay sameeyaan ururo bulsheed amaba dawladi, waa wax laysla garto in laysku afgarto  oo  dad iyo  duunyaba lagu kala hago. Sharcigu waa hab ilaaliya amaba u jeedadiisu tahey in ay bulsho meel kuwada dhaqan is ixtiraamto kuna noolaadaan sinaansho iyo kala danbeyn uu sharcigu dhigayo. Halka ay cadaaladu ka tahay in ay dadku u sinaadaan sharciga sida in haddii ay laba baabuur is jiidhaan in loo eego sharciga dabadeedna si aan eexasho, dhinac saaris iyo qof jeclaysi midna lahayn loogu qaado wixii qabanaya. Sharciga oo la dhawro wax badan baa ku badbaada , dadka ayaa ku kala socda waana marjic loo laabto markasta oo wax laysku af garan waayo, amaba loo baahdo in si kaleba loo adeegsado. sharciga waxa soo hoos galaya shareecada islaamka (Qur,aanka & Sunaha …) oo haddaynu dad muslim ah nahey noqonaysa ta uu Illahey (SW) inoo jideeyay, dastuurka iyo dabcan xeerarka kala duwan ee lagu hago amuuraha kala gadisan. Intaa haddaynu isla fahanay, wax