Posts

Showing posts from December, 2018

Magaalada Qadiimiga ah ee Bullo-xaar

Image
·          Bullo-xaar nabdoonaa ·          Badeeduna qurxoonaa ·          Bulshadeedu wacanaa ·          Ninkii maalin bookhdaa ·          Bilo kama go,aayee ·          Runtii wuu u bogayaa.        Maxamed Miyir (AHUN) Bullo-Xaar waa magaalo xeebeed ku taala waqooyiga Somaliland. waxa ay ka mid tahey Gobolka Saaxil, iyada oo u jirta magaalada Berbera oo ah xarunta gobolka Saaxil qiyaas ahaan 76 KM, halka ay u jirto caasimada Hargeysa   136 KM. Bullo-Xaar waa magaalo aasaasantay qarniyo ka hor iyadoo raadadkii kala duwanaa ee muujinayey ilbaxnimooyinkii iskaga danbeeyay ay kasii muuqdaan magaala xeebeedka Bullo-Xaar. Taariikhdii hore ee   magaalada Bullo-xaar Magaca Bullo-xaar oo lagu kala aragti duwan yahey halka uu ka yimi iyo sida uu ku baxay. Axmed Cali Gaydh oo kamid ahaa ardeydii wax ka baran jirtay dugsigii Bullo-xaar   wuxu yidhi “magacu wuxu ugu baxay ceelkan biyaha dhanaan ee Bullo, Bullo-xaar waxa loogu bixiyey geelu markuu qalamawdka daaqo ee