Af lagaado & Cay midna eedu kuma sama!

Hadal xumadu waa wax la liidey oo la diidey ayna fogeysay diinta islaamku, carrabka waxa lagu tilmaamay seef meesha ay seeftaasi goysana aanu dhakhtarku xitaa dhayi Karin, dadkuna way ku kala dhintaan hadal xumada iyo erayada gefka iyo gurracu ka muuqdo. Baribaa waxa layidhi gabadh baa nin ay jaar ahaayeen ceebaysay oo cid walba ku tiri hebel waa tuug, markii danbe ayey boolisku xidheen markii uu muddo jeelkii ku jirey ayay cadaatey inaan wax danbi ah oo arintaa la xidhiidha lagu hayn deedna layskasoo daayey. Dabadeed gabadhii ayaa maxkamadii looga yeedhay si danbigaa been abuurka ah loogu qaado, waxa ay ku andacootey inaaney waxba u gaysan ninka, kaliya ay wax ka sheegtay. Ninkii qaadiga ahaa oo runtii caqli u saaxiib ahaa ayaa ku yidhi orod oo gurigaagii tag dabadeed warqado soo qaad wax kasta oo aad ninkaa ka sheegtayna ku qor dabadeed jar jar oo kidif waxaadnad ku tuurtaa laamiyada, sidii ayey yeeshay xilligii balantu ahaydna way soo noqtay si ay ugu...