DHAWAAQ HAWEEN

Haweenku waa 50% ka mid ah bulshada Somaliland, haddii aanay kaba badnayn. Jeeraa lasoo maray wakhti aanay waxna qori jirin waxna akhriyi jirin oo talada iyo go’aankaba looga reebi jirey aqoon yaraan iyo aragti gaabnaan. Alle Mahadii wakhtigan la joogo Alle waa inagu simay dumarkii oo door muhiim ah ka qaadanaya waxbarashada ilaa heer jaamacadeed waliba kaga dedaal iyo karti badan in badan oo ragga ka mid ah. Tusaale kooban waxad ka dheehan kartaa ardeyda Jaamacadaha ka soo baxda sannad walba korodhka haweenka ee xag waxbarasho. Jaamacadda Hargeysa oo kali ah aynu soo qaadano labadii sannadood ee u danbeysay. 2016 guud ahaan ardeyda qalin jabiyey waxay ahaayeen tiro dhan 862 halka ay 395 ka ahaayeen haween taas oo u dhiganta 46%. Halka 2017 ay tirada guud ee ardeydu ahayd 1126 oo kala ahayd 599 rag ah iyo 527 haween ah taas oo noqonaysa 47%. Intii ka horeysayna ay kolba soo kordhaysay tiradaasi laga yaaba in ardeydii u horeysay ee ka baxda jaamacadda ...