Magaalada Qadiimiga ah ee Bullo-xaar
· Bullo-xaar nabdoonaa · Badeeduna qurxoonaa · Bulshadeedu wacanaa · Ninkii maalin bookhdaa · Bilo kama go,aayee · Runtii wuu u bogayaa. Maxamed Miyir (AHUN) Bullo-Xaar waa magaalo xeebeed ku taala waqooyiga Somaliland. waxa ay ka mid tahey Gobolka Saaxil, iyada oo u jirta magaalada Berbera oo ah xarunta gobolka Saaxil qiyaas ahaan 76 KM, halka ay u jirto caasimada Hargeysa 136 KM. Bullo-Xaar waa magaalo aasaasantay qarniyo ka hor iyadoo raadadkii kala duwanaa ee muujinayey ilbaxnimooyinkii iskaga danbeeyay ay kasii muuqdaan magaala xeebeedka Bullo-Xaar. Taariikhdii hore ee magaalada Bullo-xaar Magaca Bullo-xaar oo ...