WARAABE HILIB LAGU RARTEY (DAWLADDA HOOSE EE HARGEYSA)

Waxa sii siyaadeysa bilic xumada magaalada caasimada ah ee Hargeysa iyada oo ay barbar socoto in dakhligii dawlada hoose kordhay mudadii ay xilka la wareegeen gollaha deegaanka ee uu Mayor Soltelco gadhwadeenka ka yahey. waxa ku cad maqaalka DAKHLIGA DAWLADA HOOSE & DAYACA CAASIMADA oo uu qoray Liibaan Ismaaciil Buraale “in wadarta guud ee dakhliga dawladda hoose ee magaalada Hargeysa yahey $13,371,511,884” taasi oo u dhiganta 133,715,118,840,000 sl shilling. Tiradaasi sida ay ku timi iyo iyadoo faahfaahsanba waxaad ka akhrisan kartaa lingaxan https://www.facebook.com/liban.i.abdilahi/posts/10205202040706598 . Dakhligan oo sida ku aad ka arki karto qormada waliba celcelis ahaan halka ugu hooseysa laga soo qaatey ayaa waxa barbar socda Mashaariic kale oo ay dakhliyo dheeraad ah ka helaan sida Mashruuca UNJPLG & kuwa uu Baanka Aduunku la wado Dawladaha Hoose. haddana magaalada Hargeysi way ka qatan tahey oo ka qaawan tahey waxaasi o...