Jaceyloow Xaal Qaado

Waxbuu iloobey
“Jaceylbaa haya”.. wuu xanuusadey “Ma jaceyl baa ku helay”. Wuu yara
busaaradsadey “ ma jaceylbaaku haya”. Haddaba miskiinku ma hargab aan calaamad
laheyn baa.
Waxan maqlay hees
tidhaahda “Doqonow Jaceyloow” mid kalena “Waa nacab Jaceyl” wad oo haka qaban.
Ilmaadeerayaaloow
Jaceylku caynkaad moodeen maahaa waa bad. Maya maya, waa geed weyn oo hadhac ah
oo dhan walba laamihiisa iyo caleemihiisu u fideen. Jaceylka lamaanuhu waa jaceyl,
Nacam Billaahi, lakiin waa laan ka mida geedka waliba caleen kasii mid ah.
Jaceylkiiba inta la
buquujiyey oo koonbo yar lagu ridey uunbaa laga soo qaadey inuu yaheyba
jaceylka ka dhaxeyn kara laba ruux oo lab & dhadig ah.
Hooyadu ubadkeeda way
jeceshahay, Aabuhuna sidoo kale, Macalinku ardeydiisa waa jecelyahay iyaguna
mooji! Wadanku dadkiisa waa jecelyahay iney la wadaagaana Allaa inaga og.
Hibo Ciise Maxamed
Comments
Post a Comment