Baroortu Orgiga Ka Weyn (Buuga Sooyaal)

Buug qoris, daabacaad iyo faafin intaba waynu naqaanaa oo inaguma cusba hadday noqdaan kuwo Soomaali ah iyo kuwo afaf kale ahba, amaba u nidaamsan si Heer Caalami ah (International Book Standards) iyo kuwa aan u nidaamsanaynba. In badan ayeynu aragnaa, maqalnaa bandhigyo lagu furayo buugaag kala duduwan waliba 8 sanno ee u danbeeyay aad bay u soo kobcayeen buugaagta lagu qoro Afka Soomaaligu in kasta oo aanu jirin tirakoob sax ah oo lagu sameeyay tirada buugta ee Afka Soomaliga ku soo baxa sanad walba. Buugaagta, Maqaalada , filimada, gabayada iyo aragtiyahaba (Art theories) intaba waa la naqdiyaa, naqdintu afka ingiriisida waxay ku noqonaya (Criticizing) oo ah in la sheego god-daloolooyinka uu buugaa, Maqaalkaa, filinkaa ama aragtidaasi leedahay. Taasi oo dad u hagarbaxay cilmina u leh arrintaasi ay u tafaxaytaan iyaga oo waliba si cilmiyaysan u qeexaya sababaha ay u aanaynayaan inuu dheeli iyo qalad kaga jirto. Aan hoos u daadago. Labadii toddobaad ee u da...