Baroortu Orgiga Ka Weyn (Buuga Sooyaal)
Buug
qoris, daabacaad iyo faafin intaba waynu naqaanaa oo inaguma cusba hadday
noqdaan kuwo Soomaali ah iyo kuwo afaf kale ahba, amaba u nidaamsan si Heer
Caalami ah (International Book Standards) iyo kuwa aan u nidaamsanaynba. In
badan ayeynu aragnaa, maqalnaa bandhigyo lagu furayo buugaag kala duduwan
waliba 8 sanno ee u danbeeyay aad bay u soo kobcayeen buugaagta lagu qoro Afka
Soomaaligu in kasta oo aanu jirin tirakoob sax ah oo lagu sameeyay tirada
buugta ee Afka Soomaliga ku soo baxa sanad walba.
Buugaagta,
Maqaalada , filimada, gabayada iyo aragtiyahaba (Art theories) intaba waa la
naqdiyaa, naqdintu afka ingiriisida
waxay ku noqonaya (Criticizing) oo ah in la sheego god-daloolooyinka uu
buugaa, Maqaalkaa, filinkaa ama aragtidaasi leedahay. Taasi oo dad u hagarbaxay
cilmina u leh arrintaasi ay u tafaxaytaan iyaga oo waliba si cilmiyaysan u
qeexaya sababaha ay u aanaynayaan inuu dheeli iyo qalad kaga jirto.
Aan
hoos u daadago. Labadii toddobaad ee u danbeeyay waxa in badan soo noqnoqonayay
in la canbaraanayey buuga Sooyaal oo ka waramaya taariikhdii Sayid Maxamed
Cabdalle Xasan oo sida aan filayo Soomalida aad looga dhex garanayo sharaxaad badana aan u baahneyn,
buugaas oo uu qoray Cabdiraxamaan Cabdillahi Faarax (Guribarwaaqo) oo hadda ah
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Wacyi galinta & Daqanka. Buugaasi waxa
lasoo bandhigay oo bulshada si rasmiyana loosoo gaadhsiiyay dabayaaqadii
sanadkii 2012 oo hada laga joogo ku dhawaad lix sanno.
Buugaagtu
way kala duwan yihiin balse aynu dul istaagno buugta taariikhda ka waramaya ama
soo tabinaya wax hore u dhacey. Buugtaas sida magacoodaba laga dheehan karo waa
taariikh iyo wax tagey. Wax la saadaalinyo, wax la sawirayona maaha waa xaqiiq
dhacdey in sideeda loosoo tabiyona ay tahey. Garo,oo lama odhan inta xuna ka
taga inta sanna soo gudbiya balse waa taariikhdii ama Sooyaalkii uunbaa lagu
soo koobayaa ama ha tabnaado ama ha tognaado,e. qofka soo gudbinaya habkuu
doonaba haw soo gudbiyee (Qoraal, Hadal, Muuqaal & IWM) waxa la gudboon
inuu aad usoo hubiyo saxnaanta waxa uu umadda dhex keenayo, wixii khalad ah ee
ka yimaadana isaga/iyada ayaa u qoolan.
Buugaag
badan ayaa laga qorey Sayid Maxamed Cabdalle Xasan, buug kaliya oo dhamaystiray
Sooyaalkiisii ma jiro buug kasta in kamid ah inta uu qoraagu hadba ka gaadhey
baa lagasoo qoray, qof walbana intii aragtidiisa & aqoontiisa ah ayuu
miisaan saarey oo yidhi Sheekh buu ahaa iyo muu ahayn, mujaahid buu ahaa iyo
muu ahayn. Taasi inooma taalo haatan wakhtina ku lumin mayno.
Haddaba
buugan Sooyaal waxa ku xusan taariikh balaadhan oo uu Sayidku lahaa waliba tu
daaha lagaga faydayo dhaqamadii xumxumaa ee uu Sayidku ku kici jiray ee
wiiqayey habdhaqanka suuban ee diinta Islaamka iyo waliba erayadii gafka &
anshax darada ahaa ee uu kusoo qaadan jiray gabayadiisa badh ka mid ah. Waxa
buuga ku qoran waa run & been toona odhan maayo balse waxa ku jira tuducyo
laga soo dheegtay gabayo ay dad kale tiriyeen oo lagaga dhiidhiiyo in uu
gabyaaga Soomaliyeed meel kaga dhaco karaamada & sharafta umadda u Illahay
karaameeyay, wax aanay diinta & dhaqanka suuban ku lid ahna aanu la iman.
Taasi oo uu buugu sheegayo in qofka lagaga saari jiray gabyaanimada , isla
jeerkaasna la marin jiray xeerarkii u yaaley
cidii gefkaa la timaada. Buugu isaga oo tusaaleyaal soo qaadanaya ayuu
soo qaatey gabayo ay ka mid yihiin gabey uu tiriyey nin la odhan jiray Dhoola-yare
iyo gabay uu tiriyey Ismaaciil Mire oo tuducyadii gefka uun laga soo qaatey si
tusaale ahna meesha loo keenay ee aanay ujeedadu ahayn in iyaga la faaleeyo.
Labada
gabeyba waxa ku xusan gefaf haba kala badnaadeene, bulshadii Soomaliyeed ee
markaa dhaqnayd intii la deegaan ahayd jawaabona waa siiyeen, qaar kamid ahna
gabyaanimadii Soomaalida waa laga saarey.
Haddaba
waxa jira tuducyo ka mid ah gabay uu
tiriyey Dhoola-yare oo ah ka dadka lagu
majaro habaabinayo ee la leeyahay imika waxbaa la aflagaadeeyay. Bal aynu dul
istaagno inta uu buugu tusaalaha u soo qaatey.
Hablaha
Ciidagale saw waxaan soo hubsaday maaha
Saw
waxaan habeen & dharaar hoy la galay maaha
Saw
wuxu markay hilib arkaan soo hirmaca maaha
Saw
wuxu shantuu hugur dhaliyo haawato leh maaha
Alle
mayna leeyahay? waa marka koobaade gabeygan qoraagu tusaale ayuu usoo qaatey
isaga oo ku sheegaya sida aanay marnaba bulshada Soomaaliyeed uga raali ahayn
aflagaadada qaawan ee dadka lagula kacayo. cid baa se tirisay sababtii iyo
taariikhdii uu gabeygu kusoo baxayna way caddahay oo dadka waayeelka ah haddii
aad wareysato way ku sheegayaan madaama ay bulshadeenu tahay bulsho hadal (oral
Society) oo hadal wax iskugu tabin jirtay.
Waa marka labaade waxaa laynagu wareeriyey
hablihii Ciidagale (Qabiil Isaaqa ka tirsan) ayaa la af lagaadeeyay, waxa aynu
isla garwaaqsanahay in dadka inta san iyo inta xuniba ay qabiilo kasoo wada
jeedaan, qabiil wada xariir ah iyo qabiil wada xoor ahna aan lasoo helayn.
Qabiil qabiil looma xuma ee qof qof baa loo xunyahay, ninka gabeyga tiriyey
hablaha Ciidagale meel uu ku gaadhey iyo meel ku arkay dhamaan in aanay jirina
xoorka caanahay ka cadahay. Cabirkiisa shakhsiyeed ayaa gaf uu ku arkay hal qof
u rogtay uun qabiil dhan. Caqliga fayoobina waa ogsoonyahey in aanay arrinkaasi
wax la liqi karo aanu ahayn, waanay jirtaa oo ma cusba in fal uu qof geystay
qabiil dhan loo eedeeyo sooyaalka gabeyada Soomalida waa laga soo helayaa.
Haddaba
weydiimaha yaalaa waxay yihiin buuga 2012kii la furay ee lasoo bandhigay maanta
oo 2018 la joogo maxaa loosoo hadal hayaa? Tuducyada aan wax alla wax ay ku
fadhiyaan jirin (waayo waa wax tagey, wax tageyna tiigsimaad maleh) maxaa loo
buunbuuniyaa? Waa maxey u jeedada dhabta ah ee ka danbaysa arrintan?.
Maanta
oo la joogo 2018 Qoraaga Buugu waxa u hayaa xil qaranka Jamhuuriyada
Somaalilaan, waxa lagu xasuustay ee loo buunbuuniyay buuga 2012 kii la soo
bandhigay dhawr arrimood uun bay salka ku haysaa
1.
Shakhsiyaad
danahooda gaar ahaaneed iyo cuqdada haysa uga faa,iideystay wax aan sal &
raad toona laheyn oo ay raganimadooda kusoo dhacsan kari waayeen.
2.
In
ay yihiin dad iska jecel xajiimaynta & xagxagashada dadka marka ay
saluugaan qofku meeqaam uu gadhey waa sidey aaminsanyihiine.
3.
In
cida arrinkan ka danbeysaa ay ka dharagsan tahey in in badan oo bulshadeena ka
mid ah aanay ka fiirsi iyo is qabasho lahayn ee wixii dhagta loogu rido ay la
yaacaan.
Ujeedada
dhabta ah ee ka danbaysaa waa in qoraaga buuga sharaftiisa dhulka la jiido,
balse taasi wax saameyn ah ku yeelan mayso. dheemanta haddii dhoobo lagu
walaaqo way dhalaashaa uun. Qofku haddii uuna ku tilmaamnayn waxa laga sheegayo
ayaamo hala hadal hayo balse wax alaala wax ay udhimayso ayaan jirin.
Qabiilka
Ciida-gale waxa ku jira Hooyooyin sharaf & karaamo leh, Hablo haybad &
wanaag leh, Rag Halyeyo ah iyo kuwo Aftahan ku ah sugaanta Soomalida si lamida
qabiilada kale ee Soomaaliyeed ixtiraam & maamuus baanay mudan yihiin sida
ay cid kasta u mudan tahey intan yar ee meesha ku qoranina wax ala wax ay ka
badaleyso qof meeqaamkii ma jirto ee hala kaadsho.
Cabdiraxmaan
C. Guribarwaaqo wallow aanan aqoon dheer u laheyn haddana waxa uu ii ahaa bare,
mudadii koobnayd ee aan ardeygiisa ahaa kumaan maqlin isaga oo aflagaadada
dadka iyo wax kasheegooda soo hadal qaaday, waa qof ixtiraamka & wanaaga
yaqaana oo aad ka nabed galaysid.
ALLAA-MAHAD-LEH
W/Q Hibo Ciise Maxamed
Hibo-Fakhir, Allah caqliga io cimrigaba ha kuu barakeyo. Warcelinta quruxbadan ee cilmiga ku fadhida ee aad ku iftiimisey. Jazaka Allah.
ReplyDeletezaki
Hibo Ciise,
ReplyDeleteMaqaalkan oo ka akhristay hadhwanaagnews aad buu ii cajab geliyey caqliga wanaagsan, indheer-garadnimada iyo aqoonyannimada ka muuqata. Arrintani waxay muujisay sida ay yihiin dadka Somalidu in wixii dhegta loogu sheego iyagoon hubin la qaylinayaan. Waxa hore khaatiyaan laga taagnaa sida suldaanada iyo oday dhaqameedka sidii caqli xumada ahayd ee 8dii sano ee u dambeeyey shaashadda uga soo muuqanayeen. Shaashaddan la soo fadhiisanayo ee wixii la doono lagu hadlayo waxa door wayn ku leh Telefeshadan batay ee dadka ka shaqaynayaa ayna lahayn tayo ay ku sameeyaan barnaamijyo wax ku ool ah. Marka camarada iyo makrafoonka uumbay la ordayaan oo wax hadla uun raadinayaan iyagoon xataa hal suaal ah waydiinayn. Guri barwaaqo waakan ah wasiirkii saxaafaddee wax ha ka qabto fooddadan (tv's) dalka wareerisay
Jisaa kalaahu khayraa
ReplyDeleteReally Good Work Done By You...However, stopping by with great quality writing, it's hard to see any good blog today.
ReplyDeleteIncrack
cracksoftwarefreedownload.com
Anni Crack
Navicat Premium Crack