Dawladdaha Hoose ee Soomaalilaan
Muwaadin
aqoon intee le,eg baad u leedahay dawladda hoose ee degmadaada? Waa maxay
xidhiidhka idinka dhexeeyaa? Waa maxey waajibaadka ay tahey iney kasoo baxaan
xildhibaanada dawladda hoose ee Degmadaadu? Maxaa adiga kugu waajib ah si ay u
shaqeyso dawladda Hoose ee magaaladaadu? Ma taqaanaa shaqada Duqa(Mayor)/ku
xigeenkiisa, Xoghayhaha, Guddiga fulinta, Guddiga Joogtada ah & guud
ahaanba xildhibaanada Gollaha Deegaanku? Ma taqaanaa adeegyada loo baahan yahay
inay qabato dawladda hoose ee Degmadaadu? Haddii aad saluugto wax qabadka
xildhibaanadii aad soo dooratey awoodaada maku kala diri kartaa? Wali ina dib
ma u eegtay xeerarka la xidhiidha Dawladaha Hoose si cilmiyeysana ma ugu
dabaqday waaqaca jira? Horumar intee le,eg bay ku talaabsatey degmadaadu
tobankii (10) sanadood ee u danbeeyay?
Madaama
ay inagu soo socdaan doorashooyin ay ku jirto doorashada golayaasha deegaanadu.
Waa muhiim in aad jawaabo u hayso su,aalahaa oo aad markasta xaalada aad ku
sugantahay adiga, qoyskaaga iyo deegaankaagu aad ku miisaanto.
Bulshada
Soomaalilaan waxay u badan tahay bulsho dhag kaliya wax ka maqasha ,
dhagtaasina waa dhagta dhanka qabiilka xigta, waa meel aynu ka damqano meesha
ugu nugul. Lawaa in aynu si balaadhan wax u eegno, iinta taa inoo dheerina
waxay tahay fiirsasho la,aan iyo fahan gaabni ay inoo raacdey tixraac la,aan oo
aan ula jeedo in aynu hore u ahayn bulsho hadal (oral society) cilmigii iyo
ilbaxnimadiina aanay waxba inaga badelin. Oo kii wax bartey iyo kii miyiga
xoolaha ku raacayey ee aan aqoon diineed
& tu duunyo toona hayn ay isku si wax u arkayaan una naqdinayaan.
muddo
27 sannadood ah baynu sidaa ahayn ilaa aynu wiiqnay hanaankii dawladnimo oo
aynu sharcigii kufsanay. wax horumara oo la taaban karo na aynaan ku talaabsan. Siyaasigaad kursi
saartaan idinkoo malaayiin qof ah muxuu idinku soo celin karaa? sideese ula
xisaabtami kartaan?.
Golle Deegaan muxuu yahey? Waa Golle degmo
laga soo doortay. Tusaale Caasimada Hargeysi waxay leedahay shan & labaatan
(25) xildhibaan oo ay sida xeerku
dhigayo tahey in ay soo doortaan dadka deegaanka u ah caasimada maadama ay
yihiin dadkii matalayey bulshada ku dhaqan Degmadaa. Hanaanka saxda ah ee loo
dooran lahaa waxay ahayd in degmo kastaa sida Axmed-Dhagax ay tiro xildhibaano
ah soo xulato iyada oo shuruuda koobaad ay tahay in ay shanta ama afarta
xaafadood ee degmadaa kala degan yihiin
kana soo toosaan. Si ay dadka degmadaasi baahiyahooda si fudud ugu gudbin
karaan dabadeena si fudud cabashooyinkooda kalfadhiyada loogu gudbiyo.
Halkay
saa ka ahayd baynu inagu ka dhignay in xildhibaan degan xaafada Maslaha ay u
codeeyaan 100 qof oo ka kala yimi Naas-Abaarso, 150ka, Siinaay, Laanta Hawada,
Daami iyo meelo kaloo badan. Iyada oo lagu soo yidhi haloo kaco waa ina Hebel.
Hadda garo,oo isna dadka kaama yaqaan.
Waxay
ahayd in ku dhawaad soddomeeyahaa sannadood (30 sannadood) ay wax la taaban
karo qabsoomaan. Dhakhtar inooma kordhin “ganacsiyada gaarka loo leeyahay ka
hadli maayo”, iskuul inooma kordhin, waddooyin inooma kordhin, biyo ha sheegin,
Nalka isaga hadalkiisa daa. Hadday kordheena waxay ku kordheen waa
mucaawimooyinka shiisheeye oo leh hab xisaabeed mashaariicdooda lagu bixiyo
kuna khasban yihiin gollaha deegaanka ee degmadu inay soo gudbiyaan xisaab
celin. Kuwaasi oo aan baahiyaha
bulshadeenu dhinacna kaga dhaceyn.
Miisaaniyada
dawlada Dhexe iyo dakhligeedaba waa la shaaciyaa sidii la doonaba haloo kharashgareeyee balse xogta dawladaha
Hoose ee Somaliland aad bay u adagtahay in si fudud loo helo tu maaliyadeed iyo
miisaaniyadeedna kaba sii daran.
Dawladaha
Hoose waa muraayada laga daawado dawladda idilkeedba, horumarka dhaqan-dhaqaale
& Siyaasadeed ee wadan waxa uu kasoo bilaabmaa habka & hanaanka loo
horumariyo deegaanadeeda, siyaasadaha loo dajiyo iyo siday u hirgalaan. Waa lagama maarmaan in uu jiro tiir weyn oo
isku xidha dawladda dhexe iyo Dawladdaha
Hoose si loola socdo dhaqdhaqaaqyada horumar & dib udhac ee ay hayaan dawladdaha hoose ee Deegaanadu. Tiirka
u dhaxeeya imika waxa weeyaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo masuuliyadeeda
koobaad tahey sugida Aminiga.
Sidoo
kale ka bulsho ahaan waa in aynu keenaa hab xisaabtankii dawladaha hoose iyo
bulshada inta aan doorashoba laysla gaadhin. Durtaba wataa laysla dhex yaacayo
reer hebel baa meel ku shiraya oo musharaxoodii Gollaha Deegaanka iska soo dhex
saaraya iyagoo damacsan in ay lugooyada ay hayn kari waayaan nagu soo daayaan.
Sidoo kale waxaynu aragnaa dhalin badan oo baraha bulshada ka iclaaminaya inay
musharixiin yihiin. Timirtii horeba dab loo waa. In aynu halkeenii uun dib
ugasii noqono iyo in aynu hore u talaabsano ka bulsho ahaan innaga ayaa isku
hayna.
Haddaba
aynu isku dayno inaynu su,aalaha kor ku xusnan iyo jawaabo u helno inaga oo la
kaashanayna xeerarka aynu dhiganay bulsho ahaan.
Dastuurka
qaranka JSL iyo xeerarka ka sii farcama oo uu ugu balaadhan yahey xeerka
ismaamulka Gobollada & Degmooyinka JSL Xeer Lam 23 waxa ay si fiican
u qeexayaan dhamaanba su,aalaha kor ku xusan. Qodobada muhiimka ah uunbay
halkan ku taaban doonaa balse waxaa iga soo jeedin ah in la akhriyo dadkuna
isku baraarujiyaan in ay ogaadaan xeerarka & shuruucda dalka guud ahaan.
QODOBKA
19’aad ee xeerka ismaamulka gobollada & degmooyinku waxa uu qeexayaa habka
& Hanaanka DOORASHADA MUDANAYAASHA
Gollaha deegaanka
1.
Doorashada Mudanayaasha Goboladda iyo Degmooyinka JSL waxa lagu dhaqayaa Xeerka
Doorashooyinka Ee markaas dhaqan galka ah.
2.
Golayaasha Deegaamadu xil gudashadoodu waa tabaruc mana yeelanayaan hawl
maalmeed joogto ah marka laga reebo Guddiga Fulinta iyo guddida joogatada ah.
3.
Golayaasha Deegaanku waxay ku iman doonaan Tartan doorashooyin Ee Nidaamka
Saddexda Xisbi Qaran Ee loolanka Golayaasha Deegaanka.
QODOBKA
21’aad ee xeerkanina waxa uu qeexayaa WAAJIBAADKA MUDANAHA.
1.
Mudanaha la doortay waxaa ku waajibay u feejignaanta iyo la socodka baahida iyo
tabashada dadweynaha, Xilna ka saaran yahay inuu u soo gudbiyo Golaha Deegaanka
ee uu ka tirsan yahay
2.
Wacyigelinta iyo xidhiidhinta dadweynaha asaga oo ku hanuuninaya kaalinta ay
kaga jiraan horumarinta Deegaankooda.
3.
Inuu hormood ka noqdo, Horseed, abaabulo arrimaha daryeelka iyo horumarinta
Bulshada sida Caafimaadka waxbarashada, Biyaha, Laydhka, Nadaafadda Guud I.W.M.
4.
Inuu si daacadnimo, Xilkasnimo iyo wadaniyad leh u fuliyo waajibaadka iyo xilka
ka saran xubinimada Golaha Deegaanka.
QODOBKA
22’aad waxa uu taabanayaa DIIWAANGALINTA HANTIDA MUDANAYAASHA si hadhaw marka wakhtigii la doortay ka dhamaado
ama eedi timaado loo barbar dhigo hantida ay markaa haystaan.
1.
Mudanuhu, wuxuu bil gudaheed marka la doorto, ku diiwaangelinayaa hantida uu
leeyahay mood iyo noolba.
2.
Xoghayaha Fulintu wuxuu samaynayaa, ilaalinayaa, kaydinayaa diiwaanka hantida
mudanayaasha.
QODOBKA
25’aad oo qeexaya SHURUUDAHA WAAYIDDA XUBINIMADA MUDANAHA
Shuruudaha ka reeban laguna waayi karo
xubinimada Golaha Degmada
waxaa
ka mid ah hadduu: -
1.
Xubinta Geeri ku timaado ama xannuun suurtagalin waaya gudashada xilkiisa oo
Guddiga Dhakhaatiirta Gobolku caddayso.
2.
Istiqaalad qoraal ah keeno, iskiisna shaqada uga tago, Goluhuna oggolaado.
3.
Shuruud ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay haddii ay burto.
4. U
hoggaansami waayo ama uu jabiyo Xeer Hoosaadka Golaha Degmada, Goluhuna ku
ansixiyo kala badh mid lagu daray tirada Guud.
5. U
ololeeyo ka faa’iidaysi dan gaar ahaaneed xubinimadiisa.
6.
Caadaysto lunsi hanti qaran, laaluush, eex, Qabyaalad iyo qaraabo kiil.
7.
Abuurid ama ka qayb qaadasho hawlo lid ku ah Nabadgelyada iyo Xasiloonida
qaranka.
8.
Ka maqanaado Golaha (10) toban fadhi oo isku xiga Sabab la’aan.
9.
Ku dhaco xukun Ciqaabeed oo Kama dambays ah oo Maxkamadeed.
10.
Haddii ay ku cadaato Lana Xaqiijiyo inuu Xil kale oo Qaran hayo.
11.
Haddii uu la yimaado anshax xumo diineed ama mid dhaqan
QODOBKA
29’aad oo loo cuskanayo markii ay timaado in LA KALA DIRO KARO GOLAHA.
1.
Marka ay (3) kalfadhi oo is xiga sabab la’aan, Degmooyinka Darajada “A” & “B”
fadhiyadoodu u qabsoomi waayaan. Degmooyinka Darajooyinka C, & D hadii 4
Kalfadhi oo isku xiga sabab la’aan u qabsoomi waayaan.
2.
Marka ay (1/3) xubnaha Goluhu soo jeediyaan (2/3) Na ansixiyaan.
3.
Marka Guddi qaran oo gaara ah oo madax banana oo madaxweynuhu u magacaabay
xilka kala diridda ay soo baadhaan gefafka dhacay ee lidka ku ah
xilgudashadooda warbixin iyo talooyin cadna ka keenaan.
4.Marka
dadweynihii soo doortay ee Degmooyinka Darajada “A” (5,000) Shan Kun oo Qof
Maxkamadda Gobolka iska diiwan galiyaan kuna hor saxeexaan, soona jeediyaan in
la kala diro Golaha sidoo kale Degmooyinka Darajooyinka “B” “C” & “D” na
waa 2000 oo Qof.
5.
Dadweynaha soo jeedinaaya Codsiga kala dirida wax u shardi ah inay deggan
yihiin Degmada kana diiwaan gashan yihiin, isla markaana buuxiyaan shuruudaha
Codeynta Ee sharciga doorashooyinku jideeyeen.
6.
Marka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guduhu uu ku qanco, hubiyana xaqiijinta inay
jebiyeen ama ay ku sifoobeen Arrimaha ku xusan Qodobkan Ee sababta kala dirida
Golaha, wuxuu Wasiirku Awood u leeyahay, in uu soo jeediyo kala dirida Golaha, una gudbiyo
Madaxweynaha oo leh Awoodda kama dambaysta ah ee kala diridooda, iyada oo loo
marayo maxakammadda awooda u leh kala diridooda ee Heer gobol.
QODOBKA
36’aad oo tilmaamaya XILKA & MAS,UULIYADA GOLAHA DEEGAANKA
1.
Golaha Deegaanka wuxuu awood buuxda u leeyahay hawl kasta oo ka mid ah kuwa
lagu tilmaamay qodobkan oo looga fadhiyo ka midho dhalintiisa ee ku jira xadka
Degmadooda, sida:
a)
Xoojinta iyo kor u qaadista Nabadda, deganaanshaha, kala dambaynta iyo
wanaajinta xukunka Dawliga ah.
b)
Kobcinta iyo kor u qaadista dhaqaalaha. Xeerka
Goboladda Iyo Degmooyinka lab.23/2003_ Dib2 Nov. 2006(MHK/AAK) 19
c)
Kobcinta iyo kor u qaadista Arrimaha Bulshada, sida waxbarashada, Caafimaadka,
Biyaha, Laydhka, Nadaafadda I.W.M.
d)
Wax ka qabadka iyo hagaajinta deegaanka, Dhiraynta, Xoolaha iyo fulinta Awoodda
kaabayaasha dhaqaalaha I.W.M.
e)
Aasaasida suuqyo badeeco, xoolaha iyo Kaluunka
f)
Kormeerka dhismooyinka cusub, kuwa la cusboonaysiinayo iyo kuwa u baahan in la
dumiyo.
g)
Ka hor tagga dhibaatada abaarta, duufaanada, dabka halista ah iyo dhibaato
kasta oo wax u dhimi karta dadweynaha .
h)
Daad guraynta dadweynaha hadii aafo dhacdo.
i)
Diyaarinta iyo fulinta barnaamijyada iyo Mashaariicda horumarineed.
j)
Horumarinta Fank, Isboortiga iyo Suugaanta.
k)
Dhismo goobo biyood oo magaalooyinka iyo tuulooyinka dhexdooda ah.
l)
Samaynta iyo dayac tirka wadooyinka.
m)
Soo jeedinta iyo codsiga wax ka beddalka iyo habaynta Naqshadda magaalooyinka
Degmadu ka kooban tahay.
n)
Diiwaan gelinta dadweynaha Degmada.
o)
Diwaan galinta hantida ma guurtada ah ee dadweynaha
Degmada ku nool iyo tan Dawladaba.
p) Habaynta iyo aasaasida goobo ganacsiga iyo
farsamo oo loogu danaynaayo dadweynaha.
q) Noolaynta Shacaa’iirta Islaamiga ah,
wadaniga iyo Caalamiga.
r)
Diyaarinta iyo oggolaanshaha dib u eegista Miisaaniyadda D/Hoose.
s)
Daryeelka Horumarinta Miyiga iyo dhiirigelinta wax soo Saarka iyo abaabulidda
t) Dhiirigelinta Mashaariicda isku tashiga
Bulshada.
u)
Habaynta Hawlaha aaska ( Qubuuraha ) astaynta dhulka Qabuuraha.
v)
Samayn goobo nasasho, wax akhris iyo Daawasho.
w)
Isku dheeli tirka baahida shaqo xadaynta, qorshaynta iyo jaangoynya shaqaalaha
ka hawl gelaya waaxyaha D/Hoose, iyadoo laga duulayo hadba heerka shaqaale iyo
Darajada Degmo kasta.
x)
Ilaalinta iyo Daryeelka Goobaha taariikhiga ah.
y)
Dhiiri galinta Madax Banaanaynta (Privatisation) iyo maal galinta wadjireed (
Joint Venture) ee dawlada iyo shirkadaha gaarka ah ee adeegyada Bulshada sida
Biyaha, Nalka Iwm.
Qodobadan
aynu soo qaadanay oo ah kuwo aad u taabanaya bulshada Somaalilaan waxa loo
baahan yahey in aynu si cilmiyaysan u dhuuxno dabadeedna aynu qaadno
talaabooyinka haboon ee ay tahey in la qaado si aynu uga raysano cabashadan iyo
kadeedkan taagan ee aynu haddana inagu gacmaheena ku wadano.
Magaalada
Hargeysa oo ah caasimada Jamhuuriyadda Somaalilaan waxaad aad ku arkaysaa
qashinka iyo uskaga rasaysan laamiyada halbawlayaasha ee dhex mara. Sidoo kale
marka ay roobabku da,aan wadooyinku badanaa way go,aan oo ciid iyo dhagaxaan
baa qariya amaba godad baa ka dilaaca kuwaasi oo hakiya isku socodka gaadiidka
magaalada dhexdeeda taasi oo ay ahayd in ay dawladda hoose aad uga shaqeyso una
feejignaato.
Sawiradana
waa sawiro laga qaadey laamayada magaalada Hargeysa. Ishaa macalina!
W/Q: Hibo Ciise Maxamed
hibafaakhir@gmail.com
Wad ku mahadsatahay maqaalkii aad ku bandhigtay waxqabad la'aanta dawladaha hoose JSL.Xildhibaanada golaha degaanada waxa meesha keenay xisbiyo.Ninka xildhibaanka ah waxa uu adeegayaa madaxda sare ee xisbiyada.Dadweynaaha soo doortay , xaggiisa, waxa ka soo qaad ma laha.Dhammaan waa dad aqoontoodu aad u hoosaysa.Faragelin qaawan waxa ku haysa dawlada dhexe.
ReplyDeleteHargeisa, ma u baahan tahay inay yeelato 25 xildhibaan? Dahkliga soo gala iyaga baa mushahar ka dhigta, inta kale way xadaan. Tusaale ahaan, faraqa u dhaxeeya nolosha xildhibaanada hadda iyo ka kor inta ay xilka qaban isku eeg. Mayorka Hargeisa iyo ku-xigeenkiisa daarahan ay dhisteen xaggee bay ka keeneen? Waa lacagtii dadka.
Hargeisa waa caasiamada keliya dunida aan lahayn "traffic lights". Sidee bay ku dhacday ?
Mogaaladu ma laha City Enigneer iyo planners oo qorshe u sameeya magaalada.
Waxa loo baahan yahay wacyigelin sidii lagula dagaalami musuqmaasuqan dhaqanka laga dhigtay. Madaxdii ugu saraysay wadankana ay raali ka yihiin boobka xoolaha dadweynaha.
Hibo, waa ku mahadsanatahy maqaalkii aad soo qortay. Hawsha wacan halkaas ka sii wad.