Doorka Haweenka & duruufaha ku xeeran
Qormadan waxa aan kaga hadli
doonaa haddii Eebe Idmo haweenka & kaalinta ay ku leeyihiin horumarka bulshada ee dhaqan
dhaqaale, siyaasadeed iyo tariikh kooban oo si guud uga warameysa haweenka
& ka qayb qaadashada dhisida bulsho. sidoo kale waxa aynu hoos u sii eegi
doonaa Haweenka & sidii ay uga qayb qaateen fidinta diinta Islaamka &
arrimo kale oo muhiim ahaa wakhtigii Rasuulka (NNKH) madaama aynu nahey umad
99% Muslim ah oo ay mar walba tahey in aynu qaadno dariiqii suubanaheena &
asxaabtiisii. Intaa ka dib waxa aynu u jeedsan doonaa haweenka Soomaaliyeed
doorka ay ku leeyihiin bulshada guud ahaan
iyo kaalinta ay bulshada ugu jiraan uguna jireen wakhtiyadii inasoo
maray.
Aadame markii la leeyahay ama dad waa laba qolo uun waa Rag iyo
Dumar. Diinta, diirka iyo deegaanka haku kala gadisnaadaan balse labadaa wax
aan ahayn oo dad ka kooban yahey soo heli maysid. Haddii aynu dib u raacno
sidii ay ku yimaadeen Alle (SW) ayaa labadaba abuuray; iyada oo ay ka
bilaabmeen Adan & Xaawa. Labadooda oo wada jira ayey dadku kasii beermeen.
Habka & hanaanka dhalashada marka aynu eegno labadaba waxa caloosha lagu
sidaa sagaal (9) bilood oo ah sidka Aadmaha.
Aan hoos u daadago, aduunka taariikhdiisa soo jireen ka ah, ta
casriga ah, inta horumar sheegata iyo in
dunida saddexaad lagu sheegaba waxa ay
ka siman yihiin in Raggu taariikhda hogaanka nabi Aadan aynu ka bilawnee iyagu dadka u
hayeen. Xikmadaha Illaheyna waxaynu aragnaa in dhamaan Nabiyadii uu ummadihii
kala duwanaa u soo diray ay wada ahaayeen Rag oo aynaan maqal gabadh nabiyad ah.
Iyada oo taasi jirta haddana waxa taariikhda aduunka oo dabcan
aanay Islaamkuna ka maqnayn lagu hayaa Dumar taariikhda baal dahaba ka galay oo
hadday noqoto talin ama maamul, dagaal galid & taakuleyn bulsheedba. ha
noqoto dhan cilmi & dhan xirfadeedba kaalin mug leh ka hantiyey. Sida oo
kale iyana waxa barbar socota taariikhdii madoobayd ee ay haweenku soo mareen
guud ahaan ka hor soo if bixii diinta Islaamka. Waxa jiray oo la soo maray wakhti laga xanaaqi
jiray dhalashada hablaha oo qofkii gabadhi u dhalataa uu aasi jiray amaba uu
aad uga murugoon jiray, waxa jiray oo lasoo maray wakhti aanay dhaxalka waxba
ku lahayn. Waxa jiray oo lasoo maray wakhti la adoosan jiray oo ay qaban jireen
hawlo aanay tamar & taag toona u hayn haddana ay ku qasbanaayeen in ay
qabtaan oonay jirin cid uga garaabaysaa.
Soo if bixii diinta Islaamka ka dib waxa meesha ka baxay waxyaabo
badan oo ay diintu iftiimisay iyada oo
la raacayo Quraanka, axaadiistii Nabiga (NNKH) & sunada. Waxa ku cad
quraanka in ubadka Alle (SW) bixiyo Lab/Dhadig labadaba cida uu doonana ka uu
doono ku arsaaqo. in ubadka gabi ahaan la dilaana ay tahey danbi. Sidoo kale waxa ay diinta Islaamku haweenka
siisay xuquuqda waxbarashada iyo dhaxalka waxaa iyana meesha ka maqnayn
xuquuqda guurka iyada oo gabadha la siiyay fursada ah in ay ogolaato cida
guursanaysa sidoo kale waxa uu quraanku xadiday tirada u badan ee uu ninku guursan karo oo afar ah iyada oo waliba
lagu sii xidhay shardiga ah in loo cadaalad sameeyo. madaama wakhtiyadii hore
jireen Rag haween tiro badan guursanaya oo runtii ahayd caqabad bulsheed. Waxaan
iyana meesha ka maqnayn xuquuqda furniinka oo ay Raggu leeyihiin lakiin
dumarkuna ay dalban karaan oo loo tix galinayo duruufaha ay sheegaan.
halka haweenka kasoo jeeda qawmiyadaha aan diinta islaamka haysan
ay halgan ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqaha aas aasiga ah ee ay
leeyihiin sida ku cad halganka dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka oo aad u soo
xoogaystay dagaalkii kowaad & Labaad
ee aduunka, Kadib markii ay u dul qaadan waayeen duruufaha adag ee xaga nolosha
kasoo wajahay iyo iyaga oo ku khasbanaaday in ay shaqo tagaan ka dib markii ay
rag badani ku dhinteen dagaaladaa socday oo caruuro badani ku agoomoobeen
dumarkiina ay khasab ku noqotay in ay
ubadka quudiyaan.
Sooyaal kooban Haweenka & Maamulka
Marka aynu eegayno guud ahaan aduunka dhaqamadiisa kala duwan &
wakhtiyadii lasoo maray ee kala duwanaa waxa jira haween boqorado ama madax soo
noqday oo waliba barwaaqo & badhaadhe gaadhsiiyey bulshadii ay xilka u
hayeen. Bal aynu in ka mid ah soo qaadano.
Balqiisa
Aynu ku horeyno dhanka Quraanka kariim ka ah, gabadhii Balqiisa la
odhan jiray ee qoomkii cadceeda caabudi jiray u talin jirtay wakhtigii Nabi
Suleymaan (NKH). Balqiisi sida qisadeeda ka muuqata waxay ahayd gabadh aad u
caqli badan, caqli badnaanteeduna waa ta keentay in ay rumeyso yeedhmadii Nabi
Suleymaan kadib dood & cadeymo dhex maray iyo waliba jirabkii ay marisay
Nabi Suleymaan.
Amina, Boqoradii Nayjeeriya 1560-1610
Amina waxa ay soo maamushay Nayjeeriyada waqooyi xili ay duruufo
adag jireen waxay soo noqotay hogaamiye Milatari oo weyn waxa ay hor kacaysay
xeelado dagaal galin oo ay dadkeedu aad ugaga reeyeen cadawgoodii sidoo kalena
waxay kor u qaaday dhaqaalihii wadanka ay maamulaysay mudadii ay xilka haysay.
Golda Meir, Raysal wasaarihii Israa,iil 1898-1978
Golda waxa ay kasoo qabatay dawladda Israa,iil xilal badan oo
muhiim ah oo ay kamid ahaayeen wasiirka Shaqaalaha & wasiirka Arrimaha
Dibadda, waxaanay ahayd xubin fir fircoon ilaa loo doortay Raysal wasaare
sanadkii 1969.
Indira Gandhi 1917-1984
Indira sida ay taariikhdu sheegayso waa Ra,iisal Wasaarihii u
horeeyay ee dhadig ahaa ee ay Hindiya yeelato. Iyada oo mudo badan ku soo dhex
jirtay arrimaha siyaasadda iyada oo loo doortay Ra,iisal wasaare 1966 kii. Mar
labaadna ay isku soo sharaxday oo ay ku guulaysatay in ay noqoto Ra,iisal
wasaarahaa wadankaa.
Margaret Thatcher, Ra,iisal Wasaare England 1925
Margaret waxay ahayd Ra,iisal wasaarihii ugu horeeyay ee dhadig ah
ee dawlada Britain yeelato.
Margaret waxa ay markii u
horeysay soo gasha Baarlamaanka 1959,
waxaana loo doortay in ay noqoto hogaamiyaha xisbiga (Conservative) ka sanadkii
1974kii iyada oo xisbiga ay hogaanka u haysay guuleystay 1979kii. xilkaana
haysay muddo ku siman 10 sanadood.
Benazir Bhuto, Ra,iisal Wasaare Pakistan 1953-2007
Benazir Bhuto waa Ra,iisal Wasaarihii u horeeyay ee uu yeesho wadan
Muslim ah. waxa ay qeyb weyn ka qaadatay in ay Pakistan ka guurto nadaamka kali
taliska oo ay u guurto nadaamka dimuqraadiga ah. Waxa ay Ra,iisal Wasaare
noqotay sanadkii 1988 kii iyadoo oo kor u qaaday arrimaha bulshada aadna ugu
ololaysay xuquuqda la lunsaday ee haweenka.
Hilary Clinton 1947- USA
Hilary oo ah musharaxii u danbeeyay ee xisbiga Dimuqraadiga kuna
dhawaatey in ay guuleysato, sidoo kalena waxay ahayd xoghayaha guud ee aqalka
cad ee Maraykanka 2009 ilaa 2013. Waxa ay aad uga qayb qaadatay halgan dheerna
usoo gashay ololaha haweenka & in ay siyaasada soo galaan.
Intani waa tusaalayaal kooban, haweenka taariikhda aduunka wax ka
badelyna qoraalkan & ku kale oo ka dheer toona kusoo koobi kari mayno, oo
waa lafdhabarta bulshada waa Hooyo, waa Walaal, waa Oori, waa Inan. Nolosha
dhinac kasta oo laga istaago waa hubaal in aad looga arkayo. Inta ay taariikhdu
xustayna anigu waxan qabaa in ay ka badan yihiin inta aan la xusin.
cidii faahfaahin dheeraad ah iyo xog intaa kasii badan u baahan
lingaxyada hoose ayay kasii heli kartaa
Doorkii Haweenku ka qaateen soo if bixii diinta Islaamka
haweenku sida ay bulshadaba laf dhabar ugu yihiin ayey uga muuqdaan
dhamaan arrimaha bulshooyinka saameeya, soo if bixii diinta Islaamku waxa uu
soo maray marxalado kala duwan iyada oo ay jireen caqabado badan oo qabsaday
Rasuulka (NNKH) markii u bilaabay fidinta yeedhmada xaqa ah. Haweenku door aan la ilaabi Karin bay kasoo
qaateen. Waxaynu soo qaadan doonaa dhawr tusaale oo koobkooban.
Khadiija Bintu Khuwaylid waxa
la sheegaa in ay tahay qofkii u horeeyay ee rumeeyay diinta Islaamka, Rasuulka
(NNKH) dabadii sidoo kalana ay u ahayd garab & gaashaan weyn subanaheenii
ka dib markii ay tolkii beeniyeen isla jeerkaasna caydhiyeen.
Caa,isha Bintu Abi Bakar
waxa ay ahayd qofkii labaad ee soo wariyey axaadiista u badan ee Rasuulka
(NNKH). Sidoo kale waxa ay ahayd macalimad loo daba fadhiisto arrimaha diinta
iyada oo ka qeyb qaadatay arrimaha siyaasada wakhtiyadii Khilaafadii Cusmaan
& Cali.
Xafsa Bintu Cumar
waxay ahayd qofkii u horeeyay ee loo dhiibay nuqul kii u horeeyay ee Qur,aanka
lagu ururiyey si ay u ilaaliso.
Aynu ku soo gabagabayno Sumayah bintu Khayat oo ahayd naf
hurihii u horeeyay ee diinta Islaamka. Waa qofkii u horeeyay ee loo dilay
sababta ah yeedhmadii Nabiga (NNKH) ayay rumeysay.
Intaa yar ee kooban haddaynu ku dayno, aynu usoo noqono qowmiyada
Soomaalida iyo haweenku heerka ay ka taagan yihiin.
Dhaqanka Somaalida & Haweenka
Dhaqankii Soomaalida & taariikhda marka aynu dib u raacno waxa
aad inoogu cadaanaysa in aynu kasoo jeedno dad lahaa dhaqan adag oo haybsooca
haweenka. haweenku waxay ahaayeen kuwo aad ugu dhib qabay bulshada waxa jirtay
eex ay Ragga Somaalidu ka galeen haweenka oo badanayd. Waxa laysla garwaaqsanaa
in ay gabadhu ka mid tahey hantida uu reerku leeyahay sida Xoolaha & Agabka
kale kana hooseyso raga.
Waxaa uu dhaqanku dhigay xeerar & xakamayaal dhalanteed ah oo
ay kamid ahaayeen Cunnada inta ay u
gartaan in ay wanaagsan tahey way ka mamnuuceen amaba waxa la odhan jirey
dumarku ma gayaan tusaale hilibka halkaa ku yaal & ka halkaa ku yaal
dumarku ma cunaan & waxyaabo la halmaala,. sidoo kale dhaqamada liitey ee
la adeegsan jiray waxa ka mid ahayd in la yidhaa ha sugaan hanbada raga oo
runtii aniga iila muuqata nusqaan weyn oo uu dhaqankeenu lahaa.
Waxa ay raggu ka dhigteen badeeco lagu khamaaro oo odey 100 jirkii
maalini uga hadhay ayaa uu odey kale inantiisa oo 13 jir ah xaal u siin jiray
amaba xoolo kaga badelan jiray. Waxaa iyana
jirtay in ninku ad-adayg iyo geesinimo isku bidi jirey in uu ooridiisa
ka khashaafo oo reeerkiisa ku qalafsanaado. Waxa laga dhigi jirey godob reeb oo
dhan marka laga eego xal ahaa, lakiin dumarka badankooda ay kula darsi jireen
duruufo adag oo niyad ahaan & nafsad ahaanba u dhaawici jiray.
Talo & tusaale midna lama waydiin jirin iyaga oo hawsha u badan
ee reerka gacanta ku haya oo dhalaya hadana dhaqaya. Waa kali talisnimo qoys
walba taalay,e ayaa hadana dil & dibindaabyo layskugu darayey. Heerka
hayaanada haweenka lagu hayaa xataa waxay gaadhsiisnayd in uu ninku ka faano la
seexadka xaaskiisa oo saqda dhexe uu si dhuumaalaysi ah ugu soo gudi jirey.
Horta taariikhdeenii wataa oo waa taariikh madaw oo dumarka xaqii
& xuquuqdii Alle siiyay waa loo diiday. Dhaqankeenuna waxa uu ahaa mid
dumarka aad ugu adag oo aan arxan u hayn Ragiina arxankii in laga dhacey baad
moodaysay oo qof la yidhi ilaaliya oo dhawra ayey budh madax weyn ku garaaci
jireen iyada oo ay jirtay fahan la,aan xaga diinta ah & cilmiga oo sida loo
helaa ay adkeyd.
markii guumeysigu arlada Soomalida yimi ee ay ilbaxnimooyinku
bilaabmeen waxa talaabo talaabo loola soo qabsanayay nolosha magaalooyinka ilaa
iyo xornimadii la qaatey oo ay dhalatay dawlad midaysan oo ay Somali leedahay
iyada oo u xilka la wareegay kacaankii Milatariga ahaa ee uu gadhwadeenka ka ahaa Maxamed Siyaad
Barre (AHUN), kacaankaa ka dib waxa kor u kacay ka qeyb galka dumarka arrimaha
Bulshada, Siyaasada & shaqo galkaba kadib markii ay bilaabmeen ololayaashi
akhriska & qoraalka ee lagu dardar galinayay in ay bulshadu Rag & Dumar
wax bartaan oo heerka aqoon la,aanta la yareeyo. Sidoo kale waxa iyana jiray
xeer la ansixiyey 1975 oo la odhan jirey Xeerka Qoyska kaasii oo sheegayey in ay
Ragga & Dumarku siman yihiin, gafaf badani haku jiraane waxaan uga
gonleeyahay in ay kor u qaaday ka qeyb galka dumarka ee arrimaha bulshada &
siyaasadda. Waxa ay noqdeen saraakiil ciidan, duuliyayaal, dhakaatiir,
Injineero, macalimiin IWM. Nasiibdaro se isbadelkaasi ma sii waarin oo dagaalo
sokeeye ayaa bilaabmay oo bulshadii
burbur baa ku yimi.
Ka dib dagaaladii haweenku waxay wajaheen xaalado adag. Ragii
badankoodii waxay noqdeen wax dhinta, dhaawacma amaba ay haleeleen xanuunada
dhimirku iyo in badan oo dhal oo dhaqaaq noqotay, sidaa darteed waxa ay noqotay
in ay hooyooyinkii korka ku qaataan mas,uuliyadii reeraha haday noqoto dibad
& gudaba iyaga ayaa Hooyo & Aaboba noqday.
Iyaga ayuu ku tiirsamay dhaqaalihi reerku waxaanay ku khasbanaadeen
in ay qabtaan shaqooyinka ugu dhibka badan. Taasi waxay keentay isbadel xoogan
oo ku yimaada bulshada waalidiintiina waxay ku dhiiradeen in ay ubadku (Lab
& Dhedig) si isku mid ah dugsiyada loogu wada diro. 10 sannadood ee u
danbeeyay heerka waxbarashada habluhu waxa ku kordhayay xawaare aad u sareeya.qa
Caqabad
Caadooyinkaa soo jireenka ah ee aynu kor ku xusnay in ay sida
dabaysha ina dhaafaan kollayba ma rajaynayno oo horumarku wakhti buu qaataa, in
khalad la saxaana wakhti bay u baahan tahey.
Imika caqabadii u weynayd oo ahayd waxbarasho la,aan way ka baxeen
haweenkii; oo ubadkii si isku mid ah amaba isku dhaw ayaa imika waxbarashada
loogu wada diraa, balse dhibtu waxay ka taagan tahey markii waxbarashadii lasoo
dhameeyo suuqii shaqada.
Ama wiil ha ahaado ama gabadh ha ahaatee qof walba hami &
hiigsi buu leeyahay. Marka garaadka la kobciyo oo aqoon lagu guraya hab fakarka
qofku wuu is badelayaa dabcan habluhu marka ay wax bartaan ee ay ilaa heer
jaamacadeed gaadhaan waxa ay doonayaan in ay raggii wax la qeybsadaan oo ay
wadankooda, bulshadooda, qoyskooda & nafahoodaba wax ku taraan.wali waxaa
sii jira oo aynu dabada haysanaa dhaqankii qalafsanaa ee ay awowyaasheen ku
dhaqmayeen oo haweenkii wax bartay fursada ay raggu ka helayaan suuqa shaqada
ku lamida inay kahelaan wali maynaan gaadhin wallow ay isbadelo jiraan haddana
heerkii loogu talo galey wali ma ay gaadhin ha noqoto dhanka Dawladda &
dhanka Shicibkabee.
Tusaale waxa jira shirkado siyaasadooda shaqo ay ku jirto in aanay
dumar shaqaaleysiin. Shirkada isgaadhsiinta ee Telesom waa shirkadaha ugu
waaaweyn wadanka dhawr sanadood ka hor lagama soo helayn wax dumar ah oo ka
hawl gala imika se shaqaale waynaheeda 3% ka mid ah hadaanay ka yaran ba ayaa
ah haween ah inta kale waa rag. dadka ay u adeegaana rag & dumarba waa
leeyihiin oo Rag kaliya uma adeegaan.
Heerkaasay inaga taagan tahaye hadaba hablahan wax lasoo barayo
halkee loogu talo galey?
KOOTO UMA QALMEE KASKA RAGAA I BADAY
Waxa aynu sheeganaynaa wadan dimuqraadiya in cid kooto loo xidhaana
nadaamkan way kasoo hor jeedaa balse caqabadahaa soo jireenka ah iyo isbadelka
wakhtiga aynu kor kusoo xusnay ee ay ka dhalatay caqabada aynu arkaynaa waxa ay
keeneen in ay dumarkii dareemaan in ay wax tabayaan. Haa… waxbaa maqan, waxa
maqan waxa hooyooyinka subixii dhaxanta kusoo jarmaadinaya ee cadceeda &
dabaysha ay ugu duloobayaan. Baahidu iyada ayaa dadka riixda haddii ay is riixi
waayaan.
Si loo arko kartida haweenka oo loola qabsado in ay dumarku ka qayb
qaadan karaan siyaasada wadanka oo wax ka badeli karaan geedi socodka hawlaha
umadda waxa loo baahan yahey in ay marka hore meesha yimaadaan. Taasina ma
suuroobayso sababtoo ah intii aynu caqabad soo sheegnay ayaa waliba waxa usii dheer
in dadkeenu yihiin kuwo ku dhaqan hab qabaa,il ah. Taasi oo caqabad weyn ku
noqotay haweenkii. Siyaasadeenu malaha mabaa,dii sida umadaha kale u
adeegsadaan ee waxa jira is beelaysi iyo qabaa,il taasi oo keentay in ay oday
dhaqameedku go,aanada u badan ku yeeshan loolanka siyaasadeed ee wadanka. Caqabad
adagna ay ku tahay haweenka in ay ka qeyb galaan loolankaa waxa jira miisaan la
saaro gabadha marka ay musharaxad noqoto amaba ay meel sare soo istaagto ee ay
u baahato taageero. GABADHU MA DHALASHAA MISE WAA DHAXDIN?
Haweenka Somaliland hadday isasoo sharaxaan dhibta u weyni waxay ka
imanaysaa in ay ka dhaxeeye ku wax weydo oo reerkay ka dhalatay waxay leeyihiin
reer kale ayey dadaalkeena ula tagaysaa kolaybee aynu ninka soo saarno, halka
reerka ay u dhaxdayna ay odhanayaan reer hebel weeyaane maxaa inooga gidhiisha.
Waxaa tusaale cad inoo noqonaya haweenkii isku soo sharaxy
golayaasha Baarlamaanka & deegaanka doorashooyinkii kala danbeeyay.
Reference
W/Q: Hibo Ciise Maxamed
Wow!
ReplyDelete