Isma Qabato Caynkani


Waayadan danbe waxa aad u soo kordhayay hawl wadeenada ka hawl gala xafiisyada dawladda kuwaas oo iskugu jira Rag, Dumar, dhalinyaro iyo waayeel intaba. Dadkani waxay leeyihiin duruufo kala gadisan iyo baahiyo aan koobid lahayn. Tusaale: qaar kamid ah waxa daba fadhiya Qoysas iyo ubad masruuf iyo mariinba uga baahan, in kamid ahina waxay la tacaalaysaa noloshooda halka qaarkalena laga yaabo iney dad bukaan ah la tabaalaysan yihiin iyo hawlo aduun oo badan.Waxaynu wada ogsoonahay iney jiraan darajooyin lagu qaato mushaharka oo kala ah A,B,C & D, haddii aynu hoos ugu dhaadhacno darajo kastaa qiima lacageed bay ku fadhidaa kaas oo aan waxba ugu filnayn qof ay boqol & toban god afka usoo kala hayaan. Habase ahaatee waxa intiiba sii baabi,yey inay ku qaataan SL Shilling, halka suuqii  oo idilna wax lagu kala gadanayo  Doolarka maraykanka ( waxbarashadii, Nalkii, cusbitaalkii, Tukaamadii ….).  taa waxa ka sii daran in Dollarku cirkaa isku sii shareerayo halka Shillinkeeniina uu dhulka kusii hoobanayo. Markaasaa waliba loogu daray in kolba lasii rifo intii yareyd ee ay naftu haysay ee aan waxbaba ugu filnayn! Bal Allaan kugu dhaarshee qofka mushahar looga dhigay 350,000 Sl Shillling oo u dhiganta ($ 42) ee ubad ka biilinaya ee kiro ku jira ee wax barasho laga rabo haddii la yidhaahdo  5% baa lagaa gooyay muxuu sameynayaa?.In lays caawiyo oo laysku diir naxo waa mid waajib ah, balse waxa habboon in wax badan la daraaseeyo. Shantii sanno ee u danbeeyay wadanka waxa ka jirtay sicir-barar iyo nolosha oo sii adkaanaysa.GabagaboShaqaalaha dhexe ee dawladda JSL waxay ku sugan yihiin xaalad aan lagu sii jiri Karin oo aad moodo in dhinac walba laga soo cidhiidhyayo taas oo keentay inay hawlahooda sagsaag galiyaan sida iney laaluush qaataan, musuqmaasuq & is daba marin  sameeyaan. Taas waxa lagaga hor tagi karaa malahayga laba qodob midba:-1.      In adeegsiga shillinka lagu khasbo dhamaan dadka ku dhaqan wadanka si  uu shillinku usoo ceshado qiimihiisii una noqdo lacag adag oo ugu yaraan sharaf ku dhex leh cidii sameysatay, dadka mushahar u qaadanaya ay ugu niyad samaadaan.
2.      Haddii ay taasi dhici waydo in dhamaan hawl wadeenada Dawlada mushaharkooda looga dhigo Doolarka Maraynkanka si ay intaa yar uun wax ugu qabsadaan
Abaaruhu waa qayb ka mid ah masiibooyinka dabiiciga ah in qorshe laga sameystaana waa lagama maarmaan Dawladu waa inay dajisaa qorshe u gaar ah ka hortaga masiibooyinka dabiiciga ah.    
  WQ;Hibo Ciise Maxamedhibafaakhir@gmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Shalay daalinkaan riday Dal baabu xukumayee, Qaar daaqi xoolaha, Dekeddiyo madaarkii Iyo dawladnimadii Sarriftaa ka daba yimi;

Wedding planner

Baroortu Orgiga Ka Weyn (Buuga Sooyaal)